Fortsätt till huvudinnehåll

Gunaanadkii iyo Gebagabadii Maalmihii Dhaqanka Soomaalida ee Stockholm 4-5/12/2015


Ilaahay baa mahadleh. Maanta oo taariikhdu tahay 06-12-2015 ayaanu sii nabadgelyeynay martidii ka timi daafaha Yurub. Waxa ay kala ahaayeen Cabdalle Shafey (Dhanmark) Nuuradiin (Norway), Nimco Nuur (Finland), Maxamed Baashe (UK) iyo Boodhari oo ka yimi caasimadda labaad ee Iswidhan. Dhammaantood waxa ay wakhtigooda qaaliga ah u soo hureen ka qaybgalka bandhiggii loogu magacdaray "Maalamaha Dhaqanka iyo Suugaanta ee Soomaalida". Kaasoo ka dhacay xaafadda Kista ee magaalada Stockholm.


Muddo dhawr bilood ah  ayaa xoog iyo xooloba la geliyey sidii hawhaasi u qabsoomi lahayd.
Ilaahay mahaddii waa ay qabsoontay. Mana qabsoonteen la'aantood Dugsiga Kista Folkhögskolan oo ay garabtaagnaayeen ururada kala ah Somali Nordic Culture iyo Studijefrämjande. Xubnihii hawshaas fuliyey halkan kuma soo wada koobi karo. Waxaase xusid mudan Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Dalmar iyo Mustafe Axmed. Waa hubaal in aanay keligood hawshaas qaban kareen haddaan garbaha lala qaban.


Maalintii Jimcihii gelinkii hore waxa xoogga la saaray in ay ka qaybqaataan rag iyo haween u dhashay carrigan aanu deggenahay ee Iswidhan. Waxaana ay soo bandhigeen waxyaabo aad u qiimo leh oo ku saabsanaa soomaalida. Tusaale Oscar oo siddeetamaadkii degganaa Soomaaliya, waxa uu soo bandhigay qalabkii dhaqanka soomaalida. Waxa kale oo uu ka sheekeeyey sheeko ku jirtay buugga uu ka qoray sheekoxariirada soomaalida.

Dhinaca Carruurta ayaa maalintii labaad gelinkii hore xoogga la saaray oo Nimco Nuur, Matilda,
Oscar iyo Muuse Dalmar ay u diyaariyeen waxyaabo xiise gelinayey carruurta. Dhinaca barbaarinta wanaagsan ayuu aad uga hadlay Cabdalle Shafey oo ay ku weheliyeen Maxamed Cabdillaahi iyo Nimco Nuur. Barnaamijkii oo dhan halkan kagama warrami karo, waxaanse jeclaystay in aan meelo kooban ka taataabto ama wax ka tilmaamo. Maxamed Baashe Xasan ayaa laba buug ku soo bandhigay goobta, oo ka hore ahaa buuggii uu ka qoray Xaaji Aadan Afqallooc iyo buug laga qoray Xaaji Faarax Oomaar.

Maxamed Sh Xasan, Maxamed Xirsi Guuleed iyo Yuusuf Xasan (Sheekhalcasri) ayaa ka hadlay buugaagta daabacan ee afka soomaaliga ku qoran, oo tiradoodu marba marka ka danbaysa sii kordhayaan. Maadaama oo ay iyagu inbadan xogogaal u yihiin, gacantana ku hayaan buug soo saaridda. Gaar ahaan shirkadaha Scansom iyo Iftiinka Aqoonta oo la odhan karo waa laba shirkadood oo buugaagta ay gacanta ku hayaan aanay jirin goob kale oo laga heli karo.


Nuuraddiin oo ka hadlay buuggiisa ku saabsan Fihqiga oo uu afsoomaali ku qoray, ayaa isaguna aad uga hadlay sababihii ku dhaliyey iyo sida uu ugu farxay imaatinka Stockholm. Buraanbur, gabay, jiifto iyo maansada guud ayaa waxoogaa laga mariyey goobtii quruxda badnayd. Qosolka ayaan meesha ka madhnayn oo Cirro, Muuse iyo Maxamed Ammiin Xasan ay aad uga qosliyeen dadweynihii madasha fadhiyey. Waxa ay ahaayeen maalmo loo baahnaa, maalmo u baahan in la joogteeyo. maalmo farxadeed oo xusuus ku reebaya maanka intii nasiibka u heshay.


Lama waayayo, dhalliilo ama waxyaabo la tebayey. Qof aan waxba qaban ayaan cidina dhalliilin. Waxa laga faa'iidaa hawl kasta oo la qabto waxbadan. Waa in la saxaa ama la sii hagaajiyaa intii hore. Waana hubaal kooxdii hawsha wadday oo aan ka mid ahaa, in ay is weydiin doonaan maxaa qabyo ahaa? Maxaa innaga dhinnaa? maxaa Qaldanaa? iwm. Si kal-danbe loo hagaajiyo.

Dhinaca casharrada afsoomaaliga ayuu soo
diyaariyey Maxamed Baashe qayb uu u bixiyey "Qabyada afka". Qoraa Cumar Bile ayaa isna soo diyaariyey dhanka Naxwaha afsoomaaliga oo uu hore buug uga qoray. Cabdiraxmaan Xaashi ayaa isna soo diyaariyey cashar ku saabsanaa hab-qoraalka barnaamijka "Wordka". Hawshu ma ay yaran, wakhtiguna wuu koobnaa, arrimaha laga hadlayeyna dhammaan faa'iido ayey xanbaarsanaayeen.

Waxa yaab iyo amankaag ku ahayd dad badan,
qaybtii uu soo diyaariyey Cilmibaadhe Boodheri oo ka yimi Göteborg. Waxa ay ku saabsanayd koox soomaali ah oo ilaa dhammaadkii Q-19aad ilaa horraantii Q-20aad iman jiray dalalka Yurub kuna soo bandhigi jiray Carwooyin ku salaysnaa dhaqanka soomaalida. Waxa uu dadkii tusay sawirro la qaaday 1929kii iyo ka horba oo ay ku jirtay markii ay yimmaaddeen kooxdaa soomaalida ahi carriga Iswidhan, magaalooyin farabaddanna ay soo mareen Xirsi Carwo ayaan magaciisa ka sii xasuusnay oo kooxdaa hoggaamin jiray.


Waxa aan ka afeeftay in aanaan qoraalkan ku soo koobi karin arrimihii muhiimka ahaa ee labadaa maalmood lagu soo bandhigay maalmihii dhaqanka iyo suugaanta soomaalida ee Stockholm. Waxa aan ka filayaa qorayaasha kale in ay ku daraan, si maalmahaasi u galaan taariikhda sunsumaysa. Berri ka maalin, la tixraaci karo.

Sayid-Axmed Dhegey
06-12-2015/Stockholm


















Sawir taariikhi ah ayaa dhinaca bidix ka muuqda. Faysal Cadami iyo Maxamed Baashe oo ay isugu danbaysay 1983kii oo maanta 06-12-2015 ku kulmay Stockholm. Dharaaro iyo xusuustood. Waxa isugu danbaysay magaalada Hargeysa iyagoo arday dugsiga sare dhigta ah.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.