Fortsätt till huvudinnehåll

Weydiintii warcelinta heshay! WQ, Cabdicasiis Qalin-dhuux





WQ, Cabdicasiis Qalin-dhuux 13/06/2022 Hargeysa, Somaliland 
 

Weydiintii warcelinta heshay!


 -------------------------------------------------------------------- 


Siciid Jaamac Xuseen (IHN)

Adeer Siciid Jaamac Xuseen Xirsi — Rabbi haw janno goglo e — sida looga wada marag-kacay, wuxu ahaa shakhsi noociisu dhif iyo naadir ahaa oo kalfuran. Balse iminka kama hadlayo shakhsiyaddiisii xaruurta ahayd ee waxaan rabaa inaan idiin faa'ideeyo weydiin aan weydiiyey warcelinteedii uu I siiyey oo noqon karta warcelin waafi ah oo inooga jawaabta weydiimo inaga dhex guuxaya. Sida aynu ognahay, hoggaamiyayaashii Soomaaliyeed ee ina soo maray waxa ay u badnaayeen dad iyaga oo da'dii 20-30ka ku jira saamayn siyaasi ah iyo mid aqooneed sameeyay. Nidaamyadii dowladeed ee kala danbeeyayna ku suntanaa dadkii sargooyey aragtida siyaasadeed ee bulsho, ha hanaqaadi waayaanba e. Tusaale waxaa inoogu filan Raysalwasaare iyo Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Ahun, wuxu hoggaankii ururkii SNL noqday isaga oo dhowr iyo labaatan jir ah. Halka uu noqday saxeexihii xorriyadda Somaliland British Protectorate 1960kii isaga oo aan weli gaadhin soddon jir. 

Sida oo kale adeer Siciid Jaamac Xuseen, wuxu noqday Xoghayihii guud ee Xisbigii Xoogsatada Soomaaliyeed isaga oo aan gaadhin da'da soddon jirka! Keligood uun maaha ee wad uun. Marka ay halkaa marayso, annaga oo Siciid la sheekaysanayna maalin ramadaan ah, ahaydna wakhtigii ugu badnaa ee aanu wada qaadanno adeer Siciid, Ahun, ayaanu aniga iyo Sakariye Faysal Cagaf oo ahayn labada qof ee maalintaas wakhtiga la qaatay aanu weydiinnay:

"Adeer wakhtigiinii miyuu naga barako badnaa mise idinkaa naga tayo roonaa? Waayo idinka oo da'dayada aannu u badanahay ah baad saamayn, magac iyo waxtar yeelateen, halka annaga oo soddonkii ah ama dhaafnay aanu haddana weli aqoontayadii iyo xirfaddayadii aanu muujin kari la'nahay e?" Inta uu si kaftan, jalbeebin, muusood iyo qosol leh (Sidii caadada u ahayd) uu noo eegay, ayuu warcelin aanu ku qanacnay noo galay oo yidhi: 

 "Sakariye iyo Cabdicasiisoow, arrintu maaha sida aad u moodaysaan ama ka malaysanaysaan. Wakhtigu wakhtigii maaha oo annaga wakhtigayagii ma jirin cid naga waaweyn oo aqoon, firfircooni iyo fadallo-caddayn loo tuhmaayey. Anaga ayaa nasiibsannay oo noqonay da'dii aqoon la fahmi karo iyo far-hunguri ku hawlgeli karaysey oo sidaas ayaanu u noqonay kacaan wixii loo dhiibay ka soo baxay ama wax ku soo kordhiyay. Taasina wax annaga uun nagu keli ah ma ahayn ee adduunka haddii aad eegto, da'aadda lagu hanoqaado ee dowlad ama bulsho loogu shaqeeyaa waa taas aanu annagu ku hawlgalnay idinkana waxa weyn idiin ah maanta. Midda kale ee aan ku sheegi karo in hibadii, hal-abuurkii iyo aragtadii siyaasadda noo saamaxayday in aanu ka lib keenno ayaa ahayd in ay jirtay dowlad naga kafaalo-qaadday baahiyihii shakhsi ee guri lahayd, caafimaad lahayd, waxbarasho lahayd, ee masaariifta iyo bariiska lahayd! Markii tebiddaas nalaga kafaalo-qaadayna waxaanu xoog iyo fikir ku bixinay hawlihii aanu kolkaas haynay. 

Waana taas midda keeni karta maanta in idinka iyo annagu aanu ku kala duwannaano saamaynta nololeed ee u dhexeysa da'da. Oo hadda bal u fiirsada oo eega, qof wal oo hibo cusub iyo aragti cusub la yimaaddaa marka uu muddo yar wado, waxaa hor istaaga oo uu la daalaa-dhacaa bariiska iyo biilka xaafaddiisa. Kolkaas buu ka mashquulayaa arrin bulsho iyo mid hal-abuur una xuubsiibanayaa sidii uu u dhacsan lahaa biil iyo bariis oo keliya!..." 

Annagu dhabanka iyo gacanta ayaanu isku haynaa intaas. Maankayaguna hadba duni kale iyo aragti naga durugsan ayuu kolba dhex heehaabayey. Wax kasta oo uu noogu hoga-tusaaleeyona hii-hi iyo haaheey buu afkayagii ku juuqgabay. Weydiintaas se waxaanu u helnay warcelin la yaab nagu ahayd oo run biyo-kama-dhibcaan ah ahayd. Alla maxaa dad bulshada iyo ummadda waxtari lahaa uu hoos u dhigay oo ku dhex lumay bariis-dhacsi iyo biil raadin! Wax badan baanu ka faa'idnay adeer Siciid Jaamac Xuseen, Alle haw raxmado e. Wixii aan awoodo hadba waan idinla wadaagi ee halkaas aynu ku daysanno caawa. 

WQ, Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad) Cabdicasiis Qalin-Dhuux

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.