Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från juli, 2016

Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) waa Halyey u Hiiliyey Ubadka soo Koraya

Qofka dedaalka badan, had iyo jeer wuu ka dhex muuqda bulshada. Waxaase lagu eegaa laba indhood oo kala taggan. Qofbaa ku eega indho togan oo dedaalka qofkaas ayuu kol kasta ku farxaa oo u duceeyaa. Isha kale waa mid taban oo mar kasta ka naxda qofka dedaalaya. Labada indhood waxa kala saari kara dadka.  Dhibaatada inna haysata inta badan waa innaga oo aan sheegin qofka dedaalka badan, ee weliba dedaalkiisu aanuu kala go' lahayn, ee aan dan gaar ah ku wadan, ee aan dhaqaale ku qabin. Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) Waxaanu is barannay muddo haatan laga joogo 8 sannadood, waxaanse dareemaa in aanu isnaqannay in ka badan 20 sannadood. Sababtoo ah, xidhiidhka aanu lahayn muddadaa 8 sannadood ah ayaa ka badan 20 sannadood. Xogogaalnimada aan u ahay hawlaha uu inta badan wado ayaa igu dhiirrigeliyey in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo.

Kulanka laba buug iyo Magaalada Malmö (9 Julay 2016 sabti)

Ciidwanaagsan, Maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 9 Julay 2016 waxa ka dhici doona magaalada Malmö kulan lagu soo bandhigi doono labada buug ee halkan ka muuqda. Maalintaas waxa aad heli doontaa labadaa buug iyo waxa ay ku saabsanyihiin. Waxa aad fursad u heli doontaa in aad wax ka waydiiso qoraaga buugaagtan iyo guud ahaanba arrimaha qoraalka buugaagta afsoomaaliga ku qoran.

Faallo Kooban oo ku Saabsan Guddoomiyihii Xisbigii SNL ee 26 Juun 1960kii Xaaji

Dhawr maalmood ayaa laga joogaa maalintii loo dabbaaldegayey 56 guuradii ka soo wareegtay maalintii la dejiyey calankii Ingiriiska ee la saaray calankii soomaalida. Goobta xorriyadda ee Hargeysa ayaa nasiib u heshay in la saaro calan soomaaliyi leedahay oo u gaar ah. Calanka maalintaa la saaray oo ahaa kii loogu talo galay Jamhuuriyaddii Soomaalida, oo ahayd tan iyo Jabbuuti ilaa NFD, waxa uu ahaa kan midabka buluugga ah leh ee xiddigta shanta gees ee muujinaysa shanta soomaaliyeed leh.

Gefka taariikheed iyo guriga Madaxtooyada Xafladii 26 Juun, 2016 Mareegaha ....Farshaxan. Juun 25, 2016

Goorsheegta qaarada Ameerika ee gobolada dhexe ayaa ku beegan 4:16 galabnimo, waxaa dalka Soomaaliland magaalo madaxdiisa Hargeysa siiba guriga madaxtooyada ku soo gabagaboobey barnaamij ka socday. Waxa barnaamijkaa lagu xusayey 56 guurada ka soo wareegtay maalintii hanashada calanka dalka Soomaaliland ee loo boqno-gooyey midawgii shantii Soomaaliyeed. Xafladaa aad baa loo bilay, Rabadaan bay aheyd oo dadku muuqaal ahaan way nuurayeen, kana reebanaaayeen isdhex-galka marwooyinka iyo mudanayaasha .