Fortsätt till huvudinnehåll

Xogurursi: Qaadiyadii dalkeenna soomaray iyo qaabkay u shaqayn jireen.


Erayga gumaysi, iyo gobanimo doonkii, xornimadii lixdankii, ayaan ku soo barbaaray. Haa intaasiba waa sax marka la eego dhallintii kacaantay afartamaadkii, kontomaadkii. Laakiin dhallintii lixdamaadkii kacaantay, taa waa ay ka duwanaayeen, oo markiiba waa kii IHNtee Qaasim lahaa "Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye, dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye, Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karale". Dhallintii todobaatanaadkii kacdayna, dee waabay yaabanaayeen, oo afkii baa juuqda gabay. 







Hadday hadlaanna, sidii Cabdi Qays iyo Hadraawi ayaa hawada laga qarin lahaa. Dhallintii siddeetamaadkii, malaa kuwaasaan ku jiraaye. Waxa soo baxday in gumaysi horeba aanay soomaalidu arag aan ka ahayn kay iyadu is badday. 

    Gumaysi, waa marka lagu addoonsado, ee aad aqbasho wax aanaad oggolayn. Waa marka aad eraygaaga xor u noqon weydo, ee aad ka baqato in lagu dilo ama xidho. Waxa aan xasuustaa maalin maalmaha ka mid ahayd oo aanu ka soo baxnay magalada Berbera waa sannadkii 1983kii. Kantoroolka Berbera markaanu soo dhaafnay wax yar oo aanu ku dhawnahay warshadda Sibidhka--(waxaanu u sii jeednay magaalada Sheekh) baa darawalkii xasuustay shandad uu soo illoobay. Berbera ayaanu ku noqonnay, waanu soo qaadannay (Darawalku waa shaqaale dawladeed, oo Berbera ka shaqeeya, muddo dheerna ka shaqaynayey, gaadhigana isagaa leh, oo fasaxa jimcaha ayuu rabaa in uu Sheekh ku soo nasto) markii aanu soo noqonnay ee aanu kantoroolkii soo gaadhnay ayuunbuu darawalkii yidhi: "Allah, waxa jooga mid aad u xun! soo gaadhnay ---kuye keena warqaddii dhaqdhaqaaqa! ma sidano--soo dega oo gaadhiga halkaa dhiga, ilaa aad keentaan warqaddii dhaqdhaqaaqa ma bixi kartaan.

Dee gaadhiga nasii aanu soo qaadano'e- Maya, lugeeya. 

   Goor danbe ayuu naga oggolaaday in aanu gaadhiga dib ugu noqonno magaalada. Magaaladii ku noqnnay waa gelin danbe, meel furan oo warqad laga qaadanayaa ma jirto ee waa gumaysi sidiisa u yaal, aanse magac lahayn, waayo gumaysiga waxa aynu u naqaannaa kii Ingiriiska, ee aan waxar il ka ridin. Waxaanu u tagnay Xaaji Bursade Ilaahay ha u naxariistee, oo ahaa duqii magaalada Berbera. Wuu na soo raacay, isagaana naga sii daayey magaalada in aanu ka baxno. Bal adigu magac u bixi gumaysiga noocaas ah. 

   Haddaba, Ingiriisku gumaysigiisu ma uu ahayn noocaa, warqad dhaqdhaqaaqna cidna kumuu xidhayn, waxaase jira hab aynaan fahamsanayn oo uu wixiisa iyo hawlihiisa u watay. Si uu dadka uga badbaado waxa uu u sameeyey maxkamadda sharecada Islaamka, wax ku xukunta oo aanuu faragelin ku samayn, inkastoo uu isagu mushaharka siin jiray oo dabcan aanu ka madhnaanayn, haddana, waxa hubaal ahayd in aanuu xukunka ay kitaabka raacayaan, wax faragelin ah ku lahayn. Haddii uu ku yeeshana waa laga hor imanayey. Maxkamadahaas waxa ka talin jiray degmo kasta Qaaddi, magaalada Hargeysana waxa fadhiyi jiray QAADI_QUDDAAD, ka ugu sarreeya.

   Sannadkii 1975kii Maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxa uu dhegta dhiigga u daray 11 sheekh oo lagu dilay keliya waxa ay su'aal ka keeneen XEERKA QOYSKA oo ka hor imanayey Shareecada Islaamka. Goormaa gumaysi lagu jiray ma markaa culimada la laynayey mise markii Ingiriiska. Haddii Ingiriisku dili lahaa 11 wadaad marqudha maxaa dhici lahaa?

Ugu danbayn, Qaaddiyadaa maxaad ka haysaa, wax diiwaan ah ma ka haysaa, ma ku tuhmaysaa cid aad garanayso. I tilmaan, ama ii soo gudbi wixii macluumaad ah ee aad ka hayso. gacmo wada jirbay wax ku gooyaan.


Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.