Fortsätt till huvudinnehåll

Kulankii Ururka Qoraaga Somaliland iyo Naadiyada Akhriska Somaliland 14-08-2013/ Hargeysa



Ururka Qoraaga Somaliland oo Bandhig u sameeyay Dhalinyarada Somalialand ee ku hawlan Qoraalka Buugaagta. Ururka Qoraaga Somaliland ee Fadhigiisu yahay Wadanka Dalka Sweden ayaa Habeenkii Xalay ahaa Kulan ay si wada jira ah u soo qabanqaabiyeen iyaga iyo Naadiyada Akhristayaasha Dalku ku qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeisa. 


    Xafladdan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ay Goobjoog ka ahaayeen Madaxda Ururka Qoraaga Somaliland qaar ka mid ah. Martisharafyo badan oo kala duwan Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Abwaan Axmed Aw-geedi,Qoraa Khaalid Jaamac Qodax, Madaxda Naadiyada Akhristyaasha Dalka, Ardayda Jaamacadaha dalka eek ala Duwan, Dhalinyarada Bandhiggan lagu Maamuusay oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho,Qoraa aad u da’yaraa oo Buuggiisa Goobta ku soo bandhigay, Xafaldan ahayd Markii koowaad ee lagu talaabsado in dhiiri gelin loo sameeyo Dhalinta niyadooda ay ku jirto inay wax qoraan isla markaa Shacbiga ay la wadaagaan Dareenka Buugtooda iyo Kaalinta ay ka qaadan karaan Horumarinta Dalka.


  Ugu horayn waxa Madasha Furay Mukhtaar Sh. Maxamuud, oo ku hadlayay Magaca Gudida Qabanqaabada Xafaladda ugana mahadnaqay Ururka Qoraaga Somaliland Xafladdan qiimaha leh ee ay wada Fuliyeen Naadiyada,Qoraa Khaalid Jaamac Qodax oo ku hadlayay Magaca Naadiyada Akhristayaasha ahna qoraa ka tirsan Ururka Qoraaga Somaliland, sidoo kale ah aasaasayaashii Naadiga Akhristayaash Hargaysa, ee bar bilawga u ahaa Naadiyada ayaa Muujiyay Dareenkiisa farxadeed ee madashan oo uu ku arkayo. Riyadii ay bilaabeen oo rumawday mar hadii Dhalintii wax qoraysay sidan loo maamuusayo, Madalo noocan oo kalena ay kula kulmayaan Qorayaashii iyo Abwaanadii Haldoorka ahaa.


   Qoraa Axmed Awgeedi oo ku hadlayay Magaca ururka Qoraaga Somaliland ayaa ka waramay in Xafaldan ay iyaga qiimo gaara u leedahay ayna ugu talo galeen in la ogaado Tayada Dhalinyarada Mustaqbalka dhaw dalka u soo kacaysa si kor loogu sii qaado tayadooda, isla markaana La ogaado Goobaha ay wax ka qoraan ma dhinac kaliya ayaa mise Goobo kala duwan ayay wax ka qorayaan, Abwaan Aw geedi waxa uu balan qaaday in aanu kulankani noqon doonin kii koowaad ee uu noqon doono Kulamo Joogto ah oo ay ururka qoraaga Somaliland ka fulin doonaan Caasimadda Dalka.

   
Qoraa Maxamad Xirsi Guuleed oo ka mid ah Madaxda Ururka qoraaga Somaliland ee ku sugan Dalka Sweden oo kulanka Soo qabanqaabiyey ayaa Goobta ku soo bandhigay Buugaagta qiimaha leh ee uu umada u qoray, oo ka kooban 9Buug oo uu qoray iyo 6 uu soo Tarjumay, waxa uu talooyin dhinacyo badan iyo dardaaran u soo jeediyay Dhalinta raadbaradka ku ah Akhriska iyo qoraalka.




  Ugu Dambayntii Sagaalka qore ee da’yarta ahaa ayaa Shaqooyinkoodii ku soo bandhigay Goobta kana sheekeeyay caqabadihii iyo dhibaatooyinkii ay la soo mareen Curinta Buugta.
Qoraa Cabdibashiir ayaa isna goobta Buugtiisii ku gudoonsiiyay Tartan dhinaca su’aalaha ah oo la qabtay Kooxihii ku guulaystay.

Diyaarintii, Mahdi Sheekh
Xubin ka mid ah Naadiyada Akhriska Somaliland
Hargeysa/Somaliland

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.