Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från augusti, 2017

Farriin Qalin W/Q, Mustafe A. Nuur

    Kolka qof uu buug qoro, buuggaasi wuxuu yeeshaa akhristayaal gaar ah, buug kasta cid kastaaba ma akhrisan karto! Qoraha kolka hore garanaya ujeeddada uu buugga u qorayo laftiisu wuxuu leeyahay cid uu ugu talo galay in ay buuggiisa akhrido oo ka falceliso. Buugna waa kii laga falceliyo ee uu qoruhuna wax ka korodhsado. Sidaa cagsigeeda qorayaasha Soomaaliyeed waxay wax u qoraan in shaqadaa ay qabteen gebi-ahaanteed aanay ammaan waxaan ahayni kaga soo noqonin. Taasina waxay sabab u noqotay korriin la’aan iyo horumar la’aan qoraha iyo qalinkiisa ba ku dhacday.

Erey aan Ka Idhi Gorfeynta Buugga Masraxa Cadaabta. W/Q, Siciid Maxamuud Gahayr

Faallooyinkii Khaalid Jaamac Qodax iyo Cabdinaasir Axmed Ibraahin! Aniga oo aan madasha keeni doonin gorfeyn la mid ah tii Khaalid Jaamac Qodax iyo fal-celin u dhiganta tii Cabdinaasir Axmed Ibraahin ayaa aan si gole-ka-fuul ah ereygii guurtiyeed si guudmar ah geestaydana ku cabbiri doonaa dareenkayga qof ahaaneed. Labada qoraaba waa saaxiibbaday iyo walaalladay. Waa laba nin oo milgahooda iyo maamuuskooda leh. Markaa ma jiro dhinac aan raacayaa, bulsadana waxa taas kaga filan labada qoraal ee ay soo saareen oo ay si mug leh u dhuuxaan. Gofeynta Khaalid waa siddeed bog, falceinta Cabdinaasirna waa lix bog.

Maxaa iiga Baxay Dooda Khaalid iyo Cabdinaasir ee Buugga Masraxa Cadaabta. WQ, Maxamed Shuceyb

Guud ahaan waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka (asc wr wb) bacda salaan waxaan jeclahay oo aan qalinka u qaatay inaan ka garsooro hal gorfeyn iyo falcelintii qoraagii buuggaasi uu ka sameeyey oo aan akhriyey kuna saabsana dhaliisha iyo khaladaadka ama gefefka qoraal ee ku jira dhiganaha “Masraxa Cadaabta’ ee uu inala wadaagay walaalkeen Cabdinaasir Axmed Ibraahin oo ah qoraa soo saarey saddex dhigane oo hore oo dabacaad galay.

Maqaal ku Saabsan Buugga la Magac baxay Masraxa Cadaabta....W/Q, Khadar Cabdi Cabdilaahi

  Nimcooyinka inoo soo kordhaya -Alla ha inoo siyaadiyee- ayey ka mid tahay in, laga soo koray fadhi-ku-dirirkii iyo ka dhurankii maqaaxiyaha. Xorriyadda qalbiga Ilaah baa bixiyee, maanta, dad badani arrintaa way ka soo xadhka goosanayaan. Xagga qalinka iyo hufnaanta ereyo qoran, oo dhaxalgal ah, waara, isla mar ahaantaana gaadhi masaafo dheer iyo mujtamac muggooda leh, ayaa maalin walba isa soo taraya. Sow wax Eebbe loogu mahadnaqo ma aha? Dee haa.

FALCELINTAYDII GORFEYNTA KHAALID EE BUUGGA MASRAXA CADAABTA. W/Q, Cabdinaasir Axmed Ibraahim!

Magaca Allaha aan iin barteed lahayn aan bud-dhig uga dhigo qor ... aalkaygan, mahad iyo ammaan idilkeed waxa leh Allaha ii sahlay in aan wax qoro waxna akhriyo. Mahadin Eebbe intaa haddii aan ku dhaafo, sababta keentay in aan maanta qalinka u holladaa waa; Gorfeyn uu buuggayga Masraxa Cadaabta! ka sameeyay qoraa da’ yar oo aan maamuus iyo milgo badan u hayo, ka mid ah dhallinyarta wax qorta ee ugu fadallada cadcad iyo qof arrimaha bulshada wakhti badan geliyay. Waa Khaalid Jaamac Qodax.

Gorfeynta Buugga " Masraxa Cadaabta", Ee uu Qoray Cabdinaasir Axmed Ibraahim. W/Q, Khaalid J Qodax

Buuggan magaciisu dusha ku xusan yahay baa ka mid ahaa dhawr buug oo hadiyad ahaan magaalada Hargeysa la iiga soo direy. Kolkii aan akhriyeyna, waxaan jeclaaday inaan wixii iiga baxay la wadaago akhristayaasha xiiseeya kala-dhigdhigga dhiganayaasha. Filashadii aan ka filaayey buugga, iyo wixii aan ugu tagey gudaha ayaa isku kay qaban waayey, taasi oo xataa boqolkiiba 2% ka mid ah ii buuxin weydey filashadeydaasi. Isla jeerkaasi ayaan go’aan saday inaan dadka u soo bandhigo, la wadaago, una sharraxo, wixii iiga baxay buuggan.