Fortsätt till huvudinnehåll

Debbaaldegga Maalmaha Fasaxa Ardayda ee 26-27 feberweri 2015ka iyo Skärholmen

Labada maalmood ee 26 iyo 27ka bishan aynu jirno oo ah bisha labaad ee sannadka 2015 waxa ka furmi doona, barnaamij loogu magacdaray (Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaalida) hoyga la magac baxay ANDRA HEMMET ee ku yaalla xaafadda Skärholmen oo ku taalla dhinaca koonfureed ee magaalada Stockholm. Maalmaha todobaadka soo socda waxa la fasaxaa ardayda si ay u sameeyaan ciyaaro---gaar ahaan barafka oo maalmahaa laga faa'iidaysto si loogu ciyaaro oo loo safro buuraha dhaadheer ee barafku ku gedaamanyahay. 

Ardaydu uma wada safarto buurahaas, barafkana ma wada ciyaaraan, sidaa darteed ayaa xaafadda Skärholmen oo ay hormood ka yihiin guddida waalidiinta soomaalida ee Skärholmen u soo diyaariyeen ardayda iyo guud ahaanba dadka ku nool magaalada Stockholm. Carruurta yaryar waxa loo samayn doonaa ciyaaro, sawirro iwm, dhallinyarada iyo dadka waaweyn waxa ay labada maalmoodba daawandoonaan oo dhegaysan doonaan arrimo farabadan oo kala jaadjaad ah sida: Muxaadarooyin, Arrimaha bulshada, Suugaanta soomaalida, Farsoomaaliga iyo Sooyaalkiisii, Qaybaha maansada soomaalida, buugaag la soo bandhigi doono, gaar ahaan qisadii Cilmi Boodheri. Waxa maalinta 27ka lagu soo afmeerayaa, Masraxiyad iyo majaajillo la baxday "Tayo beelka Carruurtu Waalid buu tebayaa" oo uu curiyey Muuse Maxamuud Ciise Dalmar.

Waxa aad la kulmi doontaa siyaasiyiin uu ka mid yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Iswidhan oo magaciisu yahay Amiir Aadan. Odayaasha goobta ka hadli doona waxa ka mid ah: Maxamed Xirsi Guuleed, Cumar Xaaji Bile, Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan. Waxa aan ka maqnayn guddida hawshan soo diyaarisay oo ah Somaliska Föräldrar Forum i Skärholmen (Guddida waalidiinta soomaalida ee xaafadda Skärholmen, oo uu furitaanka furi doono guddoomiye Cabdiwahaab Jirde.

FG: Haddii aad degentahay Stockholm waa ay kuu furantahay in aad maalintaa nagala soo qaybgasho. Haddii Eebe Idmo.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.