Fortsätt till huvudinnehåll

Markay kooxi orgootaba ma asooli karaynee, abaal baan ku qabnaaye, ammaan uun ma helnaa...1992kii...Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)


Cinwaaka kor ku xusan, waxa aan ka soo dheegay maansadii Ergo ee Maxamed Xaashi Dhamac IHN-tee uu ka tiriyey Badhtamaha magaalada Hargeysa 1992. Irfidaan geliyaa, iniin baan ku ridaa, oogso baan is idhaa waa layii arbacaa. Rag hadduu is afdhaafo, afkaa laysku gartaaye, is afwaajiya maaha. 


Waxa aad mooddaa in hebello aynu ka dhammaan la'nahay tan iyo aasaaskii Somaliland iyo xataa ka hor. Dabcan hebeladu, waa tiirarkii dalka u soo halgamay, waa rag magac ku leh dalka iyo dadkaba. Waxaadse mooddaa in ay si isu afyaqaanaan, dadkana ku wareeriyaan wax aan sakaaro ka biirsan. Xusuusta dib u celi, shirkii Beer ee uu hoggaaminayey Saleebaan Gaal. Waxa xilligaa madaxweyne ahaa, Maxamed I Cigaal, waxa ay ku baaqeen kooxdaasi in la qabto shir beeleed. Waxa kaloo go'aamadoodii ka soo baxay in aan sinnaba loo aqbalin maamulka Maxamed I Cigaal. Xilligaa waxa aynu ka soo doognay, dhibaato iyo dagaal dad badani ku dhinteen. Maanta oo aynu is-lahayn Jamhuuriyaddii lugaha ayey ku taagantahay, weli waxa aynu taagannahay dalcaddii maalintaa la taagnaa iyo hebeladii. Weli waa iyagii, intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, waa intii noolayd oo weli niyad u haya yooyootan, qaylo iyo buuq.

Mar kale bal xasuuso 1998kii, Axmed Siilaanyo, Maxamed Xaashi, Ibraahin Dhegaweyne, Xasan Ciise Jaamac iyo in kaleba---goobtii Caddaroosh---Biyo hoosta iska harraatiyey iyagaa is og.

kolba dhawr qof baa ku soo biira. Laakiin kooxdan qub iyo qaylo waa uun halkoodii. Ku darsa'oo dadku waxa uu u hayaa sharaf weyn, waxa loo ogyahay wax badan oo ay dalkan tareen, waxa la xusuusanyahay xilliyadii adkaa ee ay jilibka u dhigeen cadawgii macangagga ahaa. Sidaa soo ay tahay, ayaa markasta ay maatida ka nixinayaan, ka dul doobyayaan, or iyo qaylo, dhiillo joogto ah, yaab iyo amankaag. Waaba tii oo loo helay Fogaan-arag (TV). Waar dadka ha ka nixinina, waar waa la idin jecelyahay ee khaatumada ha ku dhammaysanina, dad ka nixin, dudmo iyo hanjabaad. 

Hordhacaas, waxa aan uga gudbayaa. Maalmahan waxa aynu maqlaynaa, Golaha toosinta. Maba xuma magacu, haddii wax la toosinayo. Isweydiintu waxa ay tahay, miyeynaan samaysan saddex Xisbi Qaran oo kolba ka xukuumadda haya ay ku ilaaliyaan labada kale. Toosinta miyeynaan u samaysan labadaa Xisbi? haa waa in la galaa labadaa xisbi oo golahan, inna gilgilay, uu ku biiraa labadaa xisbi ee Qaranku leeyahay. Aragtidayda, waxa aan isleeyahay, malaa xisbiyadii mucaaradka ayaa waxoogaa gabay kaalintoodii. Odayaasha ku dhawaaqay golaha toosintuna, waxa ay u arkaan in aan meeli uga bannaanayn labada Xisbi Qaran. Bal adba! dee dadka u tudha oo haddii xukuumaddu qaldantahay toosintu ha ka timaaddo dhanka xisbiyada mucaaradka. Mise iyagana waa dhalliilaysaan, oo golaha wakiilada ayaa dhalliilaysaan oo guurtida ayaa dhalliilaysaan. Dee dadku idinka ayuu idin dhalliili, waa haddii aad dhalliishaan dhammaan golayaasha jira iyo xukuumaddaba. Maxaa reebteen?

Xukuumadduna, yaanay ka faa'iidaysan dhalliisha dadku u qaadayo golahan lagu dhawaaqay, ee qaladkeeda ha saxdo, hadalka badan ha iska dayso, qoryo iyo madaafiic toonna ma sitaane, cagta inoo dhiga. Xukuumadda wax badan baa qaldan, laakiin dee waa in loogu sheegaa jidka toosan, maaha in jid qallooca loo soo maro. Taasi waxa ay daciifinaysaa qaladkii loo sheegi lahaa xukuumadda. 

Ugu danbayn: Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac, Ibraahin C Xuseen iyo dhanka kale Axmed M Siilaanyo, waxa dadkani idinka sugayaa wax ka weyn qub iyo qaylo. Codbaahiye la soo fadhiisto wax ka weyn oo dhaxal gal ah bay idinka sugayaan. Wax badan oo maantaba murugsan oo idinka idin midaynaya ayaa la idiinka fadhiyaa. Car ha la idinka helo buug keliya oo ka hadlaya halgankii dheeraa ee aad soo marteen. Tan maanta labataan jirkii dhashay 93kii baa ilaashanaya, idinka waxba la idinka weydiin maayo. Waxaase la idinka rabaa halgankii aad soo marteen oo qoran in aad dhaxal uga tagtaan dalka iyo dadkaba. Bulshadana waxa aan odhan lahaa dhegjalaq ha u siinina hadalada xanafta leh ee labada dhinac is dhaafsanayaan, waa úun is nacsiin dadka walaalaha ah. 

Tan iyo SNM bay sidaa soo ahaayeen, weligoodba may heshiin, sida carabta ayey beri hore heshiiyeen oo waxa ay ku heshiiyeen in aanay weligood heshiin.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
23-07-2013/ Sweden 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.