Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)
Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay ku beegnayd xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta.

Hawshaas abaal marintu waxay daba joogtaa tallaabooyin dhiirri gelin ah oo uu ururku go’aansaday in uu ku dhiirri geliyo bahda qoraalka. Gaar ahaan qorayaasha soo saara buugaagta ku qoran farsoomaaliga. Intaa dabadeed haddii aynu ku soo noqonno xafladdii guddoonsiinta ee buugga sannadka 2006 iyo Stockholm. Maadaama oo uu qoraagu deggen yahay magaalada Hargeysa, wuxuu soo wakiishay laba xubnood oo reer Stockholm ah. Labada xubnood ee uu u soo wakiishay inay u guddoomaan billadda abaalmarinta wuxuu qoraagu yidhi. ”Waxaan soo wakiishay Cabdilaahi Fidaar oo ahaa macallinkaygii iyo Cabdillaahi Faarax oo aanu isku arday ahayn.” Goor ku beegan 19:30 (todobadii iyo badhkii fiidnimo) markii la tukadey salaaddii maqrib ka dib ayuu Maxamed Xirsi Guuleed oo ahaa xidhidhiyaha barnaamijka isla markaana xubin ka ah guddiga UQS uu furay xafladdii. Dhawr erey oo isugu jiray mahadnaq iyo soo dhoweyn iyo warbixin kooban oo ku saabsanayd UQS ka dib wuxuu ku soo dhoweeyey Sayid Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiye xigeenka UQS.
Kaddib waxa dhacay sacab mug weyn. Eray isugu jiray mahadcelin iyo dhiirri gelinba ayuu Cabdilaahi Faarax goobtaa ka soo jeediyey. Kulankaas waxa joogay Cabdikariim Dalmar oo ah saxafi caan ah, kana socday Tv-Somaliland oo todobaadkiiba maalinta sabtida ka soo baxa magaalada Stockholm. Dhanka Internet-kana laga wada daawado caalamka oo dhan. Waxa xiise lahayd in kulankii oo socda uu qoraaga buuggu Boobe Yuusuf Ducaale telefoon ka soodiray Hargeysa. Iyadoo ay wada maqlayaan xubnihii soo sharfay kulankaas ayuu u mahadceliyey Ururka Qoraaga Somaliland iyo dhammaan xubnihii ka soo qayb galay kulankaas. Tv-Somaliland ayaa fursad u helay ay ku weydiiyeen su’aalo. Markii qaybtaa hore dhammaatay ayaa la qaatay waxoogaa nasasho ah oo lagu nastay cabbitaan iyo afqabsiba. Markii la isu soo noqday waxa la bilaabay waxoogaa dood-wadaag ah oo uu daadihinayey Maxamed Xirsi. Dooddaas oo uu Maxamed soo dhexdhigay kulanka waxay ahayd. Sideebaa loo dhiirrigelin karaa qorayaasha afka soomaaliga wax ku qora, dhinac dhaqaale iyo dhinac taloba?. Dooddaas oo si fiican u dhacday qoraalkan kuma soo koobi karo, balse aan ka soo qaato dhawr xubnood iyo dooddoodii.
Kommentarer
Skicka en kommentar