Fortsätt till huvudinnehåll

Baalasha hore ee bilawga buugga Socdaalkii dheeraa---2007 W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf

HORDHAC

Markay taariikhdu ahayd 27-05-1988 kii waxa ka bilaabmay magaalada Burco dagaal aad u xoogbadnaa. Dagaalkaasi wuxuu dhexmaray ciidankii daacadda u ahaa taliskii Maxamed Siyaad Barre iyo Ciidamadii SNM oo uu xilligaa hoggaamiye u ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo”. Dhawr-maalmood kaddib ayuu dagaalkaasi ka qarxay magaalo-madaxdii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo ahayd Hargeysa 31-05-1988. 






Dagaalkaasi wuxuu socday muddo ku dhow saddex sannadood. Wuxuuna si rasmi ah u burburay maamulkii Maxamed Siyad Barre bishii koowaad ee sannadkii 1991-kii. Muddadaa ku dhoweyd saddexda sannadood waxa ka socday deegaanka ku xeeran Hargeysa iyo Burco, dagaallo faraha lagaga gubtay. Ciidamadii daacadda u ahaa keligii taliye Siyaad Barre waxay gumaadeen dad farabadan oo aan denbi gelin, oo isir ahaan loo laayey.

    Sheekadani waxay salka ku haysaa dagaalkaas iyo dhibaatooyinkii ka dhashay. Sheekadu sida ay u xidhiidhsan tahay umay dhicin, waxayse xanbaarsantahay dhacdooyin dhab ah oo soo maray bulshadii xilligaa ku sugnayd Burco, Berbera, Hargeysa iyo deegaanada ku meersan. Magacyada ku jira sheekada maaha kuwo run ah ee waxa habeeyey qoraaga kana dhigay sheeko xidhiidhsan. Waxay sheekadu ku saabsan-tahay Guuleed oo ah nin dhallinyaro ah oo sebenkaa deggenaa magaalada Berbera iyo xaaladdiisii nololeed, ee saddexdaa sannadood. Buuggan la magac-baxay “Socdaalkii Dheeraa” waa taxane uu hordhac u yahay “Geeddiga koowaad iyo Guuleed”. Buuggani wuxuu kaa siinayaa xaaladdii xilligaa jirtay sawir-guud. Noloshii adkayd ee xeryihii qaxootiga ayaad ka dheehan kartaa. Waxa ku jira dhawr maanso oo uu curiyey qoraagu. Waxa kale oo ku jira maansooyin hore loo tiriyey, kuwaas oo tilmaamo iyo hummaagyo ka bixinaya xaaladdii sebenadaa lagu jirey. Buuggani wuxu salka ku hayaa oo qeexayaa xumaantii iyo cadaadiskii ay adeegsan jireen ciidankii daacadda u ahaa M. S. Barre. Ciidankaa oo dadku u bixiyeen naanays, taasoo ahayd “Faqash”. Markii uu burburay taliskii Maxamed Siyad Barre waxaa bilaabantay xaalad cusub. Ciidankii SNM wuxuu ku jeestay wixii loogu yimi magaalooyin-ka. Taasina waxay keentay isku dhacyo ka dhex dhacay garabyadii SNM. Waxa soo baxay ciidan ku sifoobay boobka iyo dhaca dadka shicibka ah loo geysto. Waxaana loo bixiyey ciidankaas “Dayday”. Markii dhibaatadaasi bilaabantay ayuu Guuleed ka gabyey waxaana ka mid ahaa gabaygiisa.


“Maantiyo gadaal-noqod,
markaan libin ku geeraaray,
Cindigeyga maan-gelin,
inaan dib uga guuraaye,
Garaadkeyga maan gelin,
Geedi-baad geliye,
Mar hadduu caqligii gudhay,
Oon gebi dhaclaynaayo,
Daydaygaa gadoodsani,
Hadduu gooyey nabaddii”.

Guuleed waxa uu aad u saluugay xaaladdii ba’nayd ee ka bilaabantay magaalada Berbera horraantii 1991-kii. Wuxuuna isweydiinayaa sidii uu yeeli lahaa. Waxaana u cuntami weyday inuu ku sii negaado Berbera oo xilligaa noqotay meel ay isugu yimaadeen dadkii reer Hargeysa, Burco iyo agagaarkooda. Guuleed waxa ku adkaaday go’aankii uu qaadanlahaa. Ugu danbayntii wuxuu go’aansaday inuu Geeddi labaad galo.

EREYGA QORAAGA

- Bishii labaad ee sannadkii 1988-kii ayaan ka soo anbabaxay magaalada Muqdisho, oo aan deggenaa ilaa 5 sannadood. Waxa aan u soo kicitimey Magaalada Sheekh. Bishii Mey ee isla sannad-kaa ayuu dagaal ka bilaabmay Burco. Bishii Juun horraanteedii, ayaan dhuumasho kaga baxay Sheekh, markii askartii daacadda u ahayd Maxamed Siyaad Barre ay bilaabeen inay ugaadh-sadaan dadkii shicibka ahaa, ee deggenaa Magaalada Sheekh iyo hareeraheeda. Sidaa awgeed waxaan goob joog u ahaa wixii ka dhacay xilligaa deegaanadii dagaaladu ka qarxeen. Taasi waxay ii fududaysay inaan si xidhiidh ah uga sameeyo sheekadan “Socdaalkii dheeraa.” Bulsho-weynta ku kala nool dacallada adduunku, waxa ay soo mareen, marxalado kala jaadjaad ah. Waxa laga dheehan karaa bulsho kasta sooyaalkeeda, buugaagta qoran ee u kaydsan. Qoranayaasha ama Dhiganayaasha ay ku duugan-yihiin taariikhahaasi, waxa laga faa’iidaystaa qaldaadkii dhacay si aan dib loogu noqon. Waxa la raacaa xeerarka ku salaysan dhaqanka iyo diinta bulshadaasi leedahay. Haddii aanuu jirin xeer iyo xakame lagu kala badbaado. Dadku waxba ma dhaamo xoolaha. Bal aan in yar ka soo garoocdo, Maansadii “Darmaan iyo Dalxiis” ee uu tiriyey Abwaan; Cabdi Aadan Xaad oo ku magac-dheer (Cabdi Qays).

   “Haddaan Diintu qabanayn, Sharci kaa dabbaalayn, Dabar kaa qabtaa jirin, Dadku waa belaayee, In, Dameerka aadmigu, Darajada ka hoos maro, Ama dawladaha qaar, Xayawaanka duurkiyo, Dugaagii ka liitaan, Kumay jirin duruustee, Diiwaanka waayaha, Dib maloogu qorayaa?” 

Waxa aan ku garaadsaday iyadoo laga sheekeeyo gobonimo doonkii, la dagaalankii Isticmaarka, gumaystihii Ingiriiska kii Talyaaniga, Cadawga soomaaliyeed ha dhaco, Axmaaro dabadhuub ha dhacdo iwm. Marnaba ma aan filan in aan dirqi kaga baxsado ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed, anigoon wax denbi ah ka gelin Qaranka Soomaaliyeed. In aan badbaado ugu galo Itoobiya na maankayga maan gelin. Waa se ay dhacday. Dawadeeda waxa laga sugayaa waa inta maanta nool. Wixii dhacay dhace, balse in xalka la raadiyaa waa lagama maarmaan. In la qoro wixii dhacay na waa lagama maarmaan si loo ogaado oo sawir guud looga qaato dhibaatadii soo martay shacbiga. Waxa aad dhugmo u yeelataa, hubkii lagu garaacay magaalooyinka oo ahaa kii loogu talo-galay in shacbiga lagu difaaco, laakiin noqday kii lagu gumaaday Maatida. Buuggani waa uun dul ka xaadsi si guud uga warramaya dhibaatooyinkii dalka ka dhacay (1988-1991).


MAHADNAQ

Marka hore Ilaahaybaa mahad leh. Marka xigta waxa mahad iyo ducoba iga mudan labadayda waalid. Intaa kaddib waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii igu dhiiri gelisay soo saarida buuggan. Waxaanse jecelahay inaan halkan mahad gaar ah uga celiyo. Qoys-kayga reer Sayid-Axmed ahaan oo hawsha buuugu, si guud iyo si gaar ah ba u taabanaysay. Waxa aanuu la’aantii buuggani soo baxeen walaalkay Musatafe M Yuusuf oo igu dhiirri geliyey inaan qoro buuggan iyo kuwo kaleba muddo haatan laga joogo 15 sannadood. Intaa dabadeed waxaan si gaar ah uga mahad-celinayaa xubnaha hoos ku qoran oo siyaabo kala duwan gacan uga geystay intii hawsha buuggu socotey:

- Maxamed Xirsi Guuleed ( Qoraa, Maansoyahan, deggen dalka Sweden, waxa uu gacan iyo taloba iga siiyey dhanka Maansooyinka ku jira buugga.)
- Rashiid Xasan Xaaji Adan (Aqoonyahan, deggen Berbera, waxa uu mar kasta ila garabtaagnaa dhiirrigelin iyo talo iyo tusaale.)
- Xasan Cabdi Madar (Qoraa, Maansoyahan deggen Hargeysa, waxa uu soo akhriyey buugga, talooyin badanna ka bixiyey)
- Siciid Ismaaciil Maxamed (Airline) (Dhakhtar, Qoraa, deggen Sweden, waxa uu soo akhriyey buugga, wuxuu mar kasta ila garabjoogay dhiirrigelin.)
- Yasiin Maxamed Yuusuf (Dhegey) (Aqoonyahan, deggen Hargeysa, waxa uu si gaar ah oo hufan u soo saxay qaldaad badan oo ku jiray daabacaaddii koowaad.)
- Macallin sare, Jama Muuse Jama (Gurey) (Waxa uu gacan weyn ka geystay sixitaanka higgaada.)
- Jaamac Gaabuush Cigaal (Aqoonyahan, ku xeeldheer arrimaha bulshada ahna siyaasi jecel horumarka dalka iyo dadkaba) waxa uu iga caawiyey dhacdooyin ka dhacay Berbera oo uu si faahfaahsan iigu soo gudbiyey, wuxuu goobjoog u ahaa dhibaatadii ka dhacday Berbera 1988kii.
- Mustafe Aadan Nuur. (Qoraa, Aqoonyahan ku xeeldheer Afsoomaaliga(Farsoomaaliga) iyo sooyaalkii uu soo maray, Sawirrada buugga ku jira intooda badan isaga ayaa igu caawiyey.)
- Cabdi Ibraahin Axmed (Cabdi-Keyd) Macallin, aqoonyahan, deggen Hargeysa. Waxa uu ka talo-bixiyey muuqaalka jeldiga buugga, waxa kale oo uu gacan ka gaystay quraarka buugga.
- Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan, (Macallin, Qoraa, buugaag badan qoray, waxa uu talo iyo tusaaleba ka geystay daabacaadda buugga)
- Khaalid Jaamac Qodax (Dhaqaalayan, qoraa, deggen Hargeysa. Waxa uu soo akhriyey buugga, soona saxay, waxa kale oo uu faallo qiimo leh ka bixiyey daabacaaddii 1-aad ee buugga)
- Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dhaqaalayahan, deggan Hargeysa, waxa uu si guud iigu dhiirrigeliyey qoritaanka buugaagta)
- Dr. Aadan Cabdilaahi Ismaaciil “Beergeel” (Dhakhtar, deggan dalka Kanada, waxa uu iga oggolaaday in aan buugga dhammaad-kiisa ku soo daabaco qoraal ku saabsan dagaalkii 1988 iyo dhacdo uu goobjoog u ahaa oo ka dhacday magaalada Sheekh 10-11/1984)

Guluf

Maansada Guluf waxay xambaarsan-tahay ama sawir ka bixinaysaa dagaalkii dalka ka qarxay 1988-kii. Wuxuuna Guuleed u warramayaa saaxiibkii Geeddi, oo uu sharraxaad ka siinayo sida uu dagaalku saamayn ugu yeeshay noloshiisa, ee ay uga baro-kaceen hoygoodii iyo hantidoodiiba.
Wuxuuna yidhi:

Waa Guluf colaadeed
Goonyaha gariir-baa
Ka-baxaaya galabtii
Waagii guduutana
Geeri-baa la sheegaa.
Guri lagu hagaagiyo
Hoy la-soo gabboodsado
Gama’iyo sariir-iyo
Furaash lagu gandiidsado
Gogoshii dhammanteed.
Waa laga galbadayoo
Geliyada dhexdoodiyo
Buurta Golis dusheediyo
Gawaanbaa la tuban-yahay.
Carruur aan garaadkood
Garanaynin waxa dhacay
Gaari! timaha loo dabo
Wiil geesi-yoo jecel
Geyigiisa Maandeeq
Gebi-ahaan dadkeenii
Buuraha guntoodiyo
Gebiyada dushooday

Gabadano la jiifaan.
Anna Geedi-yoow! hee,
Goobtaan ku ababiyo
Gurigaan ku soo koray
Habeen-baan kasoo guday.
Anoo guura-bahallayn
Hadba geed ka-baqayaan
Soo gaadhay golihii
Dadku soo gabbood-saday.
Gacankii Berbera-ee
Dadku gaanbin jiray WAA!!
Garoon weeye madhan-oo
Maanta waa gabaahiir!.
Gulufkiyo colaaddana
Ragga soo gelbinayaa
Cadaw soo gurguurtiyo
Maaha gaalo-waranleey.
Geeshkii dal-keenee
Loo guray difaacaa,
Gumaadaaya ubadkoo
gawracaaya dumarkii.
Balse aan gunaanado
Maansada gufaacalay
Iyo Guluf gunteedii
Xilli baa is-gurayaoo
Taariikh-daan gudhayn baa
Gu’yaal danbe ka sheekeyn.

MAANSO: GUUL

- Geeddi oo ka jawaabaya maansadii Guluf wuxu yidhi:

Gartay dulucda maansada
Jiiftada gunteedana
Fahmay oo garwaaqsaday
Geeska bari ilaa Guban
Buuraha gudboonee
Golis loogu yeedhi-yo
Hawdka geelu daaqee!
Guunyadu ku dhaqantahay
Hoy-giyo gabboodkii
Guryihii magaalada
Mar haddii Abees! galay
Gun-gumena, dhex-jiifsaday
In laguuro weeyoo
Toban geeddi laga qaxo
Dadku inuu gabbood kale
Nafta ula gurguurtaan
Guuleed! Garweeyee
Ma go’aan kalaa jira?
Afartaa guntaye’ hee!
Maan garaadka maaloo
Galka seefta kala baxo
Maxaan uga gabbanayaa.

Talo laguma guuraan
Ninka soo go’aanshee
Guubaabo beeleed
Geeshkii ku kala guray
Dagaalkana ku soo galay
Xamar-buu gafuur cadho
Qoomamiyo guhaad ciil
Rifayaa! gadhkiisee!
Waxaan uga gol-leeyahay
Gulufkaa colaadeed,
Dabaabaad gurguurtiyo
Gantaalaha riddada dheer
Godankii Hargeysi-yo
Burco goonyaheediyo
Marso Gabiyadeedii
Ilaa guudka Daalood
Duqu! wuxuu go’aansaday
Dadka inuu gumaadoo
Guunyada ka-dhigo eber!
Jiiftadaadii Guuleed!
Aan gunaanadee’ Maqal
Jawaab gaaban iga gunud
Guul-baa danbaysoo
Gu’ga xiga barwaaqaa
Lagu guuri nabaddee
Iga gunud xasuustaa
Guulle mahaddii weeyee!
Ku gunaanad aamiin.



Magaalada Berbera waa magaalo taariikh fog ku leh Geeska Afrika. Xilli aad u fog, waxa loo yaqaannay, magacyo kala du-duwan sida Malawo. Balse magaca Saaxil baa ahaa magac ay dad badani u yaqaanneen. Magaca Berbera, halka uu ka soo jeedo, hubaal lama hayo, balse waxa jira aragtiyo kala geddisan oo lagu sharxo in magacaasi ka soo jeedo. Waa magaaladii lagu soo weeraray basaaskii Ingiriiska ahaa ee la odhan jiray Richard Burton. Ninkaas oo magaciisa ka beensheegay, dadkana u sheegtay in uu yahay nin carab ah magaciisuna yahay Sheekh Cabdalla 1855-kii.

MAGAALADA

BERBERA
KA BIXISTII BERBERA
“Soo geliddii Burco, xadhiggii Guuleed, bandoodii la saaray Berbera, cadaadiskii shacbiga”

”Dhibkani maaha mid aan u adkaysan karo, goob-tan joogisteedu waa nacas-nimo, waa fulaynimo, waa inaan ka tashadaa ku-sii noolaan-shaha meeshan dar-xumadu taalo, maaha meel nin xoog-lihi ku noolaado!.” Arrimahaasi waxay maskaxdiisa, sida mawjadaha badda is-laba rogayeen Guuleed. Inkastoo uu Guuleed dhawr jeer oo hore go’aan ka gaadhay joogista xerada qaxootiga, balse kamuu dhabayn go’aankiisaa ee waxa mar-kasta horyaalley arrimo kale oo uu rabay inuu xal u helo. Guuleed wuxuu hor-fadhiyaa buul-ka hortiisa, waana xilli danbe oo aanuu jirin qof bannaan-ka maraya, qof-qof ku soo raagay qayilaad mooyee, Guuleed laftigiisu xalay qaadka waxa uu ka soo kacay goor danbe oo waxa wareerka iyo talada is-maandhaafsan ugu wacani waa qaadkii badnaa ee uu maalintaa cunay. Waxa intaa u sii dheer sigaar uu xabad-ba xabbad kale ka daba shidayey. 

     Guuleed isaga oo halkiisii fadhiya oo weli fikirkii iyo walaacii maskaxdiisa is-dhex-yaacayso ayuu maq-lay cod-dheer oo leh: “Waaryaahe! Guuleed maxaad ii dhegaysanaysaa?” Guuleed inta uu naxay oo kor u booday ayuu yidhi: Waa! ayo, Waa! maxay?, waxyar kadib ayuu sidii qof hurdo ka soo kacay yidhi: “oo ma adigiibaa, Hibo! maxaad iiga nixisay?. Hibo waa Guuleed xaaskiisa, waxay guri lahaayeen dhawr bilood oo qudha, waxay ku aqal galeen goobtan uu Guuleed ka walaac-sanyahay. Sababta ugu weyn ee Guuleed ku negaadisay goobtan, waxa kow ka ah Hibo oo uu aad u jecelyahay, inuu cidla iyo qaxooti dhib badan kaga tago way la noqonwey-day, balse waxa mar-kasta hor-timaada dagaal-ka socda iyo hal-ka uu joogo. Guuleed wuxuu habeenkasta ka fikiraa, noloshiisa, nolosha qoys-kiisa, iyo guud ahaanba

nolosha dadkiisa iyo dalkiisa. Nasiib darro marka waagu beryo, dareenkaasi wuu baaba’aa oo waxa bedela raadinta nolol-maalmeedka naftiisa iyo xaaskiisa iyo weliba ehel kale oo ku xidhiidh-san. Waxa intaa sii raaca raadinta sunta cagaaran ee loo yaqaan qaadka, kaasoo maalinta badhkeeda danbe oo dhan ilaa habeenkii haw-shiisa lagu jiro, balse habeenkan habeennada ka tilmaaman waxaad moodaa inuu Guuleed go’aan kama danbays ah gaadhay.

    Muddo saddex sannadood ku dhow Guuleed wuxuu korodh-saday waayo-aragnimo badan, wuxuu soo arkay dulmi iyo dhac, wuxuu la soo kulmay xadhig iyo caga-jugleyn, wuxuu soo arkay dad isku-midab ah, isku diin ah, isku af ah, is-ku deegaan ah oo is-dilaya. Guuleed wuxuu xasuustay maalintii uu dagaalku ka bilaabmay magaalada Burco 27-05-1988 maalintii jimcaha, wuxuu xasuustay xaaladii bulshadu ku jirtay magaalada Berbera. Magaaladaas oo ah magaaladii uu ku dhashay ee uu ku koray, ee uu waxbarashada dugsiga qur’aanka ka bilaabay ilaa dugsiga sare uu ku dhammays-tay. Guuleed waxa aanuu marnaba iloobayn, maalintii uu ka soo baxay Berbera iyo kulaylkii maalintaa jirey. Guuleed wuxuu xasuustay waanadii ay hooyadii ku waanin jirtay dalkiisa iyo dadkiisa, canaantii aabihii uu ku canaanan jirey wax-tar la’aanta iyo hurdada oo uu Guuleed ku raagi jirey. Guuleed sida dhallinta kale ee ay saaxib-ka yihiin wuxuu hurdada ka kici jiray ugu horreyn sagaalka subaxnimo, mar-marka qaarna ilaa 12:00 duhurnimo ayuu ku gaadhi jirey. Guuleed maalin kasta waxa hortimaada markii loo sheegey dagaalkii ka qarxay Burco, maalintaa sidii caadiga ahayd waxa uu hurdada ka soo kacay 9:00 subaxnimo, markii uu kacayba waxay wejiga is-ku dhufteen aabihii oo uu ka muuqday daal, aad-na u dhididsanaa. “Aabo, ma sidan-baad wax ku qabsan doontaa oo aad reer ku dhisan doontaa oo aad ku shaqaysan-doontaa? 

Xilligaas ayaan ka imi dekedii oo aan saaka ku kallahay, adiguna xilligaa ayaad hurdo ka soo kacday!”. Guuleed canaantaa kamuu jawaabin ee wuxuu weydiiyey aabihii, in loo soo saaray alaab ka-taallay dekedda muddo labo bilood ah, wuxuuna aabihii ugu jawaabay: “Aabo, MAYA! maantana waabay ka sii xumayd habkii bahalnimada ahayd ee ay ku dhaqmi jireen askarta kadinka ilaalisa, oo warar ayaa la sheeg-sheegayay iyo dagaalo hawdka ka dhacay!” Guuleed intuu u dhaqaaqay dhinaca musqusha ayuu yidhi, “ Ma dagaal cusub baa, horeba dagaal wuu uga socday hawdka iyo xadkaba”. Wax-yar kadib Guuleed wuxuu u baxay magaalada, intii uu dhexda sii socday ayuu kula kulmay saaxiibkii Liibaan oo ka yimi dhinaca magaalada.

    Liibaan wuxuu u sheegay in dagaal weyni ka dhacay Burco oo ciidamadii SNM-tu ay gacanta ku dhigeen dhammaanba magaaladii. Guuleed intuu qoslay ayuu ugu jawaabay, waar! taasi waateenniiye sheeko kale keen, toban sannaddood ku dhowaad ayaynu maqlaynay SNM ayaa soo gashay. Liibaan intuu qaadan kari waayay jawaabta saaxiibkii, ayuu yidhi, waar! sidii hore maaha oo warkani waa xaqiiq oo waxa laga helay isgaadhsiinta ciidamada. Guuleed oo weli ka dhega adaygaya warka Liibaan u sheegay ayuu hadana ku celiyey “Liibaanoow imisa jeer ayaad maqashay SNM ayaa soo gashay, SNM ayaa soo gelaysa, iyo wax la-mida, haddii ay soo galeenna, sidoodii ayey ka baxayaan. Taasina dadka ayay u xuntahay oo iminka ayaa laqab-qaban doonaa dad aan wax ba galabsan.” Liibaan isagoo aan jeclaysan jawaabaha Guuleed ka soo yeedhayey, kuna rajo-weynaa in warkani dhabyahay, oo dagaalka Burco ka bilaabmay uu ka duwanyahay dagaaladii hore ayuu ku yidhi Guuleed, iminkaad ku socotaa magaalada ee yaan adiga lagu qaban. Markii uu magaalada gaadhey Guuleed, wuxuu la kulmay xaalad cusub iyo dareen kacsan. Magaalada oo aad u kululayd, ayaa waxa ku sii siyaadey kulayl dheeraada, baabuurta ciidamada ayaa ku socdey xawli dheer, askartii tal-tallaabsan-jirtey magaalada dhexdeeda ayaa u muuqdey kuwo naxsan oo indhaha taagtaagaya. Waxyar kadib Guuleed wuxuu fadhiistay makhaayad ay ku kulmi jireen saaxiibadii halkaasoo ay fadhiyi jireen saacado badan, oo shaah badan lagu cabbi jirey iyo cabitaanka kaleba. Nasiib wanaag Makhaayada waxa fadhiyey, Sahal iyo Diiriye oo ka mid ahaa saaxiibada ay aadka isugu dhowyihiin Guuleed. Salaan iyo kaftan lays-ku tuurtuuray kadib, waxa loo gonda degey magaalo iyo warkeeda. Guuleed ayaa bilaabay oo weydiiyey saaxiibadii, in wax-ka jiraan dagaalka la-sheegayo ee Burco ka dhacay. Sahal ayaa, intuu hareeraha eegey oo kolba dhan jalleecay yidhi: “Waar! Guuleed ma sidiibaad u huruddaa? oo ma aad maqal, in saaka arooryadii hore laga dul-hillaacay magaaladii Burco!, wax-kale kuma garatide waa lagu quraacday rag badan oo is-qaadqaadi jirey!”.

   Guuleed markan wuxuu xaqiiqsadey in dagaal jiro, kaasoo ka geddisan dagaaladii hore. Diiriye ayaa hadalkii qaatey oo yidhi: “dagaalku maaha Burco oo keliya ee ilaa Hargeysa wuu xidhiidhsan yahay, oo tan ayaa la innoogu soo gelayaa!”. Iyaga oo hadalkii haya, ayaa waddo aan ka fogayn Makhaayaddii ay fadhiyeen, waxaa soo maray gaadhi weyn oo ahaa kuwii ciidamada ee loo yaqaaney “Maqaadiirta”. Gaadhigaa waxa saarnaa ciidamo farabadan, wuxuuna ku socdey xawli aan la qiyaasi karin, waxa gaadhiga daba socdey gaadhi yar oo qori dhuun weyni uu saaran-yahay. Saddex-doodiiba mar-qudha ayey wada jalleeceen, kadibna iyagaa is-eegay, saddexdooda midkoodna ma uu garaneyn qoriga dhuunta weyn ee gaadhiga yar saar-naa, balse waxay garaw-sadeen in qorigaa iyo ciidanka Maqaadiirta saaran-ba ay dagaalka Burco u socdaan. Guuleed iyo saaxiibadii ba waxay ka kaceen Makhaayaddii dhawr saacaddood kadib, iyagoo u kala kicitimey guryahoodii. Maalintaa

Guuleed waxay u ahayd werwer iyo farxad labadaba, wuxuu aad uga werwer-sanaa hooyadii oo maalintii khamiis-tii Burco gaadhey, si ay u soo booqato walaalkeed oo Burco degenaa, muddo bil ahna xanuusanayey. Guuleed markuu guriga ku soo laabtayba wuxuu waraystay in wax-war ah laga hayo Burco iyo dagaalkii saaka bilawday, balse nasiib darro wax wara oo laga hayey Burco ma jirin, xataa lama odhan karayn dagaalbaa ka dhacay Burco iyo meel kale toona, waa in aan la soo hadalqaadin dagaalka Burco ka socda, qofkii lagu maqlo waxaa loo qaadanayaa inuu yahay qaran-dumis, go’aamada noocaas ah dadka reer Berbera way ka dhereg-sanaayeen oo hoos-hoos ayaa laysu waraysan-jirey.

- Gelinkii danbe ayaa loo diyaar garoobay BBC-da si warka looga dhegeysto dagaalkii Burco ka dhacay, waxaad qiyaastaa warka laga sugayo BBC London iyo inta ay isu jiraan Burco iyo Berbera. Meeday dawladdii dalkani, meeye hay’adihii adeegga Bulshada, meeye ciidankii xoogga dalku, meeye Ciidankii nabadsugidu, xagey ka dhaceen ciidankii Boolisku, intaasiba iyo qaar kaloo badan, uma adeegaan bulshada ee way ka adeegaan oo waxay u adeegaan kooxyar oo uu u taliyo Maxamed Siyad Barre oo ku magaacaban madaxweynaha dalkan sii ciirciiraya. Sidaa daraadeed ayaa dan la mooday in la dhegeysto idaacadda ku taalla London, markii ay soo gashay BBC-du waxay ku bilawday dagaalka Burco iyo sida wax u dhaceen waxayse sheegtay inaanay fududayn sida loo heli karo war sugan, balse nasiib darro idaacaddii Muqdisho iyo tii Hargeysa toonna may soo hadalqaadin dagaal-kii Burco. Guuleed oo ka mid ahaa dadkii dhegey-sanayey ayaa intuu is-taagey yidhi: “sidani ma-nololbaa, ma-soo hadalqaadi karno dagaalka Burco ka socda, ma-waraysan karno, maxaa dhintey, maxaase nool? sidani maaha si la-sii eegan karo, maaha dadnimo”, “Geeriduba marbay nolosha dhaantaa”.

Halkaa markuu hadalka marinayo ayaa nin kamid ahaa dadkii BBC-da dhegeysanayey, hadalka Guuleed-na maqlayey yidhi: “Iska daa calaacalka oo nin-baad tahaye ficil samee”. Guuleed umuu jawaabin ee wuu dhaqaaqey, isagoo ay ka muuqato cadho iyo ciil. Dagaaladii way sii ballaadheen, Hargeysa ayuu ka bilaabmay 31-05-1988 iyo meelo kale oo ay ka mid ahayd degmada Cadaadley oo uu ku yaalley saldhiga difaaca Hargeysa iyo Burcoba. Waxa Berbera markiiba ka bilaabmay dil iyo xadhig loo geysanayey dadka rayadka ah een wax-ba galabsan, waxa la bilaabay in la ugaadhsado dadkii deegaanka u ahaa Berbera iyo aageeda, waxa laga soo qabqabtay tuulooyinka ku hareereysan magaalada dad reermiyi ah oo aan wax socdaba ogeyn oo xoolahooda iyo haw-shooda gaarka ah aan ka badin karin, waxa la-qabqabtay odayaashii magaalada, waxa lakala soocay ciidamadii qaranka ee magaalada joogay, kuwaasoo laga saaray ciidamadii ka soo jeeday deegaanka Berbera, Burco, Hargeysa, Ceerigaabo iyo inta u dhexaysa. Dadkii la soo qab-qabtay waxa laga dhigay saddex qaybood, qayb Xamar loo dhoofiyey, qayb lagu xareeyey jeelasha buuxsamey ee Berbera ku yaalla iyo qayb dhegta dhiigga loo daray. Waxaasoo dhibaato ah ee, dil, dhac, kufsi, xadhig ee dalka ka socdey maalinkeliya maamul-kii Muqdisho ma soo hadalqaadin, maalin keliya kama waramin waxa dhacay, taasi waxay keentay in dad badan oo markii hore aan jeclayn inay ku biiraan ciidamada SNM, ay dantu ku qasabtay, markay waayeen wax u garaaba, markay waayeen cid u naxda, markii lagu qaaday xukunka “Waraabaha”, kaasoo odhanaya, haddii waraabe neef kaa cuno waraaboo dhan waa kuu cadaw. Guuleed oo ka mid ahaa dadka ka caga jiidi jirey arrimaha SNM, una arkayey in aanay xal ahayn ayaa garawsaday inaan xal-kaleba jirin, aan ka-ahayn dagaal foodda lays daro iyo “kii roonoow reerka u hadh”. Dad badan oo ka war-sugayey dagaalka Hargeysa oo filayey in qabsashada Hargeysa ay ku kala caddaan doonto, hadalka ka soo yeedha Radio Hargeysa, ayaa nasiib darro ay ku noqotey, markii dhawaaq laga waayey, Idaacaddii Hargeysa, balse dagaalka Hargeysa ka bilaabmey wuxuu noqday mid maamulkii Muqdisho uu qarin kari waayey Warkii oo kooban:

“War maanta naga soo gaadhey magaalada Hargeysa ayaa sheegaya inay magaalada soo galeen koox Budhcad ah oo u adeegaya cadawga soomaaliyeed ee Itoobiya, isla-markaana madaafiic labeegsaday xarun-tii Radio Hargeysa kuwaas oo dhaawac gaadhsiiyey, war-baahintii Idacadda, balse kooxdaa budhacdda ah waxa gacan bir ah ku qabtay ciidamada xoogga dalka ee sooma-jeestayaasha ah”

Hadal-kaasi waxa uu ka mid ahaa warar-kii laga sii daayey idaacaddii Muqdisho, BEEN WEYNAA, Waxay noqotay in warka Idaacadda Muqdisho ka baxaa uu noqdo mid lagu qoslo oo u eg riyo iyo mala-awaal. Guuleed wuxuu go’aansaday inuu magaalada ka baxo, balse su’aashu waxay ahayd habkee? halkee? xilligee?, taasoo aan ka fursanaynin inuu cid-kale uu la-tashado. Dadka magaaladu way-kala baqanayeen oo qof-ba qofka kale ayuu is-lahaa oo billee uu ku sheegaa, balse qof-kasta waxa jirey qof uu hadalkiisa ku aamini karayey, gaar ahaan ehelka.

Guuleed goor casar ah ayuu u dhaadhacay magaalada, si uu ula kulmo saaxibadii, sidii caadiga ahayd, wuxuu fadhiistay, makhaayaddii fadhiga wanaag-sanayd , ee kuraas-soomaaliga lahayd, kuraastaa oo ah kuwa laga sameeyo caddiir-ka. Nasiib darro qof uu garanayo ma fadhiyin makhaayadda, wuxuuse fadhiistey kuraas-soomaaligii mid ka mida, wuxuuna dalbadey koob shaaha, kulayl-kaa, kulayl lagu jebiyaa,waa sida reer Berbera yidhaah-daanne.

“Waan hubaa oo Diiriye ayaa garanaya halka laga baxayo iyo wadada la marayo, kollayba la waayi maayo cid baxaysa, oo ma sidan ayaa lagu jiri karayaa, waa si aan xooluhuna ku noolayne, ha hadlin oo ha juuqin, oo waxba ha-dareemin, wax-ba yaaney kuu urin, ma taasaa la sii eegan karaa!!” Guuleed oo weli fadhiya makhaayaddii, maskaxdiisana ay ka guuxayso hadaladaa iyo sidii uu Berbera uga bixi lahaa, ayaa ku war-helay askari qori sita oo kor taagan, “Waraa!, xunyow xunku dhalay, maxaad ka qabanaysaa makhaayadda? Qurmisyaw qurmisku dhalay!” Guuleed naxdintii ayaa hadal-ba ka soo bixi waayey, sidii oo askarigu daalacanayey wixii uu ka fikirayey, balse si hal-haleel ah ayuu dib u weydiiyey askarigii, oo yidhi: “makhaayadda miyaan la fadhiisan karin?. Halkii uu jawaab ka sugayey, ayay jawaabtii noqotay “waar! soo kac, in la fariisan karo iyo in-kale annagaa ku tusayna, waraa! libaax sanka taabte, gaariga soo dhaqaaji”. Guuleed waxa la saaray gaadhigii, waxaana loo dhaqaajiyey dhinaca kontorool-ka magaalada, halkaa oo lagu xidhay qol yar oo ay ku jireen ilaa 50 nin oo magaalada laga soo qab-qabtay.

     Guuleed waxa uu u qaadan waayay sida yar ee loo soo qabtay, isaga oo ka xun qabashada la soo qabtay iyo sidii uu u go’aansaday inuu magaalada ka baxo. Ragga qolka yar ku xidh-naa waxay ahaayeen dadkii deegaanka Berbera, waa dadkii shacbiga ahaa oo aan wax-ba geysan, waxayse la hayb yihiin, beesha ay u bad-naayeen ciidankii SNM-tu, denbiga keliya ee loo hayey, wuxuu ahaa kaa. Waxyar markii uu ku jirey Guuleed qolkii yaraa, ayuu arkay Sahal oo gidaar-ka ku tiirsan, oo daal iyo dar-xumo ka muuqato. -waar! Sahal goormaa lagu soo xidhay? “taasi is-weydiin malaha’e, ee adigana ma lagu keenay. “makhaayaddii anigoo fadhiya oo adiga iyo asxaabtii kale ku sugaya ayaa lay qabtay, sidii lay-soo wadayna halkan ayaa lay-keenay. Goor fiid ah ayaa loo yeedhay Guuleed, waxaana u yeedhay askari ka mid ahaa askartii ilaalinaysay. Guuleed bannaanka ayuu ugu baxay askarigii, wuxuuna askarigii u sheegay in aabihii ku sugayo meel aan ka durugsanayn, meesha Guuleed ku xidhnaa, wuxuuna Guuleed raacay aabihii. Intii ay dhexda ku sii jireen ayuu Guuleed weydiiyey aabihii


---------------------------------------------------------
Xigasho buugga 
Socdaalkii dheeraa 2007
Sayid-Axmed M Yuusuf

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.