Fortsätt till huvudinnehåll

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh
Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh
Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh
Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye.
Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha.
....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012



Gabayohow hormood baa ka baxay hurintii maansoode
Gabayohow halyey baa god galay lama hawaystaane
Gabayohow horseedkii dantaa helay wedkiisiiye
Gabayohow ninkii noo halgamay naguna hawl seegay
Gabayohow ninkii hiilin jiray lagu hagoog ciide
Gabayohow hiddaha ooyayaa tebay halkiisiiye
Gabayohow libtuu ii hor kacay hilin-sankuu jeexay
Gabayohow hankayguu u shiday nuur la hiigsado’e
Gabayohow abaal lama hagrado hidinta qaameede
Gabayohow siduu iigu huray ugu hannee maanso
Hengeliyo tixyaha weerka xidho hibitiqlee oohin.
 ...............................Weedhsame /Hargeysa/Somaliland/2012

Labada gabay ee kor ku xusan waxa ay ka mid ahaayeen gabayo farabadan oo baroordiiq ah oo maansayahanno, kala joogga dacallada dinidu ay ka tiriyeen, geeridii IHN,tee Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye. Qoraallo tiro badan baa laga qoray sooyaalkii marxuum Gaarriye, laakiin aniga oo jeclaa in aan qoraal ka diyaariyo sooyaalkii iyo dedaalkii marxuumka ee ku saabsanaa afsoomaaliga iyo maansada ee uu in badan inoo soo bandhigay Maxamed Xaashi Dhamac, way igu yara adkaatay. Sababtoo ah, waxa ii muuqatay imminkana ii muuqata in aan la soo koobi karin waxqabadkii abwaan Gaarriye. Balse maanta waxa aan doorbiday in aan inna xasuusiyo meelo kooban oo ka mid ahaa dedaalkiisii una baahan in halkii laga sii wado oo dhallinyaradu ay sii kobciyaan, siina hore mariyaan arrimaha afsoomaaliga gaar ahaan iyo suugaanta guud ahaan. Tariikh nololeedkiisa waxa innagaga filan qoraallo badan oo buugaag iyo maqaallo ahaan ba u soo baxay. Waxa aan se isku deyi, meelaha aan is idhi, waxa uu ku soo kordhiyey suugaanta ama waxa uu ka mid ahaa safka hore ee bilaabay.

Waa marka hore'e maansada Gaarriye, waxa ay bilaw iyo dhammaad ba u tahay hiil, danyarta iyo xuquuqdooda. Waxa uu isku deyey oo uu inoo soo bandhigay 1976kii miisaanka maansada soomaalida oo markii ugu horreysay lagu daabacay wargeyskii keli ahaa ee dalku lahaa todobaatanaadkii, ee la odhan jirey xiddigta oktoobar. Miisaanka maansada, dad badan baan fahmin waxa ay ka hadlayso, waase hawl qiimaheeda leh oo u baahan in la barto, lana sii hore mariyo. Marka aad maqaysho gabay, waxa ay dhegtu garanaysaa in uu gabay yahay, marka aad maqasho geeraar waad garanaysaa in uu yahay geeraar, sidaasoo kale ayaad badaha maansada u kala garanaysaa. Oo haddaan idhaahdo" Dugsi male qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane" in uu gabay yahay ayaad garanaysaa, haddaan idhaa: "Ka siddeetan sabaan, calankaanu sugaynaye, sahankiisa ahaynoow!" dhegtaa garanaysa in uu geeraar yahay. Kala duwanaanshaha labadaa badood iyo kuwa kaleba ayuu Gaarriye inta uu qalin u qaatay badka soo dhigay. Laga yaabaa, in meelaha qaar u baahdaan in la sii habeeyo, laakiin marka hore in la barto oo hawshaa uu inoo bilaabay aan halkaa lagaga hadhin ayaa muhiim ah.

Maansayahanka soomaalidu, inta badan iskuma ay hawli jirin, jabnaanta ama quruxda maansadu leedahay wax-kasheegeeda. Macallin Gaarriye IHN,ee waxa uu xoogga saaray in uu si cilmiyeysan innoogu kala dhigo, meesha quruxda maansadu ku jirto iyo meelaha lagu dhalliili karo. Hore dhalliisha maansada baadhitaan laguma samayn jirin, waxaanse in badan arkay Gaarriye oo sharraxaad ka bixinaya. Waana hawl u baahan in si aqooneed loo baadho, iyadoon cidna la aflagaadaynayn, si fahamka maansadu uu u yeesho dhadhan. Intaasi waa iga hordhac iyo gogol dhig, ee aan isku soo koobo maansadiisii qaaliga ahayd.

Maanso la magac baxday "GARNAQSI" ayaa waxa ku jirtay: " Waa gabay hadduu, nin gaboobay naco, gabankiisa suga". Waxa uu sii tilmaamayey, haddii dadka maanta ila joogaa ay iskaba nacaan, gabaygan aan tiriyey, in carruurtooda uu dhaxal u yahay. Bal u sii fiirso, inyar oo aad ka dheehan karto in uu ka sii werwersanaa, wixii dhacayey waxa ay soo wadeen: "Waxaan garanayaa, haddii ay gef tahay, duddun bahal galeen, sirbaqabe hadhgalay, inaan good ka hiray, waxaan garanayaa, galab aan fogayn inaan meel garbo ah, laan gebi ku taal, geela uga digay"!!. Waa werwer jirey oo uu sii tilmaamayo, qof kasta oo wax garad ahina uu garankarayey. Maansadaa waxa uu curiyey isagoo jooga Itoobiya. Sida uu ku faahfaahiyey qoraalkiisii uu Rashiid Sh Cabdillaahi (Gadhweyne) ka diyaariyey geeridii Gaarriye. Waxa uu tilmaamay in maansada Garnaqsi ka dhalatay maanso hore oo uu beryahaa, siddeetamaadkii curiyey Gaarriye, oo madaxdii jabhaduhu gaar ahaan SNM kula collowday, sababtaasuu u garnaqsanayey. Maansada Garnaqsi way dheertahay, waxaadse heli kartaa iyadoo buug ku jirta ama maqaallo kaleba.

Gaarriye waxa uu ahaa macallin sare oo wax ka dhigi jirey, jaamacaddii lafoole, ee ku taallay Muqdisho, waxaase u dheeraa in uu macallin u ahaa dad ka badan inta jaamacadda uu macallinka ugu ahaa. Maansadii Siinley waxa ka danbeysay oo cirka isku shareertay "Deelley" oo ahayd sooyaal laga dheehan karo waayihii gurracnaa ee soomaalida soo maray. Inkastoo la baqayey oo aanuu ereyga iyo in wax la sheegaa xor ahayn, haddana waxa ay noqotay fursad lagu dooday, oo aragtidii dadka la soo bandhigay. Maxamed Xaashi, waxa uu nasiib u heley in uu bilaabay silsiladdii "Deelley" dhammaadkii 1979kii. Waa hubaal in kala qaybsanaani, ka dhex jirtay maansayahankii dooddu dhexmartay, laakiin bilaw ilaa dhammaad Gaarriye, waxa uu ka hadlayey danta guud, oo uu si mug leh u soo bandhigay. 

Haddii aad dhexqaaddo badda ballaadhan ee Maansada Gaarriye, waxa aad ka dhex arkaysaa, baalal kala jaad-jaad ah oo ku taxan arrimaha bulshada. Waxa kaaga soo baxaya ilaa afar qaybood oo ka hadalkoodu muhiim ahaa. Waxa ka mid ah: 1. U hiilinta dadka danyarta ah, ee aan ereygoodu meel dheer gaadhi karin. 2. Dadka lagu cabudhiyey fikirkooda siyaasadeed sida gabaygii qiimaha lahaa ee uu kula hadlayey halyeygi, aabbihii waxbarashada soomaalida IHN-tee Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille. 3. Wax ka sheegga arrimo kaba baxsan xaynaadbka soomaalida sida Maansadii Mandeella. 4. Xuska iyo xusuusinta hal-doorkii bulshada sida maansada "Damaq iyo Xusuus". Balse aan ku bilaabo, inyar oo ka mid ah maansooyin dhawr ah oo uu ugu talo galay, in uu ka dhigo masraxiyad, balse aan la dhigin. Inyar oo kooban oo ka mid ah maansooyinkaas aan inna xusuusiyo.




EED HOOYO LAGA GALAY (1978-kii)

Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
iniintiisii biqishoo,
ayax berri i soo maray
eel uu ka tegay baa
uurkayga jiifoo,
aramaa i hurudoo,
anigoo arkayaan
axankayga daaqoo,
macaan jeceshii oon sun ah
loo ursiiyey malabkee
ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
caku inan rageedow
waxa igadh ka beermaa
aarankiisa weeyee
ooryihiinii kici laa
aarankaad ku dubateen.
Urugadan i haysiyo
agoonkaa sedkii go'ay
aanadiinna weeyoo
uurkaygu waa godob
eed hooyo laga galay!!!!.

Maansada kor ku xusan, waxa uu abwaanku kaga hadlayey inan (gabadh) dhibaato ku habsatay, oo dadkii u hiilin lahaana ay ka hiilinayaan. Waxa ay maansadani ku jirtay Masraxiyad uu abwaanku u bixiyey EED HOOYO LAGA GALAY. Inta badan hal-abuurku waxa uu soo bandhigaa dhibaatada bulshada haysata. Inkastoo aanay Rawaayaddaasi soo bixin, nasiib wanaag geeraaradii ku jirey waa ay qoranyihiin, oo waxa iigu horreysay oo aan ku arkay buuggii uu Marxuumku qoray, oo uu ku ururiyey cajalad yar oo ta combuyuutarka ah. Sannadkii 2004 oo aan kula kulmay Maxamed Xaashi IHN-tee Hargeysa ayuu ii dhiibay cajaladdaa, oo aan markii hore ugu talo galay in aan daabaco buuggaas. Ilaahay kama dhigin, oo waxoogaa buugga ka maqnaa, baa aan hore u waayey, oo aniguna waxa aan joogay Iswidhan, isaguna waxa uu deggenaa xilligaas Hargeysa. Buuggaas oo uu isagu u bixiyey "SEERMAWEYDO" waa buugga markii danbe ka soo baxay London isagoo sita magaca "Hagarlaawe".

Ilaahay ha u naxariisto macallin, abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ahaa, codkar ereygiisa ugu hiiliya danyarta, waxa uu ahaa nin aan la gabban aragtidiisa. Maansadan hoosta ku qoran waxa ay ka hadlaysaa nin beerwale ah, oo reer Afgooye ah. Sida uu abwaanku meelo badan ka sheegay buuggaasna ku qoran, waxa uu la kulmay ninkaa beerwalaha ah. Isagoo beerwalihii, u warramayo Gaarriye, oo uu uga sheekaynayo dhibaatada haysata, oo ay ugu weynayd in marka abuurka uu beeray u soo go'aan ay dawladdu kala wareegto, uguna bedesho fara-guudkood, ayuu ninkii arkayaa askar agtooda maraysa, wuu baqanayaa oo sheekadii ayuu bedelayaa. Ninkaa dhibaataysan, ayuu maansadan ka curiyey Gaarriye.

BEERWALE (1979-kii)

Uurkaygu waa milil
Adhaxdaydu waa boog;
Cudur baan il-daranahay
Addimada cagaagiyo
Oof baan u liitaa.
Abuurkayga ciil iyo
Urugada naftaydiyo
Umal baan ku beeraa.
Sida ugaxda diinkaan
Eegmada ku koriyaa.

 Oogada huraysiyo
 Uumiga korkaygiyo,
 Dhiiggayga oomani
 Kolkuu aburka saydhaan,
 Xididada agoonta ah
 Ku waraabiyaa umal.
 Waxay saa ahaataba,
 Ayaanteey bislaatee
 Aayaheedu soo baxo,
 Ayax baa ku sara-kaca
 Wuu wada idlaystaa.

 Inta layga adag yahay
 Isna waa anfaaciga
 Anna waa awaaraha,
 Eridhabanki baan ahay
 Nacabka u irmaanaa.


Aan dib u sii yara noqonno oo 1973-kii iyo geeridii abwaankii caanka ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde), oo uu Gaarriye maansadan ka tiriyey, baroordiiq ahaan aan yara xasuusanno. Timacadde, waxa uu ahaa gabayaa, caan ka ah deegaanka soomaalidu degto oo dhan. Waxa uu ilaa maanta caan ku yahay la dagaalankiisii Qabyaaladda. Gabayadiisa haddii aad dhegaysato ama akhrisato, waxa kuu soo baxaysa qofka uu ahaa Cabdillaahi Suldaan. Waxaana aan odhan karaa, waa gabayaaga ay soomaalidu isku wada raacsantahay maansadiisii dhaxalgalka ahayd. Gabayadiisa qaar baaba noqday sida maahmaahda "Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane" ayaa ka mid ah. Calansaarkii lixdankii ayaa xusid mudan iyo geeraarkii caan baxay ee "Kaana siib kanna saar". Maxamed Xaashi, oo geerida maqlay ayaa maansadan uga dhigay baroordiiq. Wax yar baan innaga xusuusinayaa.

DAMAQ IYO XUSUUS (1973-kii)

Murtidii xag loo dayo
Xulashada ahayd iyo,
Xarragada higgaaddii
Ayaa xarafki hoos-dhabi?
Faraskii xiddaysnaa
Xakamihi ayaa sudhi?
Codkiisii xarraankiyo
Ka madhnaa xabeebtee
Xuli jirey wadnaha ee,
Wixii xay ah daayoo
Xawaallada gilgili jirey;
Geelana xasilin jirey;
Xoor gudhay hadduu yahay
Xaaddaydi yaa kicin?

Gabaygii xalaashiyo
Xaqa sheeg ha joogtee,
Dan ku xeeban jirinee
Xeelli-hadal ku caan-baxay;
Mabda'aan la xadi jirin
Suugaanta xaramka ah
Xushmadeedi yaa marin?

Xigasho: Hagarlaawe, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Mareegta Hadhwanaagnews 
iyo YouTube-ka oo aan ka qoray gabayada baroordiiqda.

..........La soco qaybaha danbe

W/Q, Sayid-Axmed Dhegey
27-06-2014, jimce
Stockholm/Iswidhan
----------------------------------

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.