Fortsätt till huvudinnehåll

Qarankuu u hiiliyey goormuu qiimeyn? ...Abwaan, Cabdi Adan Xaad (Cabdiqays)




Waan kuu hogaansamay        
kugu soo hamiyi jiray
hadba kugu warwari jiray      
oon hoos iyo guud
hawlahaaga wadi jiray          
hor Illaah walaahiye
hamadii aan kuu qabay         
hiladaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo           
hir lagaaga baaqe


 

hadalkii macaanaa                 
hilaadaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo            
hir lagaaga baaqe
horta waa abaalkaa                
hadimada ku gaadhiyo
waxaad hawl la kulantee        
Ma ka heestay Ceel Dheer

 
Afeef: 

Markaad akhriyeyso maansooyinka maanka ku hay odhaahdan- “Horta baryahaa lama  tirin kareyn maanso.haddii kale waa inaad geed,gabadh ama jaceyl ugu soo gabataa.Inkastoo haddana hadaad tidhaa “jacaylkii wareeryeey kuwii nabad-sugidu u badali jireen in loo jeedo  ’kacaankii wareeryee’ oo dadweynihii ayaa sidaa doonayey una  macneeyey”  ayuu yidhi Cabdi Aadan Qays....

 
 
Golaha baarlamaanka (Kongereska)wadanka Maraykanka  ayaa bilad sharaf ugu deeqay gabadhii ka soo jeeda qoomiyada madoow. Waxay  aheyd gabadhii madoobeyd ee ugu horeysay   in loo qaado goobaha dagaalka xilligii uu socday  dagaalkii 2aad ee aduunku.Muddo ayaa laga soo shaqeeyey dhacdadan xaqiijinteeda iyo sida looga abaal marin lahaa.Gu’gii 1943 ayey  ku jirtay koox haween ahaa oo loo xilsaarey  magaalada  Birmingham ee cariga Ingiriiska  inay ka hawlgalaan  gaadhsiinta waraaqo loo dirayey  ciidamadii Maraykanka. Fariimaha inay isku gudbiyaan  reeraha (Family) iyo  xubnaha  ciidamada  ayaa aad loo taageeraa.Waraaq  qofka qoriga sida uga timid  reerihiisa ama sawiro ayaa keena dhiirigalin, niyad wanaag iyo hawl qabad wanaagsan.

Sidaa darteed ayey Anna Mae Robertson iyo kooxdii kale ee ay ku jirtay kaalin weyn oo wax ku ool ah ka geysteen hawshaa fulinteeda. Dawlada Maraykankuna  waxay garatey inay  aqoonsato  hawlgalkaa ay dalkeega u  fulisay.  

Akhriska qoraalka dhacdadaa laga qoray ayaa  iila jibaaxey gu’gii lixdankii iyo hagardaamadii ku habsatey soomaaliland miyaan jirin dad ka dhiidhiyey.Miyaaney dadkaasi bulshada ku laheyn qiimeyn iyo qadarin?.Ma xabaasha dusheeda  ayaa darajada la isku siiyaaa?...waydiimahaa ayaa dhex-jibaaxey maankayga.Warcelintiina waxay noqotay maad adiguba qalinka ku caleemo saartid mid ka mid ah dadkaa damqadey,bulshaduna  qalinka iyo codkaba ha u huraan qaar kalee..

Gu’yaashii 60aadkii ayaa bulshada reer Soomaaliland   tirsaneysay dhibaatooyin badan. Maamul kasta oo isbadalaa wuxuu u garaabi waayey,garana waayey  ujeedadii la iskugu darsamey.Maamuladaasi ayaa xeradoodii oo xoolo kale ugu soo biireen  u arkey hadyada ay reer Soomaaliland u bixiyeen xornimadoodii.Dadka reer Soomaaliland aad bey u damqadeen, hawlgalo badana waa la sameeyey si mar labaad Maandeeq loo soo xero galiyo.
Miyaan la aqoonsaneyn dastuurkii  u codayntiisa reer Soomaliland diidmada cad ka muujiyeen; Miyaan la xasuusaneyn  inqilaabkii milatari ee  reer Soomaaliland isku dayeen inay Maandeeq dib ugu boqraan;Miyaan la xasuusaneyn   qaxitaankii bulshada reer Soomalialnd  ugu wanqaleen Bakeyle Qalad; Miyaan la xasuusaneyn iscasilaadii wasiiradii ka soo jeeday reer Soomaliland; Miyaan miyaan, iwm.

Dadaalkaa badan ee bulshadu sameynaysay ayaa Abwaan Cabdi Aadan Qays uu ka mid ahaa dadka maanso ku sugay.Isagoo sababta saaraya waayaha, rabana inaanu niyadjabin dadkan dhiiran ee soo jeeda ayuu yidhi:

 

Wakhtiyahaw lagdamayaa,

Habeenkaaga laaciyo,

Maalintaada luulkii,

Nimay kala lusheenoo,

Kala leexiyeenoo,

Leeleel qabaan ahee,

Sida aan u liitiyo,

Laftaad iga wareentay, Laba kala fog weeyee,

Lugooyada ma daysaa,

Mise ruuxa Laangadhaa,

Sii liici mooyee,

Soo loodi maad odhan.

 

Dawladaha  Lixdankii isbadbadalayey ayaaney dani ugu jirin reer Soomaaliland.Mar kastoo midi dhalato loona wanqalo waxay u aheyd geeri iyo  xabaal qodid  bulshada reer Soomaaliland. Waxa kaloo  ay aheyd in bulshada reer Soomaaliland iyo hankoogii dib ula soo noqoshada Maandeeq ay sii kala durkayaan. Kala fogaanshahaa  yimid ayaa  abwaan Cabdi Aadan Qays ku hayey xanuun iyo doog uu ka seexan waayo.Hubka Illaahay ugu deeqay ayuu adeegsadey,maansooyin dhawr ah ayaanu ku tilmaamey sida uu kala durukaasi u dhibayo.Waxaanu yidhi abwaanku mid ka mid ah maansooyinaa arintaa  sugaya:

 

Geedigaan u baaqaa            Guruc u horseedayoo

Markaan guri yagleelaba     Adaa gees baneeyee

 

Waa garasho naagoodeey   Waa garasho naagodeey

 

Markan guur idhaahdeen    Awrka gibilka saareen

Guri doogle geeyaba           Adaa gees ka dhaafee

 

Markaan guunyo waabeen   Geed hadhaca oodeen Galabtii caraabaha             Adna iga garaacdaa

 

Waa garasho naagoodeey    Waa garasho naagodeey

 
Mar kale isagoo abwaanku ka waramaya  sida bulshada reer Soomaaliland ugu hanweyneyd la soo noqoshada Maandeeq iyo sida aaney ugu hirgaleyn xilliyadaa ayuu maanso ku cabiray.Wuxuu abwaanku xusayaa in dadaal jiro, ummaduna ay hawlgaleyso. Waxaa ka dhimani uun uu yahay  dadaalka oo rumooba. Waxaase mudan in la xuso inuu abwaanku marna ka gabneyn sheegista dareenka bulshada reer Soomaaliland.Waxaanu yidhi abwaanku:

 
Anigiyo naftaydaa
Habeen madow gudaysoo
Geedbay qof moodee
Tii oon gudin u hayn bay                                                               
Laamo goo i leedohoo
Gacmihii i daaleen

 
Garaad dumar ma dheeree
Yaa garwaaqsan jirayeey

Gabadh kibirtay oo ladan

Yaa garawsan jirayeey

Geenyo aan jaraysnayn

Yaa dagaal ku galayeey

Gooni u halaabee

Yaa garan waxa i gubay

 
Gu’gii 1969 ayaa   inqilaab Milatari oo aad loo soo dhaweeyey ka dhacey dalkii la odhan Jamhuuriyadii Soomaaliya. Waxaa faraha ka batey farxada, damaashaadka, iyo heesaha  la isla dhex marayey.Aqoonyahan badan ayaa  xilligaa  bilaabey inay dadka baraarujiyaan. Halka koox kale u xadhko xidhatey wax la qabashada  kooxdii inqilaabka samaysey ee uu hogaanka u hayey Afweyne. Dadka reer Soomaaliland ayaa  il-rajeed u yara furatey markuu ra’iisal wasaare noqdey marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. IShaasi ayaa bakhtiday markii Inqilaabku dhacey.Naftii la sasabayey ayaa gaagaxdey mar labaadoo kacdoon hor lihi u bilaabmey.Abwaanka oo dareenka bulshada ka af-celinayey ayaa yidhi:

 
Sasabada naftaydaay   
Janadaad ku sooryeeyn 
waa sagaal gu’ iyo subax
intii aan ku sugayee
haddana isa seegnayee
Anuun baa samraayee

Sidaan kugu arkaayaana Samo  kaama filayee ku sugayeee Allahayoow  Sahdanbena maxay noqon

 
Abwaan Cabdiqays ayaa sameeyey ruwaayad  dhawr bilood ka dib inqilaabkaa.Wuxuu abwaanku ruwaayadaa ugu wanqalay magaca ““Gaal iyo Islaam  Gabdhoow yaa idin leh”.Abwaanku  durbaanadan la qaatey isagoo la yaaban ayuu  sameeyey ruwaadaaa. Wuxuu abwaanku dib u jaleecay darxumada iyo daalka ka muuqda Maandeeq.Waxay la noqon wayday  inuu la jaanqaado kuwan mashxarada iyo damaashaadka  ku jira. Abwaanku wuxuu markaa  soo bandhigay in Soomaaliland weli dhib badani ka jirto aaneyna gaadhin halkay ku ladi laheyd.Sidoo kale ayuu abwaanku  u sheegay kuwa damaashaadka ku jira inay tahay farxad iyaga u gaar ah.Waxaa maansooyinkii ku jiray ruwaayadaa ka mid ahaa ee uu damaashaadkaa dhinaca kaliya ahaa ku muujinayey ka  mid ah:

Aduun baaba gabadhyahay     
gadafeeyay timahoo
gogolo lagu bulsheeyeyo        
guur u feedhanaaye
miyuu wiil gayaani                
go'e maanta jooga
geeri weeye caydhuye          
sawtan laysay gaajadu
mid aad garabka saartiyo     
miyuu geesi noolyahay

 

Aduun baaba geenyooy          
 wabigii ganaaniyo
gacan wabi ku yaaloo            
 haraad li'i u gamaaye
geestayada miyuu faras         
gaashaan qaadi joogaa
geeri weeye caydhu ye           
sawtan laysay gaajadu
midaad garabka saartiyo        
miyuu geesi noolyahay

 Dhinacaad ka gashaba maansooyinka abwaan Cabdi Qays waxaad ka arkeysaa inuu qabey boholyoow iyo  kacdoon laabeed. Waxaa mar kasta dareenkiisa ka soo hirqanayey weedho u hiilinaya Maandeeq raadinteeda iyo la soo noqoshadeeda.Silsiladii Siinley  ayuu maansadiisii ugu horeysay  ku sheegay in siddeedii  gu’ ee lagu jiray dawladihii rayidka ahaa boqno-gooyeen jiritaanka bulshada iyo dalka Soomaaliland, sidoo kale ayuu sheegay in xididadiina in la siibana ay u hawl-gashey tii Afweyne. Waxaanu yidhi abwaanku isagoo u jawaabayey abwaan Hadraawi:

 

Ina wallanwaloow samir  haweenka isa seegtee siddeed nabar adoo qaba waa taa kii sagaalaad seedaha ku gooyee

maxaan kuu sameeyaa siinkaa ku jiidhee

 
Hadh iyo habeen maanka abwaan Cabdi Qays kamay bixin dib-ula soo noqoshada Maandeeq. Waxaase mar kasta  boqno-goyn jiray dad badan oo waayeelnimo iyo aqoon biddo oo ka aragti duwanaa una xaglinayey  Jamhuuriyadii Soomaaliya. Waxaase mudnaanta leh in aanu  ka seexan  dagaalkaa joogtada ah,dhiigisan ay dhex maaxeysay Maandeeq oo loo daaq geeyey goob wanaagsan,baad iyo  biyoba leh.

 
Marka aan habeen qudha, Hurdo nabada seexdaba,  saw hees walwaaleed,  Hablo iima qaadaan,  Caawana hirkaan degay,  ma hawd iyo callaydh baa,  hawlihiyo caashaqa,  ma ka galay halkaygii

Ummad waliba waxay horumar ku gaadhaa markay ku hirato hormoodkooga. Bulsho waliba waxay liibaan haybsataa markaa maamussto hormoodkooga.Waxaan ku soo gunaanadayaa  maansadiisii Abwaanka ee  uu la hadlayey maamulkii Afweyne markuu isku caleemo saarey Libaaxii Afrika, wixii ka hor yimaadana xadhig,  dil iyo xoolahoogoo lala wareego  dan mooday:

Hilaacaad la socotaa         Dayaxaad hadhaysaa

daruurahaad u hoyataa     heegadaad dul jiiftaa

 wey kuu hagaagtee             wey kuu hagaagte

 

hadaad maanta hodan tahay 
 midna haybsan mayside
Habeen miyaan lulooda        
hurdo miyaan xasuusta
hamibaa i lumiyee               
Waa la soo hadhiyeey
 hawli wey imanay               
 Nafsaa hiilin doonee

 

Habar iyo habeenkeedaa     Habar iyo habeenkeeda

 
Ururintii iyo isku-duba ridkii:

 

Fu,aad Sheekh 

Bahda Mareegta Farshaxan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.