Fortsätt till huvudinnehåll

ALIF waa warside ka soo baxa Stockholm afar jeer sannadkii, waxa soo saara Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay Sweden

Tirsiga 2-aad, gu'ga 4-aad ee ALIF, ayaa soo baxay 16-07-2013, kana soo baxay magaalada Stockholm. Warsidahan waxa inta badan lagu soo bandhigaa qoraallo ku saabsan suugaanta, taariikhda, dhaqanka iyo aqoonta laamaheeda kala jaad-jaadka ah. Waxa soo saara Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay magaalada Stockholm ee carriga Sweden. 






Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer, waxa aad kala xidhiidhi kartaa, Emailada hoosta ku qoran:

Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) : 
xajidalmar@gmail.com

Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
gacanlibaax2001@yahoo.se

FG: Haddii aad hayso qoraallo ku saabsan qoraanimada, buugaagta, suugaanta, dhaqanka, iyo arrimaha la xidhiidha aqoonta sayniska, waxa aad u soo gudbin kartaa emailada kor ku xusan. Warsiduhu waa kaagii, ujeedaduna waa uun kobcinta iyo kor u qaadida arrimaha kor ku xusan.

Bahda ALIF
Ururka Qoraaga Somaliland
www.qoraaga.com


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.