Fortsätt till huvudinnehåll

Buugga Gorfaynta Silsiladdii Deelley – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Hordhac: Silsiladda jiiftada ah ee Deelley wax ay ka mid ahayd suugaantii aan ku barbaaray. Iyada iyo maansooyin kale oo badan oo cajalado lagu duubay, oo siyaasad iyo qabyaalad u badnaa, oo qaarkood xilligaas la curiyay qaarkood na hiddaha laga soo nooleeyay, wax ay ahaayeen duufaan dadka soomaalida ku kacday. Guud ahaan wax ay ahayd maanso leh abaabul colaadeed oo ba’an. Xamar baan ku noolaa oo ahayd meesha ugu daran ee suugaanta jaadkaas ah laga faafiyo. 






Guri, meherad, gaadiid dushii iyo golayaasha bulsheed oo dhan waa lagu dhegaysan jiray. Xilligaa iyo ka dib ba waxa aan joogto u la kulmi jiray qaar ka mid ah cajalado ay ku duubnaayeen qaar ka mid ah tixahaha silsiladdan sii ba kuwa isu jawaabcelinaya. Gaar ahaan waxaa xiise dheeraad ah lahaa sida ay u dhacday doodda labada cidhif ee midkood maamulkii siyaasadeed ee Soomaaliya dhaliilayo, ka kale na maamulkaas gaashaanka u yahay.

   Illaa maalintaa Deelley aad baan u danayn jiray, ha ahaatee tixo duulduul ah mooyee weligay iyada oo dhan ama u dhow ma helin. Muddadii ba mar baan maqli jiray tix igu cusub oo xiise badan. Dabadeed sannadkii 2005 ayuu nin aannu saaxiib ahayn ii keenay Diiwaanka Maansadii Deelley kaas oo ay wada ururiyeen Axmed F. Cali “Idaajaa” iyo Ibraahin Cawad “Khooli”. Aad baan ugu riyaaqay, wax aanan ku akhriyay feejignaan iyo baadhitaan, waayo waan dareensaa oo garansanaa baaxaddeeda iyo qiimigeeda.

    Kolkii aan diiwaanka akhriyay wax aan jeclaystay in aan ka qoro maqaal ay dadka af soomaaliga ku hadlaa fahanka Deelley igu la wadaagaan. Ha yeeshee halka aan taa kaga hagaagayaa ma ay noqon wax fudud. Sidii ay silsiladdu ku abuurantay, sidii uu ismaandhaafka maansayahannadu ku yimid, nuxurka doodda iyo sida ay wax u dhaceen, xafiiltanka kulul ee golaha hadheeyay ha ahaado mid qofeed ama mid qabiil ama ba mid siyaasadeede, maansooyinka tayadooda, intaas ayaa isku mar godlanaa. Dabadeed wax aan yaqiinsaday waxa loo baahan yahay Deelley in laga yidhaahdaa in ay ka badan tahay gorfayn kooban. Kolkaas ayaan goostay arrinka in aan ku sii durko oo buug ka dhigo.

    Hawshaas oo bilaw ah ayay arrin qiimo badani soo korodhay. Waxaa soo baxday ninka la yidhaahdo Boobe Yuusuf Ducaale in uu soo saaray diiwaan kale oo Deelley ku urursan tahay. Taasi wax ay lahayd xiise cusub, waayo weydiimaha diiwaanka hore ka oogmay ee warcelinta u baahani aad ayay u badnaayeen. Sidaas ayaan diiwaanka cusub ku helay gugii 2009, ciwaanku na wax uu ahaa Deelleey Saadaal Rumowday. Weydiimo badan buu kaasi na ka warceliyay isla markaa kuwo cusub ayuu qudhiisu dhaliyay. Buuggan Gorfaynta Silsiladdii Deelley oo ah baadhid si gaar labadaa diiwaan loogu saleeyay waa kan ku hor yaal.

Hadda ba sida la og yahay dhacdo wali ba mar kasta oo ay ka sii durugto xilligeeda iyo dadkeeda waa ay doorsoontaa: waxaa ka lunta run badan waxaa na gasha been badan oo aan loo qasdin ama loo qasday. Halistaa in kasta oo aan si buuxda loo baajin karin waxaa lagu yarayn karaa inta ay sii qoyan tahay ee dadkeedu nool yihiin in laga hadlo, in guntimaheeda la furfuro, in la iftiimiyo, iyo in guud ahaan xaqiiqadeeda la isla jeexjeexo. Haddii se in badan oo garaadka Deelley ka mid ah berigaa laga soo raray hiddihii tolnimada ee dawladnimada ka horreeyay, dabadeed ay fadqalallo ku noqotay waayihii cusbaa ee kolkaa lagu noolaa, iyada na maanta loo ma soo wada rari karo xilligan, waayo marxalad walba cilladaheeda bulsheed waa u gaar. Wax ay se ku qumman tahay in taariikh ahaan loo eego si wax looga barto.

    Tashiga na haddii lagu wadaagi karo garasho kasta oo maskaxeed: hadal, fan, farshaxan, suugaan iwm, Deelley waa heer sare oo loo dooday. Sidaa darteed waa waaya’aragnimo faca maanta wax baraya iyo siiyaal faca dambe wax uga sheegi doona marxalad la soo maray. Waa maanso barashadeeda iyo baadhisteeda loogu danaysan karo wax badan, u na qalanta in loo adeegsado dhammi heerarka ka la sarreeya ee waxbarashada iyo qaababkeeda ka la duduwan: af, taariikh, culuun bulsho iyo helista garaadka qofka soomaaliyeed iyo wacyigiisa siyaasadeed. Dhan kale Deelley badankeedu wax ay beddel u tahay maansadii hiddaha ee mutuxnayd. Arrimahaas ayaa waajib ka dhigaya in la siiyo mudnaanteeda.

Dadku intaa wuu korayaa oo kobcayaa garaad ahaan iyo aqoon ahaan ba. Faca Deelley na wax uu lahaa duruufo nololeed oo ka duwanaa marxaladdii isaga ka horreysay iyo tan ka dambaysay labada ba. Tusaale ahaan facaasi wax uu u dhowaa sooyaalka iyo hiddaha iyo wax wal oo ku jira: af, dhaqan, garaad iyo degaan. Wax uu kale oo jiilkaasi la jaanqaaday niyadsamidii iyo busaylkii loo qabay midaynta iyo dawladaynta soomaalida. Taa wax uu in badan kaga duwanaa jiilkii isaga ka horreeyay oo aan wax dawladnimo la yidhaahdo fiiro u lahayn, iyo faca maanta kacay oo hiddihii ka hayaamay soomaalinnimadii uu u guuray na adhaxda ka jabtay. Dhanka kale na aqoonta iyo wacyiga dawladnimada faca Deelley wuu ku liitay, waayo waxaa maskaxdiisa iyo dhaqankiisa ka buuxay xaaladihii nololeed ee miyiga halkaas oo ay tolnimada iyo garashadeedu wax walba halbeeg u ahaayeen.

    Hadda ba facaasi isla sida uu kii ka horreeyay u gorfeeyay, u baadhay, ee garaadkiisa iyo waxqabadkiisa mar u bogaadiyay mar kale na u dhaliilay, si la mid ah ayay tahay isaga na in maanta laga yeelo. Caynkaas ayaa loo xidhiidhin karaa sooyaalka iyo siiyaalka isku taxan ee ummadeed. Xilli wali ba na isaga oo leh duruufo ay tahay in la tixgeliyo, reer Deelley waa waajib in wadar ahaan iyo waaxid ahaan ba kaalinta ay taariikhda ku lahaayeen la xaddido haddii ay togan tahay iyo haddii ay taban tahay ba.

    Khilaafyada iyo kaladuwanaanta doodda silsiladdani sidooda ayay u yihiin waxtar lagu kasayo garashadii xilligaas iyo waayihii jiray. Kaas oo aan la heleen haddii ay dadkani isku aragti ahaan lahaayeen ama ka la aamusnaan lahaayeen. Reer Deelley in ay ku ka la duwan yihiin degaan, aqoon iyo fikir wax ay ogaal buuxa inaga siinaysaa waaqica bulsheed ee ay silsiladdu ku abtirsato. Taas wax ay kaga duwan tahay, tusaale ahaan, Siinley-diiiyada ka horreysay oo dhex martay dad isu dhowaa aragti ahaan iyo degaan ahaan ba. Sidaa darteed waa in loo fiirsadaa fikradaha isdiiddan kaladuwanaantoodu waxa ay tahay, halka ay ku jirto iyo sababta ay u jirto. Sidaas ayaa lagu guran karaa midhaha midabyada badan ee Deelley ee ku wada yaalla geedka waayaha soomaalida, macaan iyo qadhaadh.

    Deelley na iyada waxa laga odhan karaa badan yihiin baadhitaankan lagaga ma wada bogan karo. Tusaale ahaan ogaan baa eegmada looga lalinayaa kala qiimaynta tayada tixaha, iyada oo ay dhab tahay qaar badan nuxurkooda suugaaneed in uu liito, halka ay qaar kale yihiin wacdaro murtiyeed. Halkan waxaa awoodda la saarayaa isdiiddanaanta dadka ku dhex jirtaa waxa ay tahay, sida ay taasi ku timid, qaabk looga garnaqsaday, dareenka nafsadeed iyo guud ahaan duruufaha silsiladda ku xeeran. Gaar ahaan waxaa loo sed burinayaa fikradaha ku jira tixaha bilwaga, waayo madhaafaanka doodda Deelley waa iyaga. Sida kale na, daraasaynta Deelley iyada oo inta dhinac ee laga eegi karo iyo hilimmada lagaga iman karaa badan yihiin, baadhistan manhajka loo raacay ugu horreyn waa arrintu xidhiidhka ay la lee dahay siyaasadda qabyaaladeed ee soomaalida galaafatay, taas oo aynnu ku taxaynno hiddaheeda waxa ka galay.

Sifaha buugga:

Ciwaanka: Gorfaynta Silsiladdii Deelley
Qoraha: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Summadda: ISBN 978-91-980101-0-7
Dalka: Iswiidhan 2012
Tirada bog: 274

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.