Fortsätt till huvudinnehåll

Warsaxaafadeed: W02/UQS/06-2014 (Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan)


Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan

Warsaxaafadeed: W02/UQS/06-2014

 
Shalay oo taariikhdu ahayd 0706214, maalin sabti ah, waxa qabsoomay shirweynihii Ururka Qorayaasha Soomaaliland laanta Iswidhan. Shirkan oo ka dhacay, xarunta Ururka ee ku taal xaafadda Telefonplan, ee magaalada Stockholm, waxa uu furmay 10:30 gelinkii hore.
Furitaankii shirka oo uu furay guddoomiyiha ururka Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf, waxa uu ku wareejiyey xubnihii ka soo qaybgalay, in la doorto shirguddoon iyo xoghayaha shirka. Sidaa ayaa lagu bilaabay qodobadii u yaallay shirka. Inkastoo go’aamo dhawr ahi ka soo baxeen, balse waxa aanu warsaxaafadeedkan ku soo koobaynaa laba qodob oo muhiim ah in saxaafadda aanu gaadhsiinno.
 

1.      Waxa lagu go’aansaday in guddidii hore ay sii hayso hoggaanka ururka laantiisa Iswidhan. Guddidaas oo kala ah:

Guddoomiye: Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf

Guddoomiye xigeen ahna Xoghayaha Ururka: Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar)

Xisaabiyaha Ururka: Cabdilaahi Saalax Yuusuf

2.      Shiweynahani waxa uu si buuxda u taageeray go’aankii ka soo baxay Ururka Qorayaasha Somaliland ee xubnihiisu kala joogaan dacallada adduunka. Go’aankaas oo ahaa in Xarunta guud ay noqoto dalka gudihiisa, gaar ahaan Hargeysa/Somaliland. Mar haddii laanta Iswidhan ay ahayd halkii uu ururka ka bilaabmay, waxa ay si mug leh uga doodeen qaab-dhismeedka ururka guud ahaan, gaar ahaanna laanta Iswidhan. Waxaanay isku raaceen in xidhiidhka iyo wadashaqaynta xarunta guud ay ahaato joogto.

Ugu danbayn, waxa uu shirku ku soo gebagaboobay, jawi aad u fiican. Waxaana la isla qaatay go’aamadii shirka ka soo baxay in sida ugu habboon loo hirgeliyo.


 

Guddida Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan 

Stockholm/ 0806-2014/ Axad






Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.