Fortsätt till huvudinnehåll

Iyadoo arkaysa! W/Q Saddaam Xuseen Carab


Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.





Waxa ay soo gashay waadhka tilmaanta lagu soo siiyey ee ubadka ee “Oxygen”tu taallo. Kadinka ayey ka gashay oo hore u soo dhex qaadday. Waxa ay isha marisay sariiraha waadhka in ay ku dul aragto qof ay adeege caafimaad u garato. Ha yeeshee isheedu ma ay qaban wax aan ahayn ubad kalxamuhu soo baxeen, hooyooyin kor yabaalsan iyo agab wada gaboobay. Intaas oo dhan war uma hayso, waxa ay kolba hoos u fiirinaysaa ilmaha naqasku hayo ee boggeeda ku jira. Afka ayuu xumbo cad ka keenayey oo marka ay libiqsi ka waydo hadba afkeeda afka u saaraysay oo neef u siinaysay. Wali na ma ay arag cid shaqaale ah oo ilmaha wax u qabta.

Sariiraha waadhka midda u baallaysa waxa jiiftay gabadh cas oo buuran oo koodhcad xidhan. Waxa ay u malaysay in ay tahay kalkaalisada caafimad ee bukaanka waadhka. Markii ay u tagtay “Walaal ilmaha naqaskaa haya ee Ogsajiinta ku soo xidh baa la igu yidhi ee iigu xidh” bay hadal naxsan, warwarsan oo gariiraya ku tidhi gabadhii ilmaha sidatay. Kalkaalisadu wadhaa ba ma ay hayn. Naqaska qofka yar ku taagan iyo hooyada la isha daran xataa dareen yarna oo naxariis ah uma ay muujin, ha joogto gudashada hawshii waajibka loogu lahaa’e. Iyada oo aan hadal kalkaalisadu ayey labada lugood mid ba mar sariirta ka soo dajisatay oo ay shalmadda haabhaabatay. Miisaankeedu waa uu cuslaa oo inta ay is walwaalayso ayaa waqti ahayd. Intii ay kalkaalisadu is-kala guraysay, gabadhii ilmaha sidatay waxa ay marba naqaska ka soo nuugaysaa ilmaha afka ka xumbaynaya ee neefsan kari la.
Marka la eego tobannaanka sariirood ee dadka bukaanka ahi ku dul silcsanaayeen, tobannaanka kale na murugada la dul taagnaayeen waa la garanayey in ay goobtu xarun bukaan tahay. Marka la eego  dayaca qalab iyo dhisme ee ka muuqday waadhka iyo kalkaalisada sida guri ay leedahay uga soo dhex kacday bukaanka dhexdiisa marna lama aqbaleen in meel caafimaad iyo daryeel loo yimaad ay tahay. Waa se ciddii ay dani tidhi inta timid ee naf ka dayeysaa, waa intii u haynta yarayd bulshada oo kharash yari daryeelxumada ku soo doonatay. Marley waadhadhka kale ee laga wada dhextaahayo na daryeel li’idanin in ay biyo dhigto baan ku tallamay.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.