Fortsätt till huvudinnehåll

Xusuus qormo hore: "Oxford House iyo habeenkii qorayaasha 13/10/2008/London". W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf

Maalintii bishu ahayd 13, bishii tobnaad ee sannadka 2008 ayaan u diyaar-garoobay in aan ka qayb-galo kulan ka mid ahaa kulamadii socday muddadii todobaadka ahayd, oo ka socday Oxford House/London. Debbaal-deggaas oo loogu yeedhay (Debbaaldegga todobaadka soomaalida) waxa ka soo qaybgalay dad aad u tirobadan
, oo ka kala yimi dalal aad u kala fog. Inkastoo aanaan anigu ka qaybqaadan dhamaan maalmihii debbaaldegga, balse waxa igu maqaalo ahaa in ay ka soo qaybgaleen odayaal ay ka mid yihiin Maxamed Xaashi Gaarriye iyo Aadan Tarabi. Waxa aanse nasiib u helay in aan arko Cali Sugulle, oo habeenkii Qorayaasha ka soo qaybgalay.



     Waa soomaali iyo caadadeed (ceebteeda ma aha) waxa dib looga dhacay kulankii muddo aanaan garanayn oo malaa ka badnayd laba saacadood. Taasi waxa ay keentay in wakhtigu cidhiidhi noqdo. Madasha oo ay qorayaasha qaar ka mid ahi, u sii diyaargaroobeen ayaa aad u saluugsanaa wakhtiga la siiyey oo ahaa 5-10 daqiiqadood. Inkasta oo wakhtigu sidaa u yaraa, balse waxa tilmaan mudan in aan lagu caajisin goobtii, ee si darandoorri ah loo soo gebagabeeyey.


    Si gaar ah ayey xasuus iigu tahay aniga. Waxa aanu habeenkaa fool ka fool isu aragnay saaxiibkay Cabdilaahi Cawad Cige oo habeen kaasi aragti ahaan isugu kaaya horreeyey, balse aqooni naga dhexaysay muddo haatan ku dhow 10 sannadood. Waxa kale oo aan halkaa kula kulmay Abwaan, Faysal Cambalaash, Marwo Caasha Luul, Ayaan M Cashuur iyo xubno ka yimi Hargeysa oo uu ka mid ahaa Abwaan Axmed Aw-Geeddi. Madashu way cammirnayd, aadna waa loo soo agaasimay.


    Habeenkaa waxa aan is idhi, soomaalidu qoraalkii bay u soo jeesatay. Waayo, goobtii waxa ka hadlay tobaneeyo qoraa oo buug kastaaba uu ka geddisnaa buugga kale. Tusaale ahaan, buug laga qoray Geela, mid laga qoray ganacsiga, mid laga qoray afsoomaaliga, mid laga qoray dhibaatada soomaalida haysata, mid taariikh ah iyo qaar kaloo badan. Taasi waxa ay tilmaan u tahay bidhaan soo baxaysa oo ah in loo soo jeestay qoraalkii. Buugaagta ha la iibsado ama yaan la iibsane, goobtaasi waxa ay ahayd goob lagu soo bandhigay buugaag aad u tirabadan, oo aanaan halkan ku soo koobi karin. waxaana runtii ugu mudnaa in la tilmaamo labada buug ee dhowaan soo baxay oo lahaa mudnaantooda. Buugga Hal aan tebayey oo ku saabsan abwaankii, halgamaagii Xaaji Adan Afqallooc oo uu qoray Maxamed Baashe Xasan iyo buugga “Roge” oo uu qoray Cabdillaahi C Cige. Waxa aan leeyahay hanbalyo Cabdillaahi iyo Maxamed ba. 



Ugu danbayn waxa aan hanbalyo u dirayaa bahda Oxford House ee soo abaabushay kulamadaas, gaar ahaan Ayaan M Cashuur. 



Sayid Maxamed Yuusuf 
Stockholm/Sweden
Xigassho: www.qoraaga.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.