Fortsätt till huvudinnehåll

Xusuusqor: Dib u milicsiga maalmihii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland 05-1991kii...W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf


Waxa ay ahayd xaalad colaadeed. Marka colaadi jirto, waxa cidhiidhi gala wax kasta oo nooluhu u baahanyahay. Inkastoo muddo dheer lagu soo jiray colaad, maalmahaas waxa dhacay isbeddelo waaweyn. Bishii Jeeniweri ee 1991 dhammaadkeedii buu ka baxay Maxamed Siyaad Barre magaaladii Muqdisho ee xarunta u ahayd, muddada dheer ee labaatanka sannadood wax dheeraayeen. 


Dhinaca kale SNM iyo taageerayaashoodii baa maalmahaa qabsaday magaalada Berbera oo ahayd goob muhiim ah. Burburkii iyo is kaba raacintii xukunkii kelitaliska ahaa baa ku beegmay bilawgii 1991kii. 



    Dareenkii, dadka ayaa aad u kacay, maxaa soo socda? maxaa la yeelayaa. Dad badan baa maalmahaa uu ku dhacay jahawareer siyaasadeed. Dadka qaar, waxa ay dareensanaayeen in uu jiro guux aad u xooggan oo ah in Somaliland -dii luntay dib loo soo celiyo. Waxaase dareen xooggani kala dhex galay taageerayaashii SNM iyo hoggaankii SNM. Markiiba waxa soo baxday in siyaasiyiinta waaweyn ee magaca ku lahaa SNM aanay doonayn in gooni la isu taago, balse shacbiga oo ay horkacayaan qayb kale oo SNM ta ka mid ahayd, baa si xooggan u waday dedaal ah in shirka Burco aanuu dhammaan iyadoon lagu dhowaaqin Somaliland.


   Gebidhaclaynta maalmahaas, waxa xusid mudan sidii ay u xoojiyeen beelaha Boorame, in gooni la isu taago, taasoo ay xataa Burco u soo direen koox fannaaniin ahayd oo aan ka xasuusto majaajilaeystihii caanka ahaa ee ku magaca dheeraa "Sarreeye". Riwaayaddaasi waxa ay ku saabsanayd dagaalkii sokeeye ee Jamhuuriyaddii soomaaliyeed ku baahay. Waxa aan ka xasuustaa Rawaayaddaas, oo koonfurina madaxa iskula jirto Waqooyina madaxa iskula jirto, oo qaybtii waqooyi, inta ay isa sii daayeen, gacmaha is-qabsanayeen oo heshiinayaan. Kooxdaasi waxa ay ka timi Boorame, oo farriintii ay gudbinayeenna ahayd---dhammaan reer Waqooyi ha heshiiyo. 



    Halkaa marka aan marayo, bal aan dib u yara noqdo, oo dib u jalleeco shirarkii ka horreeyey, shirkii Burco. Sidaan horeba u tibaaxay, dadka oo dhan dhegtaa taagnayd oo waxa la eegayey is beddelada siyaasadeed ee dhici kara. Xamar markiiba waxa lagu dhowaaqay madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo Ra iisal wasaare Cumar Carte Qaalib. Inkastoo magacaabista dawladdaa lagaga dhowaaqay Xamar, ay dad badani islahaayeen---malaa waa loo baahanyahay in la helo maamul ku meelgaadh ah oo buuxiya dawladnimadii burburtay. Dhanka kalese, waxa jiray dareen ka biya-diidey dhowaaqa Xamar ka soo yeedhay. Waxa muuqatay in aanay siyaasiyiintii USC wada socon oo Khilaaf weyni ka dhexjiray. Dhinaca Somaliland, waxa ka bilaabmay shirar ay beeluhu galeen oo wadatashi ahaa. Shirarkaas waxa aan ka xasuustaa, kii ka dhacay Hargeysa, Berbera, Boorame iyo kii ugu weynaa oo ka dhacay Burco. Waxa xusid mudan ergadii nabaddoonka ahayd ee ka yimi Boorame, in laga dilay nin ka mid ahaa ergadaas. Ilaahay ha u naxariistee, ninkaas oo aanan imminka magaciisa hayn waxa uu ahaa nin u godgalay nabaddoonimo. Waxa uu mudanyahay in taariikhda lagu xuso. 



    Ergooyinkii isugu yimi Berbera, waxa habboon in laga reebo xasuus-qor, laga samayn karo buug. Shirarkaa koobkoobnaa ka dib baa la guda galay shirkii Burco. Shirkaas wax ka soo bixi doona lama garanayn. Waxaase loo badnaa in lagu dhowaaqi doono Somaliland. Maadaama oo aanay ku qornayn dastuurkii SNM in Somaliland goonni ugu soo noqoto xuduudihii lixdankii, go'aanka shirkaasi waxa uu ahaa gacan uur ku jirta. Waxa kale oo dareen ku sii ballaadhay markii la ogaaday in siyaasiyiintii SNM ugu tunka weynaa aanay raacsanayn goonni isu taagga. Nasiib wanaag go'aankii maalintaa la qaatay waxa uu ahaa mid lagu kala badbaaday, oo dagaallo la mid ah kuwa ilaa maanta ka socda Soomaaliya ayaa dhici lahaa. Waxa faraha ka bixi lahayd talada wadaagga ah. 



    Maalintii lagu dhowaaqay Somaliland, ee taariikhdu ahayd 18/05/1991, waxa aan ka soo baqoolay magalada Rabaso ee ku taal dhinaca Itoobiya. Waxa aanu wadannay gaadhi toyota ah---nooca loo yaqaan Xaajiyadda. Goor fiid ah baanu soo galnay magaalada Kaam-Abokor. Waxa aanu ka soo galnay dhanka bari. Dhankii ay degenaayeen qaxootigii ka soo qaxay dagaaladii bilaabmay 1988kii, baanu beegsannay. Weli annagoon gaadhin xeradii qaxootiga ayaanu aragnay rasaas aan tiro lahayn oo kor loo ridayo. Yaab iyo amankaag! waar maxaa dhacay? Kuye! waa lagu dhowaaqay Somaliland. Farxaddaas iyo raynrayntaasi waxa ay muujinaysay sida loo jeclaa in lagu dhowaaqo Somaliland. Qofba si ha u arko, qofba si ha u jeclaado, mid kale ha u arko go'aan qaldan. Waxa ay ahayd xaalad u baahnayd go'aan qaadasho degdeg ah. Haddii kale jahawareer xooggan baa dhici lahaa. Jiho siyaasadeed oo la wada ilaashanayo na ma ay jirteen. 


   Socdaalkayagii waxa aanu ku tagnay, Kaam Haashim, Harta-Sheekha---socdaalkaas oo ahaa mid annaga noo gaar ahaa. Dib ayaanu u soo noqonay oo u soo kicitinnay Burco. Waxa aanu Burco soo gaadhnay badhtamihii bishii Mey/1991. Maalmahaas oo Mingistuna (madaxweynihii Itoobiya) laga tuuray xukunkii, ayaanu soo galnay magaalada Burco oo roob ka da'ay, oo barwaaqaysan. Magaalada markaanu soo galnay ba waxa aanu aragnay dad badan oo ka tallaabaya biriijka. Dadkaas oo ahaa ahaa rag sooc ah, waxa ay ku sii socdeen ama ka soo socdeen goobtii shirka. Maalintii danbeba waxa aanu tagnay goobtii shirku ka socday. Goobtu waxa ay ahaan jirtay ma garanayo, laakiin waxa ay ahayd goob burbursan oo aan daaqado lahayn--balse itaalka waxa ay ugu roonayd meel shir lagu qabto, marka la eego magaalada inteeda kale oo burbursanayd. Waxa ay goobtu ku taallay, haddii aanaan qaldanayn dhinaca xaafadda loo yaqaanay shacabka, xafiisyadii dhirta iyo daaqa ayaa malaa aan ka durugsanayn. Goob qurux badan bay ahayd, roobkii da'ay baa neecaw udgoon kaga tegey. 



    http://stagevu.com/videos/shirkii-burco-1991Waxa aanu istaagnay daaqad ka mid ah daaqadihii hoolka lagu shirayey. Waxa aan maalintaa xasuustaa waxa hadlayey Saleebaan Maxamuud Adan (Guddoomiyaha Guurtida ee maanta) iyo rag kale oo aanaan magacyadooda garanayn. Waxa socotay dood lagu lafo gurayey jamhuuriyadda cusub ee Somaliland. Magaalada Burco, maalmahaas waxa ay ahayd magaalo nabdoon, marka loo eego Berbera iyo Hargeysa oo xilliyadaa isku dhac badan iyo goolaaftan badani ka jiray. Nasiib wanaag Shirka Burco ka socday waxa uu ka dhacay Burco oo nabdoon oo aan baqasho jirin. Wufuuddii shirkaa ka soo qaybgashay oo ka koobnayd dhammaan beelaha wada dega Somaliland, waxa ay ku joogeen nabad iyo caano. Inta aan xasuusnay ma ay jirin cid wax lagu yeelay Burco. Inkastoo jawigaasi muddo yar ka dib is bedelay. 



     Maanta waxa laga joogaa labaatan sannadood. Ilaa maanta wax laga qoray arrimahaas iyo qaar kaloo badan ba ma jirto. Yaa lagu hallaynayaa? in wax qaldan la qoro qofna ma jecla. Haddii se aan wax ba maanta laga qorin, waxa berri laga qori doonaa wax kale. Xasuustuna waa ay kooban tahay. Maanta intaa aan qorayo, haddii aan qori lahaa 1992kii ama 95kii wax badan baan xasuusan lahaa oo muhiim ahaa---maantase ma xasuusni. Waar aan dabaqabanno taariikhahaas. 




Wa billaahi Tawfiiq

Sayid-Axmed M. Yuusuf
Sweden (30-05-2011)

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.