Fortsätt till huvudinnehåll

Mucaarad dhego la'---Maxaafid Indho la'. W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (05-01-2013)

Dugsi ma leh Qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane. Uf Qabiilka anaa leh, wuxuunbaa ku adeegta nin iskii kartidiisa isu taagi karaynin, una haysta ateero, ayaantuu denbi geysto, laga hoos galo eedda.

Nin Qabiilkiisa u doodaya oo qabiil kale eedaynaya. Nin hadduu arki waayo mid reerkiisa ah ee meeshuu la rabay aan ku soo bixin, oo marada tuuraya--- Qaranimadii aan dan ka lahayn. Mid Muxaafad iska dhigaya oo u jawaabaya mid kaloo mucaarad sheeganaya. Dadka intii badnayd way dhega-barjoobeen. Haddii laga aamusana adhiga sidaa laga dayn maayo, haddii la hadlona malaa sallax ku dheggii ina Xagaa Dheere ayaa laga baqay. In la aamusaa waxa ay noqonaysaa in raalli laga yahay, waxa socda. Waa waajib in laga hadlaa, oo aad dareenkaaga cabbirtaa. Yaa Mucaarad ah, yaa muxaafad ah? Kii wax dhisaya ayaa mucaarad ah, kii wax dhisaya ayaa muxaafad ah. Wax labadaa ka dhexeeyaa ma jiraan. Mucaardku waxa uu leeyahay, wax baa qaldamay, oo Qaranimadii ka qaldamay. Uma doodayo Qabiil, waayo Qabiil kasta dantoodu waxa ay ku jirtaa ta Qaranimada. Beryahan danbe waxa xoogaystay, in indhaha lagu eego qabiil aan gabbasho lahayn.

Waxa jira Xisbiyo (Shalay ururro ahaa) iyo ururro aan u soo gudbin Xisbi Qaran. Indhaha aan ku eegayaa haddii ay yihiin mid qabiil, waa maxay macnaheedu. Waa Qaranimo ma jirto. Mucaarad baan ku ahay xukuumadda, waxaanaan u doodayaa Qabiilkayga, waxa aan ku eedaynayaa xukuumadda in ay Qabiil tahay. Waa maxay macnaheedu? Waa 10-10= 0. Waxba maad soo kordhin, ee wixii aad ku eedaynaysay xukuumadda ayuunbaad adiguna sidataa. Dhako kale keen! si laguu tageero, si ay u soo baxdo qaldaadka xukuumaddu, u hadal Qranimo. Badka soo dhig waxyaabaha ay xukuumaddu ku qaldantahay. Haddii kale oo aad qabiil u hadasho, waxa qarsoomaya ceebaha ay xukuumaddu leedahay.

Waa hubaal in xukuumadda maanta joogtaa wax badan qabatay. Waana hubaal in ay qaldaad badan gashay. Keebaa badan qaladka iyo qummanaanta xukuumadda. Maanta waxa maqan kii miisaanka saari lahaa. Kii odhan lahaa xukuumadda qaldaadkeedaa badan ee inna soo hordhigi lahaa. sababtoo ah, waxa qaylinaya ama qiiqa innagu shidayaa waa mid qabiil u hadlaya, waa mid taladiisii ba ay taagan tahay "Innagu kala kaxeeya" oon garanayn eraygiisu dhibaatada uu dadka iyo dalkaba gaadhsiinayo. Mid kalaa u jawaabaya, oon dhaamin, oo u arka in geeloodii la soo weeraray "Yaa maali jirayeey"! labadaa aan qalinka ku adkeeyay waxa ay keenaan waa burbur. Mee waxgaradkii dalka iyo dadku, meeye, danyartii? Waa in aan la daawan, qaylada iyo qulubaa geddiga ay dad yari wadaan. Iyagoo kicinaya dadka intiisii badnayn, oo dhexdhigaya xumaan iyo xanaf aan loo baahnayn.

Dadweynaha intiisa danyarta ah ee dedaalka badan. Aan ildheer ku eegno waxa socda. Kan qaylinaya ee aan aragtidiisu fogayn waxa ku lammaan, mid markiisa horeba ay ka go'nayd in uu dalka Somaliland burburiyo. Mid ciil iyo cadho la dhex fadhiyey Somaliland ayaa safka hore soo gelaya, marka uu arko dadkii oo shuguxshugux loo ridayo. waxyaabaha maanta la inna dhaafiyey waxa ka mid ah ee aynu xukuumadda kula xisaabtami lahayn. Yaa diidday mudaharaadka? Yaa xabbada u quudhay muwaadiniinta? Mudaharaadka salmiga ah, waddo loo maraa buu leeyahay, xukuumadduna ma diidi karto. Haddii ay diiddo, waxa ay jebisay tiir ka mid ah wada noolaanshaha dadka ee Somaliland. Marka dhimasho timaaddo, maaha in madaxweynuhu afka ka xidho oo uu ka aamuso ee waa in uu dadka horyimaaddaa oo sheegaa dareenkiisa. Shil wuu dhici karaa, laakiin sida ilaa maanta wax loo maaraynayaa waa sidii siddeetamaadkii markii dhallintii UFO maxkamadda la taagay ay dadku u kaceen ee xabbada loogu furay. Xabbad nool in loo dulqaato maaha. Xukuumaddu xoogga ha saarto in ay xal kale u raadiso marka kacdoon sidaasi dhaco wixii lagu maarayn lahaa.

Ninka qabyaaladda ku faanaya waxa aynu leenahay. Qabiil iyo Qaranimadu, waa labo aan isqaadi karin oon weligeed is qabanayn. TV-yada lala soo hor fadhiyo "Haddaanu nahay reer hebel" waa in ay noqdaan wax lagu qoslo. Maanta waa loo qoslayaaye, dhowaan waa lagu qosli doonaa. 

Aloow Eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin. Gaarriye IHN-tee

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Gacanlibaax2003@yahoo.se

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.