Fortsätt till huvudinnehåll

Bulshadii ”Islaweyn” burburkii ku dhacay, wax miyey ka barteen? Q-1aad W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

  
Beribaa waxa jirey laba Beelood oo is barbar yaalley. Degmada ayaa u kala rognayd, balse isku dhaqan iyo diin ma ay ahayn. Kala af ayay ahaayeen. Labada Bulsho mid waxa la odhan jiray “Islaweyn” ta kalena waxa la odhan jiray “Dangarad”. Islaweyn waxa ay aad u dhaqan jireen Geela oo ay ku faani jireen. Sidaa darteed dadka qaar ayaaba u yaqaannay Bulshadii faanka badnayd ama Faanbadan.



Bulshada Islaweyn, dhulkoodu waxa uu u badnaa dhagax, geed qodax leh iyo bannaan ama bann. Biyaha iyo dhulka cagaarani wuu ku yaraa, sidaasay iyagu raalli ku ahaayeen. Inkastoo dhulkaasi u baahnaa in laga shaqeeyo oo xoog iyo caqliba la adeegsado, nasiibdarro, reer Islaweyn waabay ku faani jireen, gaajada iyo harraadka. Waxa ay odhan jireen Geelyagu Soddon buu qadaa. Taasoo macnaheedu tahay in Geela ay dhaqdaan aanuu 30 maalmood biyo afka saarin. Waayo dee meel biyo uu ka cabbo ayaabaan u dhoweyn oo dhawr maalmood ayaa loo socdaa.

Reer Dangarad iyaga deegaankoodu waxa uu u badnaa buuralay cagaaran oo biya leh. Dhibaatada inta badan haysatay waxa ay ahayd dadkooda oo aan isku af ahayn, balse uu u taliyo boqor keliya. Beesha la yidhaa Dangarad waxa ay lahayd afar boqor iyo boqor guud oo ay u yaqaaneen “Boqorka Boqorrada”. Way kala danbeyn jireen oo madax iyo Minjo ayey kala lahaayeen. Boqorka boqorrada ayaa laga amar qaadan jiray.

Beesha Islaweyn, waxa ay lahayd, 999 (Sagaal boqol iyo sagaal iyo sagaashan) boqor. Mid kastaaba waxa uu ka talin jiray ceel. Deegaanka uu ka taliyo kama badnayn 30 KM (Soddon Kiiloo Mitir). Boqor kastaa waxa uu la col ahaa Boqorka kale iyo beeshiisa. Beeshii weynayd ee Islaweyn waxa ay u qaybsantay 999 oo beelood. Beel kastaaba waxa ay barbarka ku haysaa laba ama saddex beelood oo ay adduunka ugu necebtahay. Beesha Islaweyn waa isku diin, dhaqan, af iyo xidid. Waa dad la odhan karo waa Iksu mid. Laakiin ismay bixin jirin, colaad aan la macnayn karin ayaa ka dhaxaysay. Dagaalku joogta ayuu ahaa, faanka iyo gabayadu waxa ay ahaayeen waxyaabaha la isku qiimeeyo. Beeshu aad ayay u dhaqan fiicnayd, waayo waxa la isku qiimayn jiray, afmiinshaarnimada, dagaalka, gaajada, harraadka iwm. Sagaalka boqol iyo dheeraadka Boqor waxa ay raalli ku ahaayeen qaabkii ay u noolaayeen. Haddii uu qof ka mid ahi la yimaado hab ka duwan hababkii ay u noolaayeen, dhammaantood waa ay ka soo horjeedsan jireen.

Marka boqorku u qudbadaynayo beeshiisa deggen ceelka uu ka taliyo ee aan dhammayn 30KM waxa uu u sheegaa guulaha beesha. Waxa uu u sheegaa, sida ay u necebyihiin beesha reer Qansax ee dhinacooda taalla, waxa uu u sheegaa weligoodba in ay ka adkaan jireen, waxa uu u sheegaa, in aanay iyagu xaasidnimada aqoon, balse ree qansax iyo qudhacba ay xaasidiin yihiin. Waxa uu xasuusiyaa sida ay uga go’antahay in ay isaga celiyaan beelaha hareerahooda ah. Boqorkaasi ma yaqaano, cadaw intaa ka fog. Maba uu maqal Bulshada la yidhaahdo “Dangarad” ee aadka u neceb dhammaan reer Islaweyn. Waxa uu yaqaan intii aabihii u sheegay iyo awoowgii oo uga sheekeeyey in ay markii hore isku beel ahaayeen reer qudhac. Markii la batay ayey kala yeesheen laba boqor oo midba ceel ka taliyo. Inanka labaatan jirka ah waxa ka buuxsama nacayb, uu u qabo beeshaa kale ee u muuqata. Waxa uu qaybaa Gabaydii beeshoodu ay u tirisay beeshaa kale, si uu kaftanka uga helo dhallinta ay kulmaan ee ka soo jeedda beeshaa kale.

Bulshada Islaweyn, kama fikirto wax horumar ah, xataa waxyaabihii ay awoowayaashood u bilaabeen ee u baahnaa in la horemariyo, halkii kama ay qaadin. Iyaga oo sidaa u nool ayaa
maalin maalmaha ka mid ah waxa u yimi 15 (Shan iyo toban) Nin oo midab kale leh, waxa la socda nin reer Islaweyn ah oo afkoodii ku hadlaya. Waxaase yaab ku ridday Boqorkii beesha reer Sogsog dadkan midabka kale leh. Waxa dhexmartay sheekadan:

Boqorkii: Waar yaa waa ninka, maxay ahaayeen dadkani?
Dalmar: Dee waa niman idin soo martiyey
Boqrkii: Waan gartay, laakiin maxaa ku dhacay? Miyey bukaan?
Dalmar: Maya ma bukaan oo waraabe ka caafimaad weyn.
Boqorkii: Waar ha noo qarin raggan uu Barasku ku dhacay. Miyaanaad ogayn in cudurka Baraska qofka uu ku dhacaa ay tahay ”Cadho Alle”.

Dalmar: Adeer, nimankan midabkooda ayaa sidan ah, ee ma bukaan.
Boqorkii: Waaryaahe waa ninka adigu yaad tahay?
Dalmar: Dee miyaanaad afkayga iyo midabkaygaba garanayn.?
Boqorkii: Waar maxaad uga meermeeraysaa ma reer Qansax baad tahay?
Dalmar: Adeer miyeynaan isku dad ahayn oo reer Islaweyn miyaanaynu wada ahayn?
Boqorkii: Waar reer Islaweyn maxaa ka dhexeeya? Adeer waxba kama dhexeeyaan.
Boqorkii: Adigu Qansax iyo Qudhac kaad doonto ahaw, ee bal nimankani waa qoloma?
Dalmar: Waxa la yidhaahdaa reer Mara-boob!
Boqorkii: Reer Mara-boob, yaa waar yaanay maryaha naga furane, oo yay ka yihiin?


………….La soco qaybta labaad
Qore: Sayid Maxamed Yuusuf


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.