Fortsätt till huvudinnehåll

Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii: "Waxaan ahaa ardaydii ka baxaday dugsiga sare ee 26ka juun sanadkii 1983. ............. Kamaal Cabdilaahi Xuseen---/USA

FG: waxa aan ka soo xigtay buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii. Qaybta warbixinta iyo xusuusta dadkii goobjoogga ahaa.

 - Anigoo ah Kamaal Cabdilaahi Xuseen hadaan dib u milicsado dagaalkii 1988 kii dhul- keena ka dahacay waajibka ama aan idhaahdo qasabkana la inagaga dhigay iyo siduu noloshayda u saameeyay, waa soo koobayaa ee akhris wacan. Waxaan ahaa ardaydii ka baxaday dugsiga sare ee 26ka juun sanadkii 1983, sanadkii 1985 ayaan waxaan ku jiray 35 arday oo wadanka oodhan imtixaankii jaamicada ugu sareeyay kuna guulaystay kuliyadii caafimaadka.


Markaa waxaan marayey sanadkii seddexaad markaa dagaalku bilawday. Habeen jimca ah ayaan mar aanu xagaa cassa popolare u cashatagnay soo maqalay SMN tii ayaa dagaal soo qaaday. Mar aan ku soo noqday jaamicadda ayaa waxaan la kulmay Dr. Maxamuud Shiine oo intaanu is bariidinay i waydiiyey: “Imtixaanadii ka waran?" Waxaan ugu jawaabay Mid aan dib u dhigtay iyo -cardiology- oo aan fasaxa kadib galayo mooyaane kuwii kale waan ku guulaystay. Waxaanan u raaciyey in aan doonaayo in aan tigidh diyaarada ah ama Bas ah berri soo goosto oo aan fasaxan Hargeysa iyo reerkii qabto.

     Wuxuu iigu jawaabay oo miyaanad ogeyn in wadankiiba dagaal ka bilaabmay oo SNM ay Burco qabsatay? Markaa waa isla fiidkii jimcihii May 27 1988 ee Burco la qabsaday. Wuxuu igu yidhi bal horta iska hubso aniguna waayahay ayaan idhi. Subixii ayaan xagii Somali airline-ta xafiiskeedii tagey waxaanay ii sheegeen in diyaaradii xuntahay oo aanay beryahaa qabaneyn Hargeysa. Xagii Ceelgaabtaan tagey waxaan ogaaday wax waqooyi u baxayaa aanay jirin Burcana lahaysto arrinna meel uu ku danbeyn aanay cidi ogeyn. Sidii ayaan ku nagaaday waxaana magaalada xamar ka bilaabmay in wixii nin magac lahaa iyo saraakiil iyo baayacmushtar ee Somaliland ka soo jeeday gaar ahaan Isaaq la xidhxidho. Waxaan markaa intaan qaatay buugaagtaydii maadadii aan diyaarinayey u tegay niman aanu asxaab ahayn oo Huriwaa deganaa oo aan is idhi hadii ardayda loo soo dhigto bal aad halkaa kaga badbaadid. Waxa ka mid ahaa innamadaa Cabdi Shafeec Cige oo imminka Ingiriiska deggen. 

         Markaan hal habeen gurigooda seexday ayaa  habeenkii danbe annagoo guriga ka maqan boolis, gaadhi shabaqle ah wataa yimaadeen. Odaygii waashmaanka (Ilaaliyaha) ahaana waydiiyeen: “waa kuwama nimanka guriga degani.? Wuxuu ku yidhi waa hebel iyo hebel iyo mid arday ah. Waxay ku yidhaahdeen aroorta halkaa ha la idiinku yimaado. Habeenkii goor ay waaberi tahay ayaa nala kexeeyay oo saldhigii Bari ee degmada Shibis ku yaalay nalagu xidhay. Dhawr cisho ayaa halkaa nalagu hayey annagoo wax denbiya oo aanu samaynay aanu jirin, aan ka ahayn hayb-tayada oo ka soo jeeddey goobihii dagaaladu ka dheceen—waa Burco iyo Hargeysa’e Markii danbe ayaa Kornayl Cabdi Raage oo innamada warshada ay ka shaqaynayeen madax u ahaa Siyaad Barrena ay Saaxiib ahaayeen ayaa naga soo daayey. Kadibna waxaanu go'aansanay in aanu lafahayaga wadanka ugala baxsano. Waxa sii socday taca- digii shicibkeenii Xamar degenaa dagaalkiina waakii sii xoogeystay. Laba bilood kadib ayaan ka soo baxay Xamar habeen tiradiisu yaablahayd oo wada sideed ahayd 8/8/88 oo aan ka mid ahaa dhallinyaro, ardaydii Jaamicadda u badnayd oo Jabuuti iyo Masar u yaacay.

     Halkaas waxa ku burburay waxbarshadii dhakhtarnimo ee aan kalabadhka marinayey waxaana ii bilaab-may in aan qaxoontinimo raadsado. Inkastoo aanan dhak- htarnimadii dhamaysan waxaan qaatay oo aan ku guulaystay in aan noqdo Nutritionist, oo ah laan kamida cilmiga daawada oo aan aad u jeclaa haddana jecelahay. Waxa ka- mida dadka aanu asxaabta iyo ehelkaba ahayn ee ku qudhwaayey dagaalkaas wiilashii, lagu laayey xeebta Jasiira oo ay ka mid ahaayeen rag aanu jaamicada ku wada jirnay sida  Dr. Yuusuf Cabdilaahi Rooble oo ahaa nin aan wanaagiisa iyo aqoontiisa xagga diinta iyo tan kale ee cilmiga daawadaba iyo dad-nimadiisaba aan hadal lagu soo koobi karin. Si gaar ah  ayaan u xasuustaa ILAAHAY isaga iyo dhamaantoodba ha u naxariis- tee, waxa kaloo kula jiray oo aanu isku fasal ahayn dugsigii sare Cabdi-Raxmaan Ax- med Dhinbii, Maxamed Muuse.... Baashe Cabdilaahi Heebaan oo isagana ilaa caruur- nimadii aanu isnaqaanay soo wada barbaarnay oo isna kuliyada Ecconomia ku jiray. Waxa isna kamid ahaa dadka dagaaladaasi galaafteen inaadeerkay ruma Cabdi Rashiid Axmed Sheekh Aaden oon isna si gaara uga naxay markii la ii soo sheegay oo isaga iyo koox uu ku jiray xagga xeebta ku go'doomeen dibna aan loo arag xataa mayd- koodii laakiin in ta laqabtay oo Boorama la geeyey ka dibna in la laayey ay noogu wardanbaysay. Waxakaloo aanan soo koobi karin inta asxaata iyo Ehelka ahayd ee Geeridooda la ii soo sheegay. 

ILAAHAY dhamaantood ha u naxariisto gacan ka gardaran iyp xaqdaro ayay ku dhinteene. Waar intaas ka waran aan soo dhoobd- hoobay wixii kaa anfaca kala bax badhkaad doontna ka daadi nabad iyo caafimaad .

Kamaal Cabdilaahi Xuseen (USA, 18/08/2010 /Maalin Arbaca ah)
 -------------------------------------------------
Xigasho: Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii 2012....Sayid-Axmed M. Yuusuf

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.