Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: "Hal aan ogaaday" waa buug cusub oo soo baxay 2012

Buugga la magacbaxay "Hal aan ogaaday" waa buug kooban, laakiin farriinta uu gudbinayaa waa mid ballaadhan. Waxa qoray Axmed-Keyse Cali Rooble oo horena u qoray buug la yidhaahdo "Hal kaga dayo". Qoraa Axmed-keyse waxa uu magacbixintan u adeegsaday qaab taxane buugaag ah oo aad magacyada ka dheehan karto.Buuggu waa mid jeldigiisu adagyahay oo aan si yar ku duugoobayn. Waxa ku sawiran jeldiga hore sawirka qoraaga. 




Buuggan oo soo baxay dhowaan waa buug aad ka dhex arki karto qaabdhis-meedka ururada soomaalida. Qof kasta oo ka mid noqday urur soomaaliyeed wuu iska dhex arki karaa buuggan. Waxa uu ku saabsanyahay waayaragnimo uu qoraagu innala wadaagayo. Waa waayaragnimo uu ka soo dhextuujiyey in muddo ah oo uu ku dhexjiray ururada arrimaha bulshada. Ilaa bilaw ilaa dhammaad ayuu qoraagu inoo iftiiminayaa--qaabka ay ku bilaabmaan ururada soomaalidu iyo qaabka ay u burburaan.

    Runtii waxa aan odhan karaa waa buug aqooneed aad ka baran karto waayaragnimo ku xidhiidhsan qaab dhismeedka ururada. Sidee bay ku samaysmaan ururada soomaalidu? Inta badan waxa ay ka dhalataa fikraddu qof ama laba qof. Waxa ay ku fiddaa oo qofkaasi uu u sii gubiyaa qof kale ama laba qofoo kale ilaa ay gaadhaan shan ilaa toban qof. Xubnaha ugu horreeya ee guddida ahi isku ujeeddo maaha bilawgaba oo qofkii bilaabay ujeedada u muuqatay iyo tan xubnaha kale ku kala jirtaa waa kala jaad. Qofka keliyi waxa uu ogyahay in aanuu keligii urur noqon karin---inkastoo beryahan danbe aad arkayso ururro uu qof keliyi leeyahay. Waxaana sababay waayaragnimadaa hore ee ah in aanay cimri dheeraan ururadu ee ay muddo yar ku saqiiraan. 

   Waxyaabaha xiisaha leh ee buugga ku jira waxa ka mid ah. In marka fikirku soo gaadho qofka labaad ay taladu noqonayso-- aan la xidhiidho xubno kale oo markaa loo arkayo in aqoon ahaan iyo waaya-aragnimo ahaanba ay wax weyn ku soo kordhinayaan ururka. Meelahaasi waa meelaha uu qoraagu isdultaagayo, ee uu farta ku fiiqayo. Waxa kaloo uu si cad u tilmaamayaa qoraagu, in hawshu ay ku keliyeysato qof ama labo. Inta badanna qof keliya ayaa hawsha ku dhabar jaba. Maalinta wax hagaagaanna guusha waa la wada yeeshaa. Waana halka burburku ka soo dhowaado. Oo kii ku dhabar jabay waxa gasha lexejeclo goonni ah, waxa gasha in uu isagu guusha keligii leeyahay oo dabcan la odhan karo isagaa leh. Sababtoo ah haddii wax hagaagi waayaanba isagaa guuldarrada leh.

   Axmed-Keyse, waxa buugga kaga warramay in uu ururkii ugu horreeyey ee uu ka mid noqdo uu ahaa ka uu ka bartay waayaragnimadan uu innala wadaagay. Waxa uu si mug leh inoo dhexqaadsiinayaa ururkii uu ka midka noqday iyo halkii uu ku danbeeyey, ilaa bilaw ilaa dhammaad. 

   Waa hubaal in dadbadani, ay la kulmeen ururro muddo yar ku baaba'ay, kuwo kale oo muran aanuu ka dhammaan, qaar kaloo badan, oo la isku laayey. Sababta ugu weyn waa wada shaqayn la'aan iyo in hawsha lagu eego qof, maalinta uu qofkaasi doono in uu wax beddelo fikir ahaan iyo xubnahaba ayaa muranku yimaaddaa. Urur waa in uu yahay urur ee aanuu ahayn qof. Meelaha kale ee uu qoraagu farta ku fiiqay waxa ka mid ah in qoraalada ururka lagu diiwaangelinayo ay tahay qasab in lagu qoro afqalaad (Ingriisi) taasoo tallaabada koowaadba loo baahdo qof af ingriisida yaqaan. Taasoo sida uu qoraaguba sheegay aay la yaab tahay in Somaliland oo ah meesha ururada laga diiwaangelinayo lagu qasbo in afingiriisi loo baahdo.

   Qayb kasta oo buugga ka mid ah waxa uu qoraagu isku deyey in aad la wadaagto oo isweydiiso, waxyaalaha aad ka faa'iiddey. Adduunyadu waxa ay horumar ku gaadhay waa urursanaan. "Far keliyi fool ma dhaqdo" in ururro la samaystona waa lagama maarmaan, laakiin tayo xumada ku dhacda ururada soomaalida waxa kow ka ah, hunguri iyo dad aan isku ujeeddo iyo aragti ka ahayn hawsha ay rabaan in ay ugu adeegaan dadkooda. Mid baa doonaya in waxkastaaba hagaagaan oo tayada ugu fiican la helo--isaguse diyaar uma aha in uu wax qabto. Waxa jira mid ujeeddadiisu aanay dhaafsiisnayn maxaad cuntaa! waxa jira dhawr qof oo daacad ka ah hawshaa, jecelna in ay wax qabtaan,laakiin waayaragnimo la'aan ayaa inbadan ku dhacda. 

   Beryahan danbe waxa aad arkaysaa urur si fiican u hana qaaday. Haddii aad sii baadho wadashaqaynta ururkaas waxa aad ogaanaysaaba in aanuu ahayn urur ee uu yahay qof keliya. Waayo urur waa in uu ka badan yahay qof. Taa waxa keenay waa qaabka wadashaqaynta ururada soomaalida oo aad u liita. Muranka oo badan, shaqada oo la isku eego ama aan loo wada diyaar ahayn iwm. Haddaba buuggan "Hal aan ogaaday" wax badan oo arrimahaas ah ayuu ka warramayaa oo weliba waayaragnimo nool oo qoraagu soo maray ayuu innoo soo gudbinayaa buuggaasi. Ugu danbayn, waxa aan leeyahay hambalyo Axmed-Keyse Cali Raable. Waana muhiim in qof kastaa waayaragnimadiisa qoraa, sax iyo qalad kay tahay dadka ayaa kala saari. Laakiin wixii aad adigu waayaragnimo soo martay waa lagama maarmaan. Haddii aad ururro ka soo shaqaysay, askarinimo, wasiir, madaxweyne, agaasime, ganacsade, macallin ama qaybaha nolosha oo dhan in waayaragnimadeeda la wadaagaa waa faa'iido.Waxaana ay korin iyo kobcin u tahay garaadka dadka.

Dhibaatooyinka soomaalida haysta waa ka mid in aan qofna ka tegin waayaragnimadiisii. Taasoo u dhigmaysa buugaag gubatay. 

Wa Billaahi Tawfiiq
Sayid-Axmed M. Yuusuf

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.