Fortsätt till huvudinnehåll

Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) "Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye." 1964

FG: Qoraalkan waxa aan qoray abwaanka oo nool. Markii qoraalkani uu ku baahay baraha Internetka, muddo aan ka badnayn bil ka dib ayuu geeriyooday Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim). Aad baan u naxay, markaan ku arkay Hadhwanaagnews tacsidii oo qoraalkaygu ku lifaaqanyahay. maalintaan qoray qoraalkan iyo maalintuu geeriyooday bil wax aan ka badnayn baa u dhaxaysay waa gu'gii 2006-dii.

-----------------------------------------
-----------------------------------------




Waxaynu qaybtii koowaad ku soo qaadanay dhawr maanso oo ay ka mid ahaayeen, (Mugdi, Hargeysa, Macaan iyo qadhaadh). Qormadan maanta waxan ku soo qaadan doonaa dhawr maansoo kale. Balse inta aanaan guda gelin qoraalka, waxan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa qoraaga caanka ah, abwaan, Cabdiraxmaan Cabdilahi "Guribarwaaqo". Cabdiraxmaan wuxuu qoraal dheer ka qoray Abwaan Qaasim sannadkii 2002, qoraalkaas oo ku soo baxay "Hal-aqoon". Runtii waa arrin aad u qiimo badan in la ururiyo oo la kaydiyo dhacdooyinka inna soo maray. Anigoo tixraacaya qoraalada Cabadiraxmaan "Guribarwaaqo" aan ku bilaabo, horta waa kuma Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim".






    Qaasim, wuxuu ku dhashay magaalada Mandheera, gu'gii 1933-kii. Abwaanku wuxuu ku barbaaray miyiga ilaa 12 jirkiisii. Kadib Hargeysa ayuu yimi oo uu ka bilaabay waxabarashadiisii ugu horraysay dugsiga Axmed Gurey. Magaalooyinka kale ee uu waxbarashada ku soo qaatay waxa ka mid ah Burco iyo Sheekh. Macallimiintii xilligaa wax u dhigi jirey waxa ka mid ahaa ilaahay haw naxariisto'e Maxamed Jamac Badmaax iyo Xaaji Muse Galaal. Kadib wuxuu u dhoofay magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuuna soo laabtay markii uu maamulkii ingiriisku ka laalaabtay carriga Somaliland. Wuxuuna shaqaale ka noqday dawladda hoose ee magaalada Burco. Intaa dabadeed aan u soo gonda-dego maansooyinkii halganka. Waxaan ugu horraysiinayaa maanso la magacbaxday "Xiddigtii dagaari" oo uu abwaanku tiriyey 1964kii. Wuxuu ku bilaabayaa sharraxaad uu ka bixinayo sida adduunku u hore-maray, halka la higsanayo, dedaalka loogu jiro in dayaxa la tago iyo guud ahaan aqoontu halka ay marayso.


Wuxuuna yidhi:

Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye

U fiirso tusaalayaasha runta ah ee uu abwaanku inna tusinayo. Wuxuu dadka u sheegayaa 1964-kii in Ruushku samada u socdo, in rag badan oo kalena ay xiddiga higsanayaan. Waxaynu xasuusannahay "Dagaalkii xidigaha" ee siddeetamaadkii dhexmaray Ruushka iyo Maraykanka. Hadaba aragtida Abwaan, Qaasim oo xilligaa ahaa nin dhallinyaro ah, wuxuu doonayey in raggaa lala tartamo, waana guubaabo ilaa maanta nool. Intaa marka uu dhaafo ayuu qeexayaa halka isaga iyo dadkiisii ay taagan yihiin.

Nin da'dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye
Hayeeshee dabkeedu ha ba'ee doqoni waa mooge
Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane
Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye

Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde
Sidii bay duleedada dharli'i ugu dabjeexaane
Sidii baa du'dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha'e
Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye
Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode

Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye
Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye
Danbi ku hadli maayo'e ma'arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay

Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay
Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye
Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye
Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye
Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye
Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.

Abwaan, Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" wuxuu gabaygaa ku sheegay meesha dunidu ku socoto iyo halka aynu xilligaa taagnayn (42sannadood dabadeed weli halkii baynu joognaa). Abwaanku muu rajo dhigin ee wuxuu gabayga ku soo gunaanaday rajo wanaagsan. Ilaa maantana rajadaas baynu qabnaa. Sannadihii lixdamaadkii ayuu Qaasim si aad u qiimo badan u soo gudbiyey gabayo aan ilaa maanta qaar u dhigma lahayn. Sida gabayga kor ku xusan oo kale waa gabay, bixinaya cashar oo aad ka dhex arkayso ujeedada oo dhan. Hadii ay dhalliil tahay, haddii ay wax-sheegtahay iyo inaan la quusan. Waxaan ku soo afmeerayaa milicsigii maansooyinka Abwaan Qaasim Gabaygan hoosta ku qoran oo uu abwaanku curiyey 1960kii, waana maanso la magacbaxday "Gobaad".

Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin
Geyaxa hashaan kaga xidhxidhay gabantii nuugaysay
Geedkii magoolaba hashaan uga garaacaayey
Gaaroodi iyo Hawd hashii laba gardaaqaysay
Wax-layidhi haddaa goodirkii lagu gabraartaaye
Waxla yidhi golbaa lagu dabraa geed-waraabe leh'e
Wax-layidhi gujaa lagu lisaa labada gooroode
Wax-la yidhi gal daayeer cabbaa habari geysaaye
Golqaniinna waa loogu daraa yaanay gaagixine
Wax-layidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye
Gobaad waxay la daaqdaa sagaal goroyocaw-loode
Googooye! iyo wiil xunbaa gaawahaw sido'e
Wallee ama gumooboo sidaa layga gallad haysay
Walle ama rag ways gaadayaa gacan ku ciil beelay.

Waxa hubaal ah in dhallinyaro badan oo maanta joogta, haddii ay gabayadaa akhriyaan aanay waxba ka fahmaynin. Waa ayaan darro oo afkaagii iyo sarbeebtaadii afkaagu lahaa oo aad garan weydaa waa nacasnimo. Xataa dad badan oo aan ku korin qurbaha oo maanta dalkii hooyo ku sagan ayaan garanayn ujeedada iyo macnaha gabayadaasi xanbaarsanyihiin. Hasha uu Qaasim ka hadlayaa waa tee. Gobaad waa tuma. Neefkan geela ah ee darxumada ku nool ee uu abwaanka u doodayaa waa maxay. Runtii abwaan Qaasim qaabka uu u dhigayo gabayadiisu waa mid soo jiidanaysa dareenka qofka fahmaya. Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" wuxuu innaga mudanyahay billad geesi. Wuxuu innaga mudanyahay in la qoro maansooyin-kiisii oo si qoto dheer loo qeexo erayada adag ee ku jira gabayada. In ujeedada maansadu xanbaarsantahay la dooxo oo sharraxaad qofkastaaba fahmi karo lagu qoro.

Dhammaad.

Qore: Sayid-Axmed Dhegey
2006

Kommentarer

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.