Fortsätt till huvudinnehåll

Qormo ka mid ahayd qoraallo taxane ahaa: Todobaadka iyo Somaliland


Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Dan ahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan  gara bkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'san ba an , gaadh aan u  taagna hay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u

  sheeg aa".



Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u  ra rayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha  dalk eenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweyno ow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."


Guuleed: Ninkii mafrishka ka xidhay Dubbe iyo Doolaal, saw ma aad maqal in uu TV-gii keli ahaa ee Universal na xidhay.


Geeddi: Waa mar kaagii, TV Universal ma taqaannaa.? Miyaad aragtay ----TV ----xumaan uun ka warramaya, oo weliba Somaliland waxa uu ka helay suuq aanuu meel kaleba ka helin. Markaasuu SSC baa halkan ku cartamaysa, Odayaal baa ka hadlay Ceerigaabo, Burcaa  gilgilma ysa. Waar dadkii qurbaha joogay malaa toban baa ila soo hadlay oo yidhi waa maxay waxan  d alkii gilgilay? In la xidho waa ay istaahilaan, weliba haddaan jeelasha lagu gurin iyagaaba  faa'ii do qaba. Si xun wax u sheeg sixir waa ka daranyahay ayaa hore loo yidhi.


Guuleed: Ma halkaasaad marisay. Anna waxa aan ku idhi, shalay wasiirkani waxa uu xidhay  maf rishkii warku ka soo bixi jiray ee Dubbe iyo Doolaal, maantana Universal, berrito car dhegeyso HaatufNews baa albaabada loo laabay. Beryahaaba waxa ulo booca loogu tukubayey Haatuf. Todobaadka danbe dhegayso. Waxa aan ku talin lahaa wasaaradda warfaafinta albaabada ha loo laabo. Oo dee maxay qabataa, ma dadka afkooday eegtaa iyo waxa ka soo baxaya. Wasaaradda warfaafinta waxa loogu talo galay waa dalalka keligii taliyeyaashu ka taliyaan. Xilligii siyaad barre wasaaraddaasi waxa ay ahayd ta ugu muhiimsan. Waxa hoos iman jiray  wa kaaladdii warfaafinta ee SONA, oo kumaankun weriye lahayd. Tiyaataraddii, wargeyskii xiddigta oktoobar, boqlollaal kun oo ahaa xarumihii "hanuuninta dadweynaha" bal yuu u taliyaa wasiirka warfaafinta ee maanta? Dee cidla madhan


Geeddi: Waxa aad mooddaa in wasiirkan warfaafinta aad si gaar ah ula collowdaye, danta guud ka hadal. In la xidho Universal dadkoo dhamiba waa ka raalli adiga mooyee. Wargeyska Haatuf waa mid dalka laga leeyahay, laakiin beryahan danbe runtii isku dir ayuu wadaa oo dee aan loo adkaysan karin. Haddii uu xeerka jabiyo waa la xidhayaa, ma ninbaa xeerka ka sarreeya dee  w aa Maya.


Guuleed: Waaryaahe Geeddi, hadda Haatuf waa kii shalay aynu labadeenuba o doodaynay  ma rkii la xidhay Yuusuf Gaboobe. Miyeynaan dhaqaale u gurin wariyhii Haatuf ee lagu xidhay  Boo rame. Haatuf waa kii shalay uun ee ma aha mid kale. Waxase isbedelay xukuumaddii. Ma waxa aad leedahay yaanu waxba ka sheegin xukuumadda? Haatufkii shalay iyo kan maanta waa kii uun. Universal xadhiggiisana anigu maba haysto TV oo ma aan daawan jirine, laakiin maxaa la innoogu bedelay, warfaafintu TV ma inoo samaynaysaa?


Geeddi: Haa maxay innoogu samayn weyday. Waxa hawl soo socota waa aad yaabaysaa. TV, Radio, wargeyso casri ah, barta internetka ee qaranka Somaliland iyo ka xukuumadda. Ha deg degin.
 

Guuleed: Waar maanta shaah cabbi kari maayo'e, bal bunkaa ii dhiib.

Geeddi: Bunka sawtii arbacada uun la cabbi jiray, ma xabashidaa inna bartay, waar bal anna ii dhiib oo sonkorta ku soo badi. Qoladaana shaaha u gee. Weligaa gacan adaygaa ka bixi maysid, dadka shaaha waa loo shubaa.


Guuleed: Waar maahee beryahan waad i jeeb dhaantaayoo dee dhankaa iyo madaxtooyada  ad oo sii geliya ayaa lagu sheegay. Waxa aan se ku weydiiyey, maxaa ay xukuumaddani ku  keent ay wax baan xisaabinayaa. Maxay dadka xiniinyaha u qabanaysaa, may iimaansato xukunkii  ma rhaddii loo dhiibay, oo ay bilawdo weji cusub oo horumar leh, inta ay ku meeraysanayso hebel baa wax cunay iyo kii bangiga ayaa la yidhi ha bixin. Maxaa waxaa ku soo celiyey.


Geeddi: Ma waxa aad leedahay yaan waxba la xisaabin? Dee ogow xukuumaddan inta ay cunto wax walba ayey kadinka ka bixi doontaa. Miyaanay habboonayn in la la xisaabtamo.


Guuleed: Xisaabtu waa sax. Inbadanna waa aynu ka sheekaysannay, laakiin qaabkani ma aha  mid wax lagu xisaabin karo. Waxa keliya ee wax lagu xisaabin karaa, waa in la helo hay'addii  ga rsoorka. Saw ma ogid qaran kastaa waxa uu ka koobanyahay saddex hay'adood oo kala  mada xbannaan. 1. Hay'adda garsoorka, 2. hay'adda xeer dejinta 3. Xukuumadda ama hay'adda  fulin ta. Innagu waxa aynu naqaannaa oo keliya xukuumadda. Waxa ay ahayd in ay hay'adda  garso orku kala wareejiso xaaladda kala wareegga oo ay iyadu maamusho. Waxa kale oo loo baahnaa in aanay xukuumaddu magacaabin xaakimka sare, ee uu ka yimaaddo dhanka golaha  baarlama anka (Guurtida iyo wakiilada) oo aanuu wax faragelin ah ku yeelan karin madaxweynuhu.


Geeddi. Waadigaa "Dubur Hawd ka xulay" Wax aan shaqadeenna ahayn baad innala doonatay, waar! maad qunyar bunkaaga iska cabbi. Wax kale innooga warran.


Guuleed: Mid baa maalin dhoweyd igu yidhi, ninkii Hadraawi maantuu caddaystay oo uu yidhi  w axa aan ahay Somaliweyn. Anigoo been moodaya ayaan nin looga qaateena weydiiyey. Markaasuu igu yidhi, waa run. Waxa aan is idhi dee odaygu waa kii qarsan jiraye, ma waxa uu u jeedaa mar haddii inaadeerkay madaxweyne yahay oo aan anigu Burco joogo, yaa ila hadli  ka ra?


Geeddi: Taad keentaaba ta kale ka daran, Bunkaa qunyar ma cabbi weyday.


Guuleed: Oo ma keligaybaa ilaa Kanada ka jooga ilaa ka Ustareeeliya jooga intaas uun bay  had al hayaane, ma aniga Hargeysa dhexjooga baad i leedahay ha ka hadlin. Waar! rag Siyaasi  wa da noqoyHadraawina waa siyaasiga ugu weyn, geeska Afrika.


Geeddi: Hadraawi, waxa uu ka hadlayey iyo sida aad wax u dhigayso waa laba kala dheer. Hadraawi haddii uu u socdo soomaaliweynta aad moodayso, beri hore ayuu sidii Cabdiqays iyo Cali sugulle taanbuuggii Carta ee Jabuuti laga dhisay ka soo gabyi lahaa, ee tiisu waa mid qoto dheeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeer. Ninna si fudud ku garanmaayo, waa mid laga sheekayn doono beri danbe. Waa geesi, Abwaan, mujaahid, Siyaasi, Filosoofi, Macallin....miyaan sii wadaa?


Guuleed: Kuma aan odhan ammaan ta Hadraawi iiga sheekeeye, eraygii afkiisa ka soo baxay  ay uunbaan ku weydiiyey. Waxa aan se ku dareensiin lahaa, dadkii waa ay saluugeen  xukuumadd an, ee tolow ma dareensantahay meelaha looga soo dhacay, mase qaadandoontaa haddii  aay nu makhaayaddan uga soo saarno "Warsaxaafadeed"


Geeddi: Warsaxaafadeed---adigoo metelaya ayo!

Guuleed: Dadka danyarta ah
Geeddi: Tu danbaynu lahaan.


nabad iyo caano


 xigasho: Longlivesomaliland.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.