Fortsätt till huvudinnehåll

GABAY BAROORDIIQ AH: “Meygaag halyey buu ahaa loo hammuun qabaye” ...W/C, Cabdiraxmaan Muxummed Maxamuud (Cawlo) 02/2011/ UK

Gabaygan hoosta ku qoran waxa tiriyey Cabdiraxmaan Muxumed Maxamuud (Cawlo) oo deggen carriga
Ingiriiska. Waxa uu tiriyey maalmihii la soo sheegay geerida marxuum Ibraahin Meygaag. Waxa uu gabaygani noqonayaa inta aan arkay kii ugu cuslaa ee markiiba laga tiriyey geeridii marxuumka. Abwaanka curiyey gabaygan oo aqoon u lahaa Ibraahin, waxa uu inna hogatusaalaynayaa qaababkii uu ku yiqiin marxuumka.
Waxa uu si farshaxannimo ku dheehantahay inoo tusayaa sida ay geeridu u tahay lama gefaan, oo naf waliba ay dhadhamin-doonto mar uun. Dhinac, waxa uu ka xusayaa in dalka iyo dadkaba uu ka baxay halyey loo hanweynaa. Waxa uu gabayga ku soo af-meerayaa duco uu Ilaahay uga baryayo marxuumka in uu jannadkii ka waraabiyo. Waxa gabaygani uu soo baxay bilawgii bisha labaad ee sannadkan 2011-ka, intii aan la aasin marxuumka.

Waxa uu yidhi:

Waa lama huraan geeridiyo, hoyga aakhiro e’
Hayeeshee huqbay leedihiyo, hibasho gooniya e’
Hiirtaanyaday kugu dishaa, hadhiyo laylkiiye
Maygaag halyey buu ahaa, loo harraad qabaye
Alaylahe haldoor baa ka baxay, hanadadeeniiye
Hakad baa Rashiidaw ku yimi, horumarkeeniiye
Suuganta hodanka ah murtida, heli ogaanteeda
Hawraar odhaah iyo farshaxan, hoga tusaalaynta
Kalahaadintiisiyo naxwaha, kala hufnaantiisa.

Garashada hugeediyo sarbeeb, hadala raac raaca
Hilaad iyo aqoon iyo waxgarad, hawlkar iyo daacad
Hufnaan iyo mudnaan iyo hab dhaqan, geesi lagu hiisho
Iyo hoga tusaalaha gartiyo, guurti ma huraan ah
Geed hadhaca oo la hadhsadoo, hiifta lagu reebo
Hayin dhaansha oo maatadiyo, beel harraad tire ah
Halka aad ka eegtaba gadhqaad, libinta soo hooya.
Hadday liicdo oo aad dhibiyo, halis ka yaabayso
Ku hagoogashada dhiilladiyo, hoy isugu gaynta
Hal karaanka isu soo hagiyo, nabad heshiisiinta

Halgan run ah hayaan meelmariyo, heegan lagu seexdo
Higsad iyo olole hurinta iyo, haybad lagu guuro
Hami lagu baraarugo markay, hawl waxqabad joogto
Hindisaha tilmaan iyo odoros, himilo joog dheer leh
Hadal deeq leh, isu-soo hilaw, dhiirri hana qaada.
Hogol curatay harahoo biyo leh, waqal hareer joogo
Baaq hodan ah hirar kuu baxoo, lagu hayaamaayo
Kooshinaw hoggaan buu ahaa, heer u joogaba e’

Inkastoo heddiisii gashoo, laga horjoogaynin
Allaylehe halbawlaa badh go’ay, loo hamuun qabaye
Allaw hoyga Aakhiro jannada, hagar la’aan seexi
Inta NEBIGA (SCW) meel la hadhsatee, Cali hareer jiifi.
Eebow halaagiyo dhibtiyo, hoogga ka ilaali
Eebbow adaa hodana oo, deeqda noo hura e’
Eebbow haleelada jannada, hoyga u ballaadhi

….Aamiin……….Aamiin……….Aaamiin

------------------------------------------------
Xigasho: Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.