Fortsätt till huvudinnehåll

Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii (Foosiya Axmed Maxamed (Hormood) 21/11/2010/.......Hargeysa/Somaliland)

  Dagaalkii 1988kii maalintii uu bilaabmay waxa aan joogay Burco. Dagaalku waxa uu dhacay maalintii jimcaha ee bishu ahayd 27kii MEY—aniguna waxa aan ka imi Xamar 15 MEY. Intii aanaan Xamar ka iman waxa halkaa lagu hayey, sheekadii heshiiskii dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle Maryam, oo hadalhayntu u bad- nayd—“ SNM waa ay u dhammaatay, mar haddii Itoobiya ay soo saarayso ciidankii SNM wax u yaallaa ma jiraan Itoobiya, dad badan oo markaa Xamar deggenaa ayaa u arkayey in dhibaatadii SNM ay halkaa ku dhammaanayso.


      Markii aan Burco imi waxa aan u imi, xaalad taa ka duwan, iyo saansaan dagaal, hadalhayntuna waxa ay u badnayd: “SNM tii way soo gelaysaa, berrito, maya todobaadka danbe iwm” Xataa Hadyadihii aan u siday Ehelkay, qaraabaday iyo asxaabtaydaba, maba ay calfan, oo dagaalkii baa bilaabmay. Hooyaday, Saaqa Cilmi Warsame, Ilaahay ha u naxariistee, waxa ay mar- kasta igu lahayd, raggii halgamayey, way soo gelayaan. Xataa habeenkaa oo aan is idhi liq kiniinkii hurdada, waa ay iga diiddey, oo tidhi ha liqin waa la soo gelayaa oo da- gaalbaa dhacaya’e. Waxa aan sitey wiil yar oo afar bilood jirey. Subaxnimadii, ayey soo galeen jabhaddii iyagoo ku dhowaaqaya ALLAAHU AKBAR; ALLAAHU AKBAR.

Waxyaabaha aan isweydiiyo waxaa ka mid  ahayd, wadada ay ka soo galeen xagayaga gurigayaga,  waxay ahayd wadada hawdka xaafadayada oo la odhan jirey Oktoobar ilaa laga gaadho wadada hawdka oo istab laheyd wax sidaa u badan kuma qaadan iney soo gudbaan oo cagtey mariyeen wax yar ka dib ayey na soo  galeen iyagoo maryo cas cas oo leh alaahu akbar waxyar ka dib waxa nagu maqaalo ah xeradii gaaskey galeen Cadceed- baa la diley hebelna waa  la diley. ---Ooda lul iyo qax dhimasho, waxaa markiiba dhima- tey islaan aanu jaar ahayn, aniguna sabtidii ayaan ka baxay Burco oo uga baxey dhinaca degmada BEER, oo Burco u jirta ilaa 15 KM. Waxa aan meeshaa kaga tegey dhammaan reerkayagii, anigoo cagacad oo aan sahay sidan baan halkaa gaadhay.

Waxa aan ahaa Xamraawiyad muddo Xamar deggenayd oo markii aan socon kariwaayey ayaa qolo jaarkayaga ahayd oo watay Dameer buudhi ku xidhanyahay baa la isaaray. Waxa aanu tagnay deegaankii Beer oo lagaba sii qaxay oo aan cidiba joogin. Waxa aanu ugu tagnay ciidankii Faqashta oo u dhaqaaqay bililiqo, oo qaar aroos ku jiraan oo hablihii xoog ku guursaday, oo dadkii shicibka ahaa aan cidi ka joogin.

        Waxa aanu la kulannay nin geel waday oo ay askartii dawladdu dileen, geeliina ay kaxaysteen. Ninkii oo aan weli dhiman baanu dultagnay, haddana waanu ka yaacnay baqe aawadeed. Markii dagaalku ka dha- cay Hargeysa waxa aan joogay Beer. Wax war ah oo aanu hayney ma jirin aan ka ahayn gariirka madaafiicda Burco ka dhacaysay iyo dayuurado kolba dhan u heehaabayey. Naxdin iyo saamayn uu igu yeeshay, erayo kooban kuma soo koobi karo, waayo hooyaday, carruurtaydii aan dhalay, ayeyday, qofna dagaalkaa kama badbaadin ee way ku dhinteen, ilaa maantana waa ay ii soo socdaan oo sidii aan u sugayey ayaa ii muuqata. Ilaahay dham- maantood ha naxariisto. Saamayn intaasaan kaga gudbayaa, oo waxba kama odhan karo.

 -Foosiya oo sii faahfaahinaysa xaaladdii ay kala kulantay deegaanka Beer:

 Beer waxaan sii joogey 20 beri, meel ka fog Beer oo ah halka daadka Beereed ku dhammaado ama ku balaadho oo la yidhaahdo ”Dooxada Sare”” ayaa waxa noogu yimi nin askari ah oo ah oo qabey gabadh aanu habarwadaag nahey, markaas buu nayidhi reerkeyga waan kaxeysanayaa ee yaa i raacaya ( isagu kama cabsi qabin in la dilo ama la dhibaateeyo, waayo muu ahayn beelihii sida gaarka ah loo xasuuqayey). Sidaas baan ku soo raacey waxaanu nimi buundada beereed oo ahayd istab (Konta- rool) ay deganaayeen ciidankii dawladdu, oo dadkii soo qaxay ku baadhanayeen,  kuna haysteen hablo bililiqo ah, waxyaabaa aan ku xasuusto waxa ka mida, wiilkii lagu di- ley beerta hoose ee geela la joogey ee aanu ka yaacnay ee askartu dishey ayaanu u nimi iyagoo geelii ay ka soo kaxeysteen maydkiisa dushiisa ee uu galabtii la joogey qalanaya---- waxay naga siiyeen muqmad xaaraan ah runtii waa cadkii iigu ho- reeyey ee xaraan ah ee aan cuno waxaan ka qaadey calool xanuun iyo Axal dhiig igu reebey riiq, iyaga kamaba qasneyne waxaasey booshaaqayeen weliba ku ji- reen aroosyo hablo ay qasbeen, oo caalwaayoo qax ahaa,  oo ay yidhaahdeen waa- nu idin guursaney oo ay meesha ku haysteen taandhooyin iyagoo hadana baqaya.  Hadaan u soo noqdo hooyo iyo carruurtaydii. 

       Waxa iigu danbaysay maalintii aan Burco ka soo baxay. Waxa ay dhinteen dabayaaqadii dagaalku u kululaa oo xafadayada oo ahayd oktoobara la haleeliwaayey in dadka la aaso waayo waxaa ku soo hoobanayey madaafiic aan kala go,laheyn. Haddaan ku soo noqon lahaana waxaa go,doontey magaalada oo lama geli karaheyn. Anigu waxaan iska raacey reerkii oo xamar ku Aadanaa markaan sidaa u tagney wax yar ka dib isla ninkii oo soo noqday baa  noo sheegey geerida reerka alla ha u naxariistee waxyaaba aan xasuusto waxa ka mid ahaa dadka waayeelka oo laga cararey iyagoo qaylinaya oo leh ha iga tegina ---hooyada ilmaheedii geed dhigtey ee is tidhi wax u doon ee geedkiiba garanweydey ee beri danbe haad ka kacey meeshii sida afar caruura oo hooyo sidaa ku dhacdey.

     Dadka kala lumay, waxaan ku qiyaasi lahaa maalintaa iyo waqtigaa in uu dhacey ”haaf qiyaame” waayo waxa dhacdey wiil iyo aabihii oo kala cararey, hooyo iyo ilmaheedii oo kala cararey, dad isjecel oo iswaayey waxaan xasuustaa ilmahaygii oo ooyaya oo aan ka tegey iyo hooyadey oo aanu nolol isku macalsalaameyney, oo i tidhi hadalkii isugu kaayo danbeeyey: ”hooyo hadaan kaa horeeyo nabadey ana hadaan kaa hor maro nabadey, runtii Sayidow!! walaal waxaa keyboodhkii qooyey oohintii aan dib u qaatey xasuus amaana ala gacalkey oo waan ooyayaa runtii waxaan tegey sanadkii 29/5/1988 maalin isniin ah maalintaas oo ay iigu danbeysey dadkaan u jeclaa oo ahayd hooyadey iyo waxaan dhaley iyo wixii ila dhashey qaar, xataa ayeyo, ilaa deris, waa maalin aanan jecleyn inaan xasuusto oo aan gaajo iyo haraad iyo gacal iyo ehel la,aan ku dhacey wixii waxaa geystey ilaahey haka abaal mariyo, Insha Allaah iyagana (Intii xaqdarrada ku dhimatay) illaahey janadii ha geeyo, anna samir iyo iimaan insha allaah.

 Foosiya Axmed Maxamed (Hormood)
 21/11/2010/ Hargeysa/Somaliland
----------------------------------------------------------------

Xigasho: Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii (2012)....................Sayid-Axmed M. Yuusuf

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.