Fortsätt till huvudinnehåll

Maxkamaddii wareegi jirtay, waxa lagu bedelay Maktabadda wareegta. W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf 06-07-2011

Nicmooyinka Ilaahay in loogu mahadnaqo waa lama dhaafaan. Jiilaalkii 1984kii, bay timi Maxkamaddii loo yaqaannay Maxkamadda Wareegta oo u shaqayn jirtay qawlaysatadii halligantay ee xukuumaddii Millateriga ahayd, magaalada Sheekh. Maxkamadda wareegta goobta ay timaado, waxa hubaal ahayd in xukunkeedu noqon jiray Dil. Sida magacaba ka muuqatay Maxkamaddu ma ay lahayn saldhig, ee waa ay wareegi jirtay. Dadka waxa ay ku xukumi jirtay geed hoostii. 



Raggii Maxkmaddaa ka shaqayn jiray, waa laga yaabaa in intoodii badnayd ay maanta qaxooti ku yihiin dacallada adduunka. Markii ay maxkamma-daasi timi Sheekh, oo uu goobjoog ka ahaa Dr Adan Cabdilaahi Ismaaciil (Beergeel) ayaa mar uu ka warramayey, waxa ka mid ahaa warbixintii dheerayd ee uu ka bixiyey dhacdadaas sidan:
 




"Waxa ay ahayd bishii 11 ee sannadkii 1984kii, Waxa ay fadhiyeen raggii Maxkamadda qaadayey, geed hoostii, oo loo dhigay kuraas iyo miisas. Geedka ay hoos fadhiyeen waxa uu ku yaallay meel u dhaxaysa Cusbitaalka magaalada Sheekh iyo saldhigga Booliska. Dadka maxakammada la saarayey waxa ay ahaayeen 14 qof oo ruux dumar ahi ku jirtay. Waa ay feedha-qaawanaayeen oo shaadhadhkii waa laga bixiyey, xilliiga ay ugu qabawdahay Sheekh bay ahayd, sidaa darteed waa ay dhaxamoonayeen, oo qabaw dartii ilkaha ayey isla dhacayeen. Ragga maxkamadda saarayey, way qoslayeen, oo waxa aad moodaysay in ay ku ci-ciyaarayaan. Iyagoo sidii u qoslaya ayaa waxa soo maray nin magaalada caan ka ahaa oo maskaxda wax uga dhinnaayeen oo la odhan jiray Cismaan Hadallo. Waxa ay ku yidhaahdeen waar soo baydh, kaalay, dadkan ma garanaysaa? Inta uu sidaa ...u eegay buu yidhi, Haa yoo dee kani waaba kii ugu weynaa, isagoo farta ku fiiqaya oday ka mid ahaa ragga maxkamadda la saarayey. Waa ay qosleen. Maxkamad ma ay ahayne waxa ay ahayd cadaawad aanaan maanta garan karin halka ay ka gaadhsiisnayd nimankaas maxkamadda qaadayey" 
 
Intaasi waxa ay ka mid ahayd sharraxaaddii Dr, Aadan Beergeel oo imminka deggen carriga Kanada.
 
Afar iyo toban kaas qof waxa lagu xukumay DIL, oo la fuliyo isla markaa. Sidii baa lagu dilay maydkoodiina waxa lagu daadiyey meel ku dhow Waddada laamiga ee Buurta Sheekh. Ilaahay dhammaantood ha u naxariisto...aamiin. Waxa sheekadan i xasuusiyey, ma isweydiisay.? Waxa aan arkay in maanta oo taariikhdu tahay 6/7/2011 ay joogaan qorayaal iyo Naadiyada Akhriska oo wada Maktabada Wareegta, magaalada Sheekh, marka ay saacaddu tahay saddexda galabnimo ee saacadda Afrikada Bari. Waxa ay soo mari doonaan Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Boorama, Berbera iyo Hargeysa oo ay socodkooda ka bilaabi doonaan. Miyaanay ahayn, Nicmo Ilaahay---shalay Maxkamadda Wareegta ayaa dhulkaa isu mari jirtay maantana Mak-tabadda Wareegta oo qaybinaysa buugaag. Hawshan oo uu bilaabay Dr Jaamac Muuse Jaamac, waxa aan leeyahay, waxa aad mutaysatay Billad Dahab ah, mar haddii aad magacii Maxkamadda Wareegta aad ku beddeshay Aqoonta Wareegta, Mak-tabada Wareegta, Wanaagga Wareegga iyo Caafimaadka Wareegga. Waa Ilaahay mahaddii.
 
Waxa kaloo aanay hawshaasi qabsoonteen, la'aantood Naadiyada Akhriska ee ka hanaqaaday Somaliland, oo aad u dhiirrigeliya qoraalka iyo Akhriska. Waxa aan hubaa in ay hawshaa ka qaybqaateen ururo, shaqsiyaad iyo kooxo iskood isu abaabulay. Dhammaantood waxa ay innaga mudanyihiin Billado dahab ah iyo sharaf.
 
Maansayahannada waxa aan ku dhiirigelinayaa in ay mawduucan ka sameeyaan Maansooyin dhaxalgal ah. Maxkamaddii Wareegi jirtay, Maktabad Wareegtaa beddeshay.
 
 
Halkan ka akhri warbixin ku saabsan jadwalka Maktabadda Wareegta.
 
Wa Billaahi Tawfiiq
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.