Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från april, 2017

Bandhigga Buugga la Magac Baxay Duco-Qabe ee uu Qoray Xasan C Madar soona baxay 2016

Buugga Duco-Qabe waxa uu soo baxay 2016kii. Waa buug si mug leh uga warramaya sooyaalkii Maxamed X. Ibraahin Cigaal. Waxa uu buuggani soo koobayaa Sooyaal dheer oo ka soo bilaabmaya kontomaadkii, ilaa maalmihii noloshiisa ugu danbeysay Md. Cigaal 2002-dii. Taariikhdaasi, maaha mid ku kooban qof ahaan Maxamed I Cigaal, ee waa Sooyaal ka warramaya deegaanka soomaalidu degto oo dhan. Waa taariikh u baahnayd in la kaydiyo, oo uu inoo soo koobay Qoraa Xasan Cabdi Madar. Waxa aynu u baahannahay buugaag noocan oo kale ah si loo helo raadraac sugan.

Geeridu Xaqweeyee, Wayse Kala Gundheer tahay, Midbaad Goonyaha Jalleecdaa, Garabkaaga Eegtaa, Hadba Gees u Booddaa. Ilaahay Ha u Naxariisto Walaalahy Foosiya iyo Asma

Bismillaahi Al Raxmaani Al Raxiim Waxa ay ahayd maalin axad ah, oo fasax laga yahay shaqooyinka dalkan Iswidhan, taariikhduna ahayd 26-03-2017. Sida ii caadiga ah, maalinta axadda, gelinkeeda danbe guriga ayaan joogaa, haddaanan hawl kale lahayn. Goor ay tahay 16:00 (afartii Galabnimo) ee goorsheegta Iswidhan ayaan arkay war la soo geliyey WhatsApp kooxeed aan ku jiro. Farriintaas waan dhegaystay, waxaanay farriintu ahayd in dooxa Awbarkhadle uu qaaday gaadhi ay la socdeen laba hablood oo walaalo ah. Ilaahay ha u naxriisto iyo dareen isku dhafan oo aan dareemay farxaddii roobka iyo geeridaas naxdinta leh. Laakiin marnaba maankayga maan gelin waad garanaysaa labadaa hablood ee walaalaha ah.

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"