Fortsätt till huvudinnehåll

Su'aalo ku saabsan Ramadaanka..Diyaariye: CABDIXAKIIM MAXAMED AXMED


3.S. Muddo dheer ayaa soon la igu lahaa soonkaasi oo igu soo beegmi jiray aniga oo uur leh ama ilmo jaqsiinaya, waxa jirta oo kale inaan leeyahay gaastrik markaana uu caafimaadkaygii wax yeelayo haddaba arrintaasi werwer bay igu haysaaye maxay jawaabtu noqonaysaa soonkaa mudada dheer la igu lahaa?

J. Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadaadka ilaahay inagu addoonsaday sida salaada oo kale, cibaadadana marka uu qofku kari waayo waxa uu ilaahay siiyay ruqso, marka hore camalkani waa shay la amray oo la go’aamiyay, marka ay ku adkaatana qofkii ilaahay ruqsad buu siiyay ilaahayna wuxuu yidhi “Ilaahay korkiina ma yeelin wax culays ah diinta dhexdeeda”, waxay kaga duwan tahay wax cidhiidhi ah oo dhexdeeda la yeelay baan jirin”. (Suuratu Xaj No.78,) Nabiguna (csw) waxa uu yidhi “waxa ilaahay igu soo diray diin dabacsan oo wixii wanaagsan oo dhan u soo leexanaysa”, (Axmed No.5/266, Dabraani No.7868 waxa sixiixiyay Albaani kitaabkiisa silsilada axaadiista saxeexa ah No.2924) qawaacida islaamku leeyahay ee caamka ah waxa ka mid ah marka mashaqo timaado fudayd bay keentaa markaa qofkii mashaqo ku timaado ilaahay wuu u fudaydiyaa, haddaba ruuxa dumarka ahi marka ay jaqsiinayso ama ay uurka leedahay culimadu waxa ay isku waafaqsan yihiin inay iska afurayso, laba arrimood mid baa imanayoo ama ubadkii u baqdo ama nafteeda u baqdo, haddii labadaa midi timaadoo mashaqo soo gaadhayso ilmihii ama iyadii mashaqo soo gaadhayso way iska afuraysaa oo markaa way iska cunaysaa ramadaantii, waxaanay haysataa ruqsad, haddaba kolka ay ramadaantii dhamaato ee ay wakhti hesho inay soo qalayso weeye markaa, culimada qaarkood waxay sheegaan inay fidyo ku darayso, laakiin qawlka ugu raajixsani waxa weeyaan marka ay haleesho ee ay awoodo inay soo qalayso, xataa haddii laba ramadaan is gaadhaan. 

Haddaba haddii xanuun kale uu jiro matalan haddii tiibii ku timaado ama xiiqi, gaastari dhakhtarkiina u sheego oo uu yidhaa xanuunkii wuu kugu kordhayaa haddii aad soonto, marka uu soomana xanuunkii sii kordhayo sida gaastariga oo kale, markaa waxa imanaysa runtii inuu bixiyo fidyo, waa haddii xanuunkaa ay mashaqo ka soo gaadhayso. Qofku wuu is tijaabinayaa inta uu karayo wuu soomayaa, laakiin marka uu iska soo taago xanuun kasta ha ahaadee, xanuunkiina in uu ka bogsado aan la rajaynayn markaa wuu iska afurayaa oo fidyo ayuu bixinayaa, fidyadaas oo maaalintiiba noqonaysa nus-kiile, markaa ugu horayn waa in qalaha laga quustaa, mararka qaar waxa dhacda in qofka oo qalaha karaya in uu wahsi iska yimaado markaana la yidhaahdo raashinka uun aan iska bixino.
Alaahu aclam.

4. S. Haddii aan bukay bishii ramadaan ee ina dhaaftay oo aan gudan kari waayay xanuun awgii, bishii kalena ay soo dhowdahay haddaba dawooyin baan isticmaalayay intii u dhaxaysay labadaa bilood arrintaasi diinteenu maxay ka qabtaa?

J. Qofku marka uu buko ilaahay baa u fududeeyay “qofka socdaal ah ama buka bisha ramadaan ha iska afuro oo maalmo kale ha qaleeyo” (Al-Baqra No.184) ayuu ilaahay yidhi haddaba haddii ay dhacdo in markuu is idhaahdo soo qalee uu xanuunkii qabanayo, bishii dambena xanuunkii qabanyo waxaa lagu tilmaamayaa inuu yahay ‘xanuun aan la rajaynayn inuu qofkani ka bogsado’ ha ahaado alsar, ama xiiq ama tiibii iyo waxyaabihii qofka ku keenayay inaanu bogsan ee uu ka sii darayo kolka xaaladu caynkaa tahay inuu raashin bixinayo ayay tilmaamaan fuqahadu waayo qofku wuxuu la mid noqonayaa kii gaboobay ee da’da ahaa oo raashin buu bixinayaa laakiin bal horta ha hubiyo mar walba oo soonkii ha isku dayo inuu karayo iyo in kale.
Alaahu aclam.

5. S. Waxaan leeyahay xanuunka la yidhaahdo xiiqda markaasi waxaan isticmaalaa daawada xiiqda ee naqaska, markaa aniga oo sooman haddii aan isticmaalo daawadaasi oo aan ka maarmi waayo miyuu markaa soonkaygii iga jabayaa mise wuu ii xidhan yahay oo siduu ahaa ayuu iigu fulayaa?

J. Soonka waxa jabiya waxa qofka afka iyo meelaha daloola ka gala wax la cuno iyo wax la cabo iyo wax ku milma afkaba daawada culimada islaamka ee mucaasiriinta ahi way ka waramaan waa duwadan la isku buufiyo ee qofka naqaska ka sii daysa way jiraan qaar fityooda inaanay jabinayn qaarkoodna way jabinaysaa bay yidhaahdaan kolayba ma laha wax hagaagsan oo la liqi karo laakiin waa naqas ama hawo uu qofkii qaadanayo markaa kol haddii la isku khilaafo oo lagu murmo waxay ka mid tahay waxyaalaha mutashaabihaadka ah ee markaa nabiguna uu lahaa, sidaa darteed qofkii hadduu xanuusanayo oo uu soonkii xajin karana dee ha iska xamilo haddii kalena ruqsada ilaahay ha ka faa’iidaysto oo ha iska cuno oo markaa ha soo qaleeyo wakhtiga uu ladnaado.
Alaahu aclam.

6. S. Waxaan maqlaa inay dadku yidhaahdaan hadii had iyo goorba saddexda cisho ee ugu dambeeya caadada hadii la soomo in markaasi qofku jidka siraad uu si dhib yar ku marayo oo ka badbaadayo, arrintaasi diinta islaamku maxay ka qabtaa?

J. Sunihii nabigey ka mid ahayd inuu soomo ayaamaha cad-cad maalmahaa cad-cadina waa saddexda cishee iftiinka dayaxu ugu roonyahay, waa saddex iyo toban, afar iyo Toban iyo shan iyo toban, markaa saddexdaa cisho soomkoodu waxa uu ka dhigan yahay inuu bishii oo dhan soomay oo kale waayo qofku waxaa loogu dhuftaa xasanaadka uu sameeyaba toban, markaa saddexdii cisho min toban bay ka dhiganyihiin, marka uu qofku bil walba saddex cisho ka sooma wuxuu ka dhiganyahay boqol soon oo kale, laakiin xadiisku kuma darin in jidka siraad lagu dhaafayo sida aad u sheegtay, marleybase camalka saalixa ah qofka ku dadaala illaahay baa u saqiraya jidka siraad ama soon ha ahaado wuxuu ku dadaalayaa ama salaad iyo cibaado, markaa caam ahaanba cibaadadu way fududeysaa ciqaabka alle oo allaa kaga nabad geliya adoonka soonkuna waxyaabaha ugu qiimo badan ayuun buu ka mid yahay
Allaahu aclam.



LA SOCO QAYBTA KU XIGTA WALLAAL...........................................................................................




Waxaa soo ururiyay Wallaalkiin :

CABDIXAKIIM MAXAMED AXMED, 4115892 ,9507761

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.