Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko gaaban: Maanta waa goblan!. W/Q, Saddam Xuseen Carab

Waa duq ilaa lixdan jir ah, waa ta halkan ka ooyaysa. Aad ayaa loogu buuqsan yahay guriga ay ku jirto. Waxa waayeheedu uurxumo iyo urugo ku reebayaa cid kasta oo aragta ama maqasha waxa helay ee heeray. Waxa ay ku barooranaysaa “Hoogay, oo ba’ay, hawo baaqsaday oo Hanad waayey”… Waa ay xabeebatay
maaddaama ay ooyaysay ilaa markii loo soo sheegay dhimashada Hanad. Cid kali ah oo ehel ah ama jaarka ah oo aammusiisa waa la waayay, qof walba waxa uu ka soo baxayey guriga isaga oo illini indhaha kaga taagantahay, dumarrada jaarka qaarkoodna waa ay la barooranayeey ba. Aad ayey u jeclayd Hanad, “Hanad miyaan caawa waayey? Hoogay oo hawo baaqsada” ayey ku celcilnaysa iyada oo kor ugu qaylinaysay.





     Ubad waxa ay dhashay Hanad oo kali ah, waxa ay ku soo korsatay agoonnimo. Aad ayey u jeclayd oo la jeclayd in uu qayrkii ka korreeyo. Waxa ay dhib kasta iyo dhafar kasta ku dhaafi jirtay in ay ku nasan doonto Hanad oo uu u hiilin doono. Da’diisu waxay ahayd labaatan haddii aanay wax u dheerayn. Waxa uu dhiganayey Jaamacadda, laakiin waa ay ugu taag wayday. Waxa laga raacay Dhoof, iyo dhoof…. Hooyadii ma jeclayn in uu marna ka tago meelna, waxa aanay u sheegtay in uu la joogo oo ay jeeshahay la jooggiisa mar haddii aanay balo eryayn, inta jaamacaddu u dhammanayso. Laakiin waa ay ku qanci kari wayday waxaanay ka yeeshay qorshihiisii ahaa in uu dhoofo, oo dhoof-tahriibo. Waxa uu niyadda ku hayey haddii uu ku guulaysto in uu ehelka iyo ummaddaba kaga heli doono sharaf, soo dhawayn iyo qaddarin aan hadda loo hayn. Taas rogaalkeedana haddii uu ku fashilmo in uu magac xumo ka tagi doono, laakiin ta dambe waa yeelkeed haddaanu noolanayn. Aakhirkii waxa uu u xadhko xidhay in uu waddada cagta saaro, Itoobiyo maro, Suudaan sii jiidho, Saxaraha liibiya jeexo oo uu Talyaaniga Yurub kaga dhaco. Sidii ayuu ku baxay. Kharash bilow ahna la baxay. Muddo ayaana ka soo wareegtay.

    Afar habeen ka hor ayuu talefoon ku soo dhacay Hanad hooyadii, waxa loo sheegay in inankeedii liibiya ku xidhan yahay oo la rabo lacag madax furasho ah oo lagu sii daayo, isla habeen dambena uu rabo in uu raaco Dooni Talyaani u baxaysa. Waxa ay markiiba shubtay lacagtii (2,500$) Laba kun iyo shamboqol oo doollar ah oo ay ku jirto tii doonnidu. Ducana waa ay u raacisay. Intii aanay taleefanka dhigin ayey tidhi ila hadashiiya si aan u hubsado in Hanad lacagta rabo. Waa lala hadashiiyey waanu u sheegay in uu gacanta ugu jiro raggan, oo uu teleefanka u qoray si ay ula soo xidhiidhaan iyada (Hooyadii). Markii intaasi isku duba dhacday ee lacagtii nimakii ugu dhacday xawaaladda ayaa ugu dambaysay hadalkiisa iyo hunnuudiisaba. Hooyadiina aad ayey u jeclayd oo kalidii ayey haysatay.

    Habeen hore ayaa telefankii labaad kaga soo dhacay Tiribali, iyada oo naxsan ayey qabatay. Waxa la hadlay Hanad oo sii macasalaameeyay. Waxa markaas uu u xidhxidhnaa in uu doonnida raaco oo Talyaani galo ama gaddoomo oo uu dhinto. Hooyo waa beer e’ markii uu taas ogaysiiyey ayey ilmaysay oo inta ay duco isu daba dhigtay  ku af-meertay “Ilaahay ha ku nabad geliyo hooyo”. “Aaamiin hooyo inta uu yidhi” ayaa la kala dhigay Taleefannadii.

    Waa balayaadii habsatay horteed intaasi. Subaxdii dambe duhurkeedii ayaa la soo sheegay in Doonnidii xalay baxday gaddoontay, waxa saarnaa ilaa toddobaatan wiilal iyo gabdho ah oo badidoodu da’aadda 20-30 meeyo ah! Afar qof oo kali ah marka laga reebo intii kale waxa la xaqiijiyey dhimashadooda maydadkoodan waxa la keenay Liibiya! Markii warkaasi soo gaadhay ayey islaantu miyir beeshay oo dareenkeedu shaqayn waayey. Waxa ay kaga soo hadhay “Hoogay, oo ba’ay” “Hannad ma waayey oo ma hawo baaqsaday”. Maydkiisiina waxa la sheegay in uu ku jiray xabaal wadareedyo loo sameeyay Tahriibayaasha uu ka mid ka ahaa. Hooyadiina aad ayey u jeclay oo kalidii ayey haysatay, maanta se waa goblan!

Sheeko Gaaban: Maanta waa goblan!
w/q: Saddaam Xuseen Carab

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.