Fortsätt till huvudinnehåll

Maalmuhu kala tilmaamane maalintii Malmö iyo kulankii Ururka Qoraaga Soomaaliland 01-04-2013... W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)


01-04-2013, Isniin
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
Stockholm/Sweden
 
Waxa ay ahayd maalin sabti ah, taariikhduna tahay 30-03-2013,fasax bay ahayd oo waa maalmihii nasashada, waxaase u sii dheeraa in maalintii jimcahana fasax la ahaa, welibana maalinta isniintana fasax la yahay. Fasaxyadaa is biirsaday baa sababay in xubno ka tirsan qorayaasha reer Stockholm gaar ahaan, xubno ka tirsan Ururka Qoraaga Somaliland, go'aansadeen in ay maalintaa u baxaan safar dheer oo ka bilaabmayey magaalada Stockholm ilaa Malmö. 

Labada magaalo waxa ay isu jiraan 603km. Waa masaafad aad u dheer, waxaase aanu ku niyad samayn in aanu fulinayno oo gudbinayno farriimo muhiim ah. Waxa ay ahayd markii iigu horreysay ee aan tago Malmö, saaxiibadayda kalena ila mid bay ahaayeen.Marka laga reebo Maxamuud Xasan. Waxaanu ka koobnayn afar, oo kala ahaa aniga oo ah Sayid-Axmed, Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Dalmar, Cabdicasiis yare iyo Maxamuud Xasan. Martigelinta waxa aanu ka helnay jaaliyadda la yidhaahdo "Somalilands förening" oo ururka dhallinyarada soomaaliduna taageerayey.
 
Goor ay ku beegnayd 3:30 subaxnimo ayaanu hurdada uga kacnay tabaabushihii safarka, ee ka bilaabmayey Stockholm, Xaafadaha magaalada oo kala fog awgeed, intii aanu abaabulka ku jirnay bay gaadhay shantii subaxnimo, jawigu aad buu u fiicnaa, qabaw badani ma jirin, dhinaca koonfureed ee magaalada ayaanu afka saarnay, Aaladihii jiheeyaha ayaanu cabbaysannay, kuna hagaajiney oo ku beegnay Malmö iyo guriga caanka ah ee Tegelhuset (Dicksons vägen3). 

Gaadhiga aanu wadannay oo ahaa, gaadhi cusub, waxa uu noo fududeeyey safarkii, oo shan saacadood iyo badh nagagama ay badan in aanu dhextagno Malmö. Judhiiba waxa aanu la hadalnay hoggaamiyaha jaaliyadda Md. Jaamac C. Ismaaciil iyo Cabdixakiim Shanle, oo si diirran noo soo dhoweeyey, naguna simay intii hawshu bilaabmaysay. Kulanku waxa uu bilaabmayey 15:30, wax badan dib uma dhicin ee ilaa afartii iyo goog,o ayuu bilaabmay.
 
Furitaankii ayaa lagu furay aayado qur'aanka Kariimka ah, ka dibna waxa hadal soo dhoweyn iyo dhiirrigelinba isugu jiray soo jeediyey guddoomiyaha Jaaliyadda Md, Jaamac Ismaaciil. Wuxuuna ku soo dhoweeyey siyaasi ka mid ah hoggaamiyeyaasha degmada Rosengård oo ah xaafad soomaalidu ku badantahay. Ninkaas oo la yidhaa Andreas, waxa uu ku dhiirri geliyey dadweynihii goobta ku sugnaa, in ay dedaal la yimaaddan, si ay xataa hoggaanka degmada ilaa ka magaalada ay uga mid noqdaan.
 
Intaa ka dib ayaa nalagu soo wareejiyey, codbaahiyihii. Aniga ayaa bilaabay, waxoogaa mahadnaq ah oo ay ku ladhnayd erayo mahadnaq ahaa, oo aan u gudbiyey, jaaliyadda iyo dadweynihii soo camiray madashaba. Waxa aan ku xigsiiyey, waxoogaa ku saabsanaa, sooyaalkayga oo kooban. 

Intaa waxa aan u sii dhaafay buugaagta aan ilaa haatan qoray oo kala ah: 1. Sooyaalkii taariikhda Somaliland, ka hor 26 juun 1960kii. 2. Socdaalkii Dheeraa (1988-1991) iyo Milcisiga dagaalkii 1988, (asbaabihii keenay iyo saamayntii uu dalka iyo dadkaba ku yeeshay). Waxa aan ku hakaday ama warbixin dheeri ah ka bixiyey buugga Socdaalkii dheeraa. Waxa aan ku wareejiyey Maxamed Xirsi Guuleed, oo bilawgiiba la wadaagay madasha arrimo xiiso leh sida, ereyga "BAR" oo macnihiisa, u kala qaaday siyaabo aad u kala duwan, oo uu ka sameeyey maanso.
 
Intaa ka dib, Maxamed waxa uu raaciyey buugaagta uu qoray oo aad u tiro badan, wuxuuna si gaar ah ula wadaagay buugaag xanbaarsan mawduucyo diini ah, oo uu su'aalo ka weydiiyey dadkii madasha joogay. Taasoo ay dad badani u arkeen in loo baahnaa in qaabkaa uu Maxamed u soo bandhigay kutubtaas loo qoro. Ugu danbaynna waxa uu si gaar ah u dul istaagay buug dhawaan soo baxay oo la yidhaa "Aan Ooyee Albaabka ii xidha". 

Dabadeed-na, waxa lagu wareejiyey codbaahiyihii Muuse Maxamud Dalmar, oo ah Rawaayad qore, qoraa, Maansayahan da'yar oo dhawaan soo saaray riwaayadda la magacbaxaday (Tayo-beelka carruurtu waalid buu tebayaa). Muuse si mug leh ayuu uga hadlay buugaagtiisa ay ka mid yihiin (Darka Maadda iyo Hantaaqo jacayl), oo aad loo xiiseeyey. 

Reer Malmö oo malaa jacaylku ku badnaa, buuggaa si gaar ah bay isha ugu hayeen, oo u hadal hayeen. Waxa aad maqlaysay iyada oo la iswey´diinayo " Buuggii Hantaaqo jacayl miyuu dhammaaday? Haa wuu dhammaaday ahay ah, miyuu iga dhamaaday? Erayadaasaa dhegaha ku soo dhacayey.
 
  Kutubtii diiniga ahaydna si faacan ayaa loo dareensanaa oo raadintoodu u badnayd. Buuggii taariikhda Somaliland oo aan tiro sidaas ahi ka oollin ayaa isna reer Malmö aad u doonayeen iyo buugaag kaloo badan. Markii la soo gaadhay gebagabadii, barnaamijka ayuu ku soo noqday Guddoomiye Jaamac oo hawsha iyo habsami u socodka barnaamijka, markasta isha ku hayey baa mar kale sharraxaad ka bixiyey sida uu u soconayo barnaamijuku. Waxaana la qaatay waxoogaa nasasho ah. Cabbitaan iyo af-qabsi ay jaaliyaddu soo diyaarisay baa lagu nastay bun iyo shaah ayaa qofkii doonayey, afka la helay. Intaa ka dib, ayaa la soo gaadhay guntii iyo gebagabadii. Ogeysiis ku saabsanaa "Gaarriye Foundation, ayaanu waxoogaa iftiimin ah ka bixiinay. Sanduuqa loogu magacdaray Gaarriye oo laga aasaasay Stockhom, ayaanu la wadaagnay reer Malmö. Waxa aanu ka filaynaa in ay hawshaa u istaagaan, oo aanu ka wada xidhiidhno dhawaan. Waanay soo dhaweeyeen farriintaas.
 
  Weydiimihii ayaa loo galay, inkastoo wakhtigu yaraa si fiican baa looga faa'iidays-tay wakhtigii. Mustafe Axmed Jaamac, ayaa ogeysiis gaadhsiiyey dadkii ahaa in loo kaco dadka naafada ah, sidiisa, oo taageero uu u raadinayey. Waxa kaloo uu qorayaásha weydiiyey, in ay jiraan buugaag soomaali ah oo la dhegaysan karo, si dadka naafada ah ee aan wax akhriyi karini u dhegeystaan. Su'aashaa oo uu ka jawaabay Maxamed Xirsi, waxa uu u tilmaamay buug la yidhaa "Mahdi" oo uu qoray Jamac M Jaamac.Weydiin kale ayuu soo tuuray, Mubaarik Qamariye, oo ah nin aad u firfircoon si fiicanna uga dhex muuqda siyaasadda dalka guud ahaan gaar ahaan Malmö. 

   Waxa ay ahayd su'aashiisu, maxaa inta badan qorayaasha soomaalidu u qoraan gabayo ama maanso uun ee ay u qori waayeen sheekooyin fudud, oo carruurtu fahmi karto. Waxa lagaga jawaabay, uun in ay baahidaasi jirto, dee Maansadana inbadan loo arkayo in loo baahanyahay in la kaydiyo si aanay u lumin. Sidaas ayaa lagu soo gebagabeeyey kulankaas Malmö iyo Ururka Qoraaga Somaliland. Waxa aan ku soo afmeerayaa, qoraalkan mahadcelin ku socota, dhammaan reer Malmö, gaar ahaan Jaaliyadda Somalilands förening, Jaamac iyo Cabdixakiim oo hawshaas in muddo ahba soo waday.
 
  Ururka dhallinyarada soomaalida ee Malmö iyo Hiddo iyo Dhaqan oo xubno muhiim ahi ka joogeen baanu u mahadnaqaynaa. Sahantv oo goobjoog ahaa ayaanu leenahay mahadsanid iyo dhammaan dhallinyaradii hawsha la waday jaaliyadda, ee fududeeyey farsamo ahaan in madashu noqoto mid quruxbadan.
 
01-04-2013, Isniin
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
Guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland
Stockholm/Sweden
 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.