Fortsätt till huvudinnehåll

Halgankii iyo sooyaalkii Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad) "Tan iyo sitiinkii sawjar buu ahaa billad geesi soo helay, xilligii S-tana, summaddiisu ururkaba iyadaa ka sidatay."

Magaca Haybe Axmed Guure, waa hubaal in aan dad badani aanay garanayn, balse marka la yidhaahdo Haybe-Laambad, in badan baa garanaysa. Ilaahay ha u naxariistee Haybe-Laambad waxa uu lahaa taariikh dheer. Mar haddii uu ka qayb galay dagaalkii labaad ee dunida, oo uu ka mid ahaa guutadii ka dagaal gashay Barma, maxaad kalee odhan lahayd aan ka ahayn, xilli dheer iyo waayaragnimo ba waa uu lahaa. Xilligii maamulkii Ingiriiska, ayuu ka mid noqday ciidankii loo yaqaanay Somaliland Scouts, oo maamulkii Ingiriisku aasaasay, markii dib looga qabsaday Talyaaniga--- Somaliland 1941kii. Ciidankaas ayuu Haybe Axmed Guure ka mid noqday, dabcan isaga oo dhallinyaro ah. 

      Dagaaladii ugu horreeyey ee uu ka qaybqaatayna waxa ka mid ahaa dagaalkii labaad ee dunida. Haybe waxa uu hoggaaminayey ciidankii salaanta siinayey markii Calankii soomaaliyeed ee ugu horreeyey, laga qotomiyo ciid soomaaliyeed la taagay, oo ahayd 26 juun 1960kii. Intaa haddii aan hordhac iyo Araar ba ka dhigo, waxa aan in yar ku hakan doonaa, taariikh kooban oo ku saabsan Halgamaa, macallin, tababare, Haybe Axmed. Waxa uu ku dhashay meel aan kaba sii durugsanayn magaalada caanka ah ee Bullaxaar, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed. Intii uu ciidanka ahaa waxa uu ka qaybgalay dagaallo farabadan, waxa uu muddo dheer ahaa macallin, tababare ka ahaa goobihii tababarada ee ciidankii qalabka siday ee loo yaqaanay xoogga dalka.

      Markii ay dhalatay Jamhuuriyaddii soomaaliyeed, waxa muddo yar ka dib dagaal soo qaaday boqortooyadii Axmaarada ee uu hoggaanka u hayey Xayle Salaase. Dagaalkaas oo dhacay 1964kii ayuu Haybe Laambad ku qaatay billad-geesi. Goobihii uu bilawgii lixdamaadkii ka ahaa taliyaha waxa ka mid ahaa Ina Guuxaa iyo Feerfeer. Balse intii aanuu ingiriisku wareejin dhulka Hawdka soomaalida, waxa uu taliye ka ahaa Awaare 1954kii. 

Sannadihii 1968kii ilaa 69kii waxa uu Duqa magaalada ka ahaa Berbera. Isla lixdamaadkii waxa uu taliye ka ahaa ciidankii badda ee Maariinada loo yaqaanay.
 
     Muddo yar buu ku gaadhay derajada gaashaanle sare.  Inkastoo taariikhdiisa gaar ahaaneed iyo ta guud ba ay laamo badantahay, waxa aan anigu jeclaystay in aan waxyar ka idhaahdo halgankii uu ka qaybgalay isaga oo da' ah, balse waayaragnimadiisii ay muujisay hufnaan, kaladanbayn iyo guul. Waxa ay ahayd badhtamihii sannadkii 1988kii markii dagaaladu ka qarxeen Hargeysa iyo Burco. Dhawr bilood ka dib waxa la maqlay oo sida cadceedda uga soo dhexbaxay halgankii iyo dagaalkii ay hoggaaminaysay SNM ciidan ku suntanaa, magaca Haybe Laambad. Ciidankani waxa ay aasaasmeen, xilli ku beegan bishii juun ee isla sannadkaas. Sida aan warar aad loogu kalsoonyahay ku helay, Ilaahay ha u naxariistee Haybe, markii uu dagaalku dhacay waxa uu ku sugnaa magaalada Hargeysa oo uu hawlgab ku ahaa. Sannadkii 1984kii ee dagaaladu ka dhaceen buuralayda galbeedka Somaliland, ayaa Haybe looga yeedhay xaruntii dalka looga talin jiray oo ahayd Muqdisho. Sida warar lagu kalsoonyahay ay xaqiijiyeen, waxa lagu tuhmay in uu si dadban ula shaqaynayey ciidankii SNM. 

    Markii uu Xamar tegey, waxa uu la kulmay M Siyaad Barre, oo ugu bushaareeyey in uu siin doono dhulbeereed ku yaallay Jawhar. Laakiin IHN Haybe, ma uu sii joogin Koonfur ee waxa uu ku soo noqday Hargeysa. Inkastoo aanuu u tallaabin dhanka Itoobiya, waxa uu Haybe xidhiidh soke la lahaa ciidankii SNM.
 
     Habeenkii salaasadu soo gelaysay ee dagaalku ka bilaabmay Hargeysa 31/05/1988kii ayuu guriga ugu yimi Mujaahid, M X Adan (Gacma-dheere) oo xilligaa si dhuumasho ah ugu jiray gudaha magaalada Hargeysa. Maxamed Xasan Adan (Gacma dheere) iyo Haybe waa ay israaceen, maalintaa sidii uu gurigiisa uga baxay, kuma soo noqon ee halgankii ayuu dhiniciisa ka galay. Haddaba maxaa gaarka ka dhigay ciidankii Haybe-Laambad. Goobihii ay bilawgii qabsadeen ciidankii SNM dib ayey uga baxeen, waxa ka mid ahaa magaalada Hargeysa ilaa Geed Deeble oo ahaa intii dagaalku ugu xoogga badnaa. Bixitaankii ciidankii SNM waxa uu culays weyn ku ahaa reermiyigii deggenaa dhulxeebeedka ku teedsan Berbera, Bullaxaar, Lughaya ilaa Saylac. Dhinaca berrigana xeradii qaxootiga ee Adhicaddays ilaa xeradii tawaangida ee Dararweyne ayaa ku ahayd dadkii dhulkaa deggenaa dhibaato weyn. Waxa nasiib wanaag u noqotay in uu abaabulkii ciidan ee Haybe Axmed Guure uu noqday mid lagu diirsaday. 

      Ciidankii uu abaabulay oo aan ahayn beel gaar ah, balse ahaa deegaanka beelihii degganaa oo dhan ayuu hoggaanka u qabtay. Ciidankiisiina waxa uu noqday ciidan ka tilmaaman ciidankii SNM. Waxa lagu magacaabi jiray ciidankii Haybe-laambad. Waxa ay ka dagaal galeen deegaan, aad u kulul, aan lahayn jid la maro, jarar iyo jeexjeexyo aan dhaawaca loo hayn meel la mariyo ayuu ciidankaasi ka dagaal galay. Waxa xusid mudan Haybe Laambad, mar keliya ma uu iman dhinaca Itoobiya. Waxa aan isweydiinayaa sababta uu u iman waayey, ma waxa ay ahayd nacaybkii uu Axmaarada u qabay, ma waxa uu ka tegi kari waayey baahidii ciidanka. Kollayba waa weydiimo la siweydiin karo, halka ay saraakiishii SNM inta badan ay u tegi jireen Jigjiga, Diridhabe ilaa Adis.
 
     Haybe-Laambad, Ilaahay ha u naxariistee, halgamaa buu ahaa, tababaruu ahaa, macallin buu ahaa, geesi buu ahaa oday lagu soo hirtaa buu ahaa. Waxa ka mid ahaa odayaashii ay isku xilliga ahaayeen ama isku soo gaadheen taariikhdaa dheer, ee ciidanka Dhammantood IHN-tee, Maxamed Cali weerar, Ina Cilmi, Cabdi Malaw iyo rag kaloo taariikh dheer ku leh dalkeenna, balse u baahan in la qoro sooyaalkoodii,  intii laga gaadhi karo. Halgankii iyo qaab-dagaalkii Haybe Laambad in uu ka duwanaa qaab-dagaalkii SNM inteeda kale ---- bari ilaa galbeed, waxa muujinaysay magaca lagu suntaday ciidankaas oo ahaa ciidankii Haybe Laambad.
 
Intani waa uun iga xasuusin iyo baal taariikheed kooban, Waxaa se loo baahanyahay in mar kasta la urururiyo, la qoro, la duubo, sidii loo kaydin karoba loo kaydiyo taariikhda, dhaqanka, fanka iyo wax kasta oo u baahan in lagu qoro dhigane.
 
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
25-09-2011/ Sweden
Xigasho: Cabdi Haybe Axmed Guure

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.