Fortsätt till huvudinnehåll

"Run sheeg ceeb sheeg noqoy" prof. Axmed Ismaaciil Samatar


Ramadaan Kariim, aflagaaddo ma fiicna, afxumona nabadna waa ay kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto. Waa halkudhegyo soomaaliyeed. U malayn maayo in Prof. Axmed I Samatar qof la mid ah soomaalida uu ku dhex jiro, haddii uu jirona waa fara ku tiris. Qofka banii'aadamka ahi, waa uu qaldamaa, waase in uu qirtaa qaladkiisa, oo dib u saxaa. 







sawirkan korka ka muuqda waa mid ka mid ah soo dhoweyntii Axmed I Samatar

Arki maysid qof soomaaliyeed (Waxa aan u jeedaa inta hormoodka ah) oo qaladkiisa qiranaya, oo leh waar haddaan sidaa wax u arkayey dee waan qaldanaa, oo adigaa iga saxan. Muddo ka badan 30 sannadood ayuu prof. Axmed ku dhexjiray badweynta siyaasaddii gebi-dhaclaynaysay ee soomaalida. Ilaa siddeetamaadkii, oo jabhadihii ka horyimi keligii taliskii dalka ka jiray, waxa uu ahaa nin aad ugu dhuun daloola arrimaha siyaasadda soomaalida.

  Intii burburkii maamulkii soomaalidana waxa uu ahaa, nin aad u sii dhexgalay bad-weyntaas siyaasadda soomaalida. In badan waxa ay ku jeclaayeen keliya, in uu ka soo horjeeday Somaliland dal ahaan. Waxa uu markasta lahaa " Wax way qabsadeen laakiin, kuma raacsani in ay goonni ka noqdaan Jamhuuriyaddii soomaalida" Sida ay doonto ha ka noqotee, dad baa sidaa ku jeclaa, buunbuunin jiray, iyagoo u arkayey in uu yahay aqoonyahan ka horyimi dalkiisii Somaliland oo loo adeegsan karo burburinta Somaliland. Dabcan in kaloo ah reer Somaliland baa sidaa ku necbaa, oo aflagaadayn jiray ama aan jeclaysan jirin hadaladdiisa. Inkastoo aanuu marnaba afxumo isagu ku odhan reer Somaliland---haddana aragtidiisa ayaa lagu fogeeyey oo aanuu isaguna la gabban jirin.

Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa " Run sheeg ceeb sheeg noqoy"

Macallin sare, Axmed Ismaaciil, waxa uu noqday musharrax madaxweyne jamhuuriyadda Soomaaliyeed---isagoo midnimadii labada dal ee Somaliland iyo Somaliya raba in aanay lumin. Wax badan waa uu ogaa, oo ay ka mid atahay in Somaliland ay 22 sannadood dal ahayd. " Ma i tidhi, i taabsii, indhaha ii saar" ayuu malaa doorbiday. Wuu tegey, maxaa dhacay dabadeed?



Sawirkanina waa Jaamacadda hargeysa


   :- "Waxa aad tahay reer Somaliland, adiga deegaankaagii maba joogo, adigu sideebaad madaxweyne u soo doonataa, adigu codkaaga na sii iwm" ayaa loola yimi musharraxii HIIL QARAN. Waa tallaabadii ugu danbaysay ee si toos ah uu prof, Axmed u xaqiiqsaday run badan oo jirtay oo uu is diidsiin jiray. Waxa uu si cad oo aan madmadaw lahayn u bedelay aragtidiisii ku dhisnayd jacaylka Jamhuuriyaddii soomaaliyeed ee burburtay. Waxa uu xaqiiqsaday go'aankii 18 mey 1991 ee ka dhacay Burco, laguna taagay Jamhuuriyadda Somaliland,  in aanuu ahayn soomaali nacayb ee uu ahaa runta biyo kama dhibcaanka ah ee ka jirta deegaanka soomaalida. Waxa uu si dhab ah uga hadlay dhibaatooyinka jira ee 20 sannadood ay u kab-kabmi la'dahay Jamhuuriyaddii soomaalidu.

  "Jabuuti waa dal jira waxaana madaxweyne ka ah Ismaaciil Cumar Geelle---dee waa nin muslin ah soomaalina ah, Diridhabe, Huursa, Dharwanaaje, ilaa deegaanka soomaali galbeed waa Itoobiya, waana dad soomaaliyeed, saddex iyo konton sannadood miyaad aragtay madaxweyne ka soo jeeda somaliland ooJamhuuriyadda madax ka noqday? Hanbo siyaasadeed oo danbe dadkani wuu diiday, Calanka buluugga ah ee xiddigta cad ee shanta gees leh waar muyuusiyamka ha la dhigo calaamaddii uu u taagnaa ma jirtoe, Soomaliweyn baan doonayaa, oo haddana laba shirkadood baa dalka iska leh, oo looga danbaynayaa, isma qabato, 20 sannadood baan gidaarkaa garaacayey maanta waa la iga gar helay oo reer Somaliland iyagaa iga gar helay, iyaga ayaan u soo noqday oo aan ka mid ahay, lana shaqaynayaa."

  Halkudhegyadaasi, waxa ay ka mid ahaayeen hadaladii uu carrabka ku adkeeyey prof. Axmed I Samatar. waxa aan qabaa waxaasoo dhami waa run, laakiin runta ma sheegno ama haddaan si kale u dhigo runta waxa aynu isugu sheegnaa makhaayadaha, guryaha iyo meelaha fadhi-kudirirka ah. Beentana waxa aynu la soo istaagnaa meelaha laga qudbadeeyo, kulamadda waaweyn ee danta soomaalida lagaga hadlayo. 

  Arrinkaa wuu bedelay Axmed--wuxuu la soo itaagay runtii oo aan gabbasho lahayn madal kasta oo lagu waraysto ama uu ka hadlo. Runtu waa qaali, runtu dadka waa ay ka nixisaa, waxse ma yeesho. Runtu ma fantaa? Run sheeg ceeb sheeg noqoy!! Waxa taa ka dhigan Aqoonyahan, Axmed I Samatar, oo dareen dhab ah muujiyey. Haddii la heli lahaa aqoonyahanka, siyaasiyiinya, hoggaamiyeyaasha soomaalida oo runta ku soo durka, wax badan baa soomaali u qabsoomi lahaa. Labaatan sannadood ka dib maanta xukuumadda Soomaaliya ciiidan ka yimi Yugaandha kama ilaaliyeen dadka ay xukumayaan ee dawladda u yihiin. Waa 22 sannadood dabadeed baa lagu ilaalinayaa madaxtooyada Somaliya, ciddii ka talin lahayd dalka. Maxaa qaldan? Waxa qaldan --- Been baa la isku maaweeliyaa, looma daadegin runta.

  Axmed I Samatar, runta ayuu ku soo dhawaaday. Siyaasiyiinta Somaliya, malaa ma dareensana godobta ay ka gelayaan, taariikhda dadka reer Somaliland. Waxa ay ahayd 26 juun 1960-kii maalintii ugu horraysay ee calan ay qaataan dad soomaalinimo ka buuxday. Si kasta wax ha u qaldameen oo qaldaamiinba ha loogu yeedho'e yoolku waxa uu ahaa in la isu keeno shanta soomaaliyeed. La waa, ee maxaa talo ah? Waa weydiin muhiim ah. Reer Somaliland iyagu weydiintaa waxa ay ka jawaabeen 18 Mey 1991kii, ilaa maanta waxa laga gelayaa reer Somaliland waa danbi. Kaasoo ah in siyaasiyiinta ama hoggaanka reer Somaliya ay u adeegsanayaan xagga xidhiidhka caalamka, sidii loo curyaamin lahaa Somaliland. Aqoonsiga Somaliland doonayso, waa uun wax u wanaagsanaan lahaa Somaliyana una hagaagi lahaa. Waxaase muuqata in hoggaamiyeyaasha Somaliya ku talo galeen in ay caalamka ka xidhaan Somaliland---inteebay qaadan doontaa? cadaawadda cusub ee ay beerayaanna yaa guran doona midhaheeda?

  Ugu danbayn, Axmed Ismaaciil Samatar, runta uu sheegay, waa runta ka jirta Somaliland. Waxa uu soo arkayna waa waxa dhabta ah ee ka jira Somaliland. Haddii Xamar lagu yidhi tol kuma haysatid, tolkiisu waa Somaliland. Waxa ka mid ahaa hadalladii Axmed Ismaaciil " Kharashka ugu badan waxa aanu ku bixinaynay ciidan na ilaaliya markii aan Xamar joogay, halkanna (Somaliland) dee maan arag qof qori sita aan ka ahayn dawladda ciidankeeda sharciga ah". 

Prof. Axmed I samatar: Ka: - been isku maaweelinta Somaliweyn ee la waayey. Ku : - Somaliland oo ah dal jira, jirina doona.

Runeey lagu neceb
Lagu rookee
Layska kaa reeb
Ristaad daaqdaba
Lagu raadgoob
Fule kaa roor..........................Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.