Fortsätt till huvudinnehåll

Is-xasuusin: Baaq ay direen reer Sweden ka dib geeridii IHN-tee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) 16-10-2012 Stockholm/Sweden

Sidii loo ballansanaa maalintii Axadda ee taariikhdu ku beegnayd, 14/10/2012 ayaa la isugu yimi Xaafadda Tensta, hoolka weyn ee loo yaqaan Tensta Träff. Waxa ka soo qaybgalay kulankaas dad badan oo ka kala yimi xaafadaha Stockholm. 






Kuma ekayn reer Stockholm ee waxa madasha ka dhex muuqday oo tiirarkii abaabulka ka mid ahaa prof. Axmed Cabdi Dacar iyo guddoomiyaha dalladda guud ee jaaliyadaha Somaliland Sakariye Wacays, oo ka yimi magaalada Uppsala. Waxa kale oo joogay Abwaanka caanka ah Cabdi Haybe Laambad iyo Baxnaan Xaaji Adan oo ka mid ah odayaasha magaalada Örebro. Markiiba Maxamed Xirsi Guuleed oo ah guddoomiyihii hore ee jaaliyadda Badda-Cas, xubinna ka ah Ururka Qoraaga Somaliland,ayaa ku furay hadal isugu jiray duco iyo soo dhoweyn. 

   Wuxuuna ku soo dhoweeyey Axmed Cabdi Dacar oo wax badan oo muhiim ahaa ka tilmaamay aqoontii uu u lahaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxaana hadalladiisii ka mid ahaa: "Maxamed xaashi waxa uu ahaa nin gaaban oo jidh ahaan yar---laakiin hadalkiisii, maansadiisii, fikirkiisii, aftahannimadiisii ayaa ka dhigtay nin weyn oo xataa caalamku ku tilmaamay in adduunku uu waayey halyey, gabyaa ah, oo waxa uu ahaa gabyaagii adduunka" intaa markii uu yidhi Axmed waxa uu kor u qaaday warqad ku qornayd af Ingiriisi oo tilmaamaysay geerida marxuum Gaarriye.

 
Wax yar ka dib, waxa codbaahiyaha loo gudbiyey Cabdilaahi Faarax oo ka mid ahaa dadkii ay marxuumka aadka isugu dhowaayeen, waxa uu Cabdilaahi tilmaamay ilaa dugsigoodii hoose in ay is yaqaanneen. Mar uu tilmaamayey, kuma ayuu ahaa Gaarriye, yaraantiisii, waxa uu Cabdillaahi yidhi: "waxa uu ahaa nin ilaa yaraantii, dadku dhegaysan jireen, oo wax u sheega dadka, oo lagu soo ururo. Kubbadda ama ciyaaraha kuma fiicnayn, laakiin waxa uu haddana carruurta iyaga uun la dhegaysto, waxa uu qaybi jiray gabayada afcarbeedka  oo uu dib noogu akhriyi jiray. Waxbarashada cidi kama horrayn jirin, manuu ahayn uun macallin suugaanta dhiga intii danbe, ee takhasuskiisu waxa uu ahaa Bayoloji, oo dhakhaatiirta maanta jaamacaddaha ka baxda ayuu macallin u ahaa.

  Intaa ka dib, Cabdillaahi Faarax waxa uu dadweynihii u sharxay in loo baahanyahay, in la isla eego laba qodob oo ama labadaba la wada qaato ama mid ahaan la qaato. Labada qodob oo uu si fiican u faahfaahiyey Cabdilaahi Faarax, waxa ay kala ahaayeen: In sadaqo loogu daro marxuumka masaajid laga dhisayo Norway, oo reer Sweden ay iyaga u gaartahay, muddo yarna lagu hirgeliyo. Ta kale, waxa ay ahayd in la sameeyo xarun ama sanduuq loogu magacdaro Gaarriye---taasoo aanay Sweden ku koobnaandoonin ee adduunkoo dhan laga hirgelin doono. Dalka gudihiisiina uu noqon doono meesha laga fulin doono hawshaas. 

  Ilaahay ha u naxariistee, Maxamed Xaashi (Dhamac) waxa lagu soo qaaday suugaantiisii oo uu ku bilaabay Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan, oo sheegay in uu dadka la wadaagayo maansada la magacbaxday "Mandeela". Yuusuf, markii u dhammeeyey waxa codbaahiya uu Maxamed Xirsi ku wareejiyey Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf, oo waxoogaa ka warramay ama sii iftiimiyey labada qodob ee golaha la soo hordhigay. Waxa uu Sayid intaa ku sii daray waxoogaa suugaantii ama murtidii Gaarriye oo koobkooban sida: "Uf Qabiilka anaa leh, wuxuunbaa ku adeegta, nin iskii kartidiisa, isu taagi karaynin, una haysta ateero, ayaantuu denbi geysto, laga hoosgalo eedda." 

  Maxamed Xirsi oo ahaa lafdhabrtii hadalka qaybinayey ayaa isaga laftigiisuna waxoogaa kala hadlay arrimaha u yaallay kulanka. Waxa kaloo uu waxoogaa dul istaagay maansadii Ergo, oo uu tilmaamay in ay ahayd wax aad loo dareemi karo arrimo badan oo uu kaga hadlay maansada Ergo oo ahayd 1992kii waa labaatan sannadood ka hor. Ka dib waxa loo baxay waxoogaa nasasho ah. Markii la isu soo noqday oo ku beegnayd lixdii fiidnimo, waxa lagu soo dhoweeyey dadweynihii ka soo qaybgalay kulanka. Waxa ka hadlay Maxamed Xaaji Ismaaciil, Axmed Cabdilaahi Cawaale, Ibraahin Adan, Ibrahin M. Cigaal (Xuble) oo hadalkooban oo uu goobta ka jeediyey, tilmaamay in uu macallin u ahaa rag ay ka mid yihiin Prof. Axmed Cabdi Dacar iyo xubno kaloo badan. Waxa xusid mudan in Guddoomiyaha Badda Cas, Ibraahin Shaakir uu isaguna waxoogaa hadal waano iyo canaanba isugu jiray uu goobta ka soo jeediyey, isagoo ku guubaabinayey dadweynihii goobta isugu yimi in ay hawlaha jaaliyadda kala qaybgalaan oo aan lagu eegin dhawr qof.

 Gebagabadii, dhammaan ka soo qaybgalayaashii goobta fadhiyey waxa ay cod iyo gacantaagba ku taageereen labadii qodob ee la soo hordhigay iyo weliba guddidii ku meelgaadhka ahayd ee hawshaa lagu ogaan lahaa. Guddidu waxa ay kala yihiin:

1. Cabdilaahi Faarax
2. Cumar Xaaji Bile
3. Yuusuf Xaaji Cabdilaahi
4. Maxamed Xirsi
5. Sayid-Axmed Maxamed

Guddidani waa bilawga hawsha, balse waxa loo ballamay in hawshu aanay halkaa ku istaagin, ee la gaadhsiiyo magaalooyinka kale sida Göteborg, Malmö, Umeå, Jönköping iyo dhammaanba magaalooyinka Sweden. Ka dibna loo gudbo Finland, Norway (Oo iyagu guddi hore u samaystay) Danmark---ilaa dabadeed Yurub oo dhan la isku xidho oo cuddudda la mideeyo. Baaqa ka soo baxay kulankaas waxa uu ahaa: "Ha la mideeyo maanka iyo maalka loogu talo galay hawshaa iyada ah" Sweden oo Stockholm kow ka tahay waxa ay baaq dheer u diraysaa dhammaan dadka afsoomaaliga ku hadla, gaar ahaan bulshada reer Somaliland, dawlad iyo shacbiba oo looga baahanyahay in ay hawshaa garbaha qabtaan. Gacmo wadajirbay wax ku gooyaan. 

  Waxa la isla gartay in aad loogu baahanyahay meel lagu kaydiyo, barto, horumariyo, lagu baadho suugaanta, afsoomaaliga iyo dhaqankaba. Xaruntaas oo noqon doonta meel lagu xasuusto dedaalkii iyo waxtarkii uu Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) markasta u taagnaa. Xubnihii soo abaabulay kulankii Axadda, waxa ay aad iyo aad ugu mahadnaqayaan ka soo qaybgalayaashii soo cammiray madasha, gaar ahaan haweenkii gacanta weyn ka geystay. Tv-ga Qaranka Somaliland, oo goob joog ahaa, gaar ahaan Cabdikariin oo bilawgiiba goobjoog ka ahaa kulanka, si habsami lehna u habaynayey una duubayey. Xubnihii ka yimi meelaha fofgfog ayaa iyaguna mudnaan gaar ah leh. 


FG: Abwaan Cabdi Haybe Laambad waxa uu goobta ka jeediyey hadal aad u qiime badnaa, wuxuuna raaciyey maanso kooban oo uu sheegay in uu curiyey intii uu dhexda soo socday, uguna talo galay baroordiiq ahaan marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) IHN-tee.

 Qoraalkan waxa soo diyaariyey, Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay magaalada Stockholm. Wuxuuna Ururku safka hore kaga jiray qabanqaabadii iyo iskudubbaridkii kulankaas wadatashiga ahaa.

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
Stockholm/ Sweden
gacanlibaax2001@yahoo.se

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.