Fortsätt till huvudinnehåll

Buugga Milicsiga dagaalkii 1988- “Waxaan maqley dagaalka 27 may 88kii subaxii jimce.” ........ Siciid Cabdilaahi Xuseen/ UK

FG: qoraalkani, waxa aan ka soo xigtay buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii. Qaybta warbixinta iyo xasuusta dadkii goobjoogga ahaa.
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------


Waxaan maqley dagaalka 27 may 88kii subaxii jimce. Waxaan joogey magaalo la yidhaahdo Cajmaan, dareenka dadkuna aad ayuu u kacsanaa subaxiiba waddanka Imaaraadka oo dhan shucuur aan la qiyaasi karin ayaa mar qudha. wada saaqdey ta- leefanada ayaa aamusi waayey. Waxa aan ku kallahey Makhaayadii warka lagu kala qaadan jirey oo aad moodo subax iideed farxada iyo raynreynta waxa lays weydaars-anayey wararka  dadkuna dadkan imika ee bustaha qoyani saaran yahay ee aan sax iyo qaladka kala garaneyn ma aheyne---waxay ahaayeen dad yu'uuntooda iyo qalbi- gooduba wanaagsan yahay.


    Qofka qaadhaanka ku bakhayla lama salaami jirin oo wa la takoori jirey dadkuna yar iyo weyn waxay diyaar u ahaayeen  ka qeyb qaadashada xoreynta dalka. Habeenkii jimcuhu soo galayey 12kii habeenimo ayaan arkey oday- aashii reer Cujmaan ee hogaanka noo ahaa oo isdaba yaacaya xiligaas oo aanan u ba- ranin odayaal debada jooga markiiba shaki baa igalay waxay odayaashu caawa wa- daan ileyn waa niman og halkuu xaal marayo inkasta oo aaney isgaadhsiintu aad u adkayd warkana diridhaba oo xaaladdeeda isgaadhsiintu iska adkayd,  laga helayey haddana dadku aad ayey u jibbaysnaayeen oo warka loo raadinayey habeen iyo maalin- ba.
    Waxaan xusuustaa maalin maalamaha ka mida ayaan tegey Abudabey annaga oo makhaayad subax hore fadhina ayaa nin aan garanayey, oo Boodh la yidhaahdo ayaa noo yimi wuxuu nagu yidhi: -xaley waxaan ku riyoodey Burco oo SNM qabsatey isaga oo naxsan ayuu ka sheekeeyey riyooyin hore uu ugu riyoodey oo la arkey. Qi- yaastii waxay ahayd bilawgii bishii, May markaan maqley Burcaa la qabsadey waxa mar-keliya memorigayga ku soo maaxay riyadii Boodh iyo sidii uu u naxsanaa. Sida ay nala ahayd waxa la moodayey dagaalka in xadka laga soo bilaabayo oo garba si- man ilaa Caynaba la dhaafinayo aan meela laga boodeyn. Maalintii jimcihii 27 may gelinkii danbe dhulka oo dhan waanu haysaney ilaa Caynaba inkasta oo ay iga degi weyday aniga waayo 2 sano difaacii qaranka ayaan waxoogaa khibrada ka soo he- lay oo wey ii muuqatey hawshani inaan sannado ku dhamaaney. Laakiin dad badan bay ka daadegtay oo maalintaas Jimcaha ahayd waxay noo ahayd farxaddii ugu wey- nay.  Dalka intii badnaydna waanu haysannay -- waa sidii warku nagu soo gaadhaye.

 - Siciid oo ka warramaya dhacdooyin looga sheekeeyey oo aan xasuustiisa ka go'in. 

Sheekooyinka fara ku tiriska ah ee aan in yar ka xusuusanahay  waxa ka mid ah sheeko aan ka maqlay mujaahid Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo aanu horaantii 90kii guri wada deganayn. Wuxuu yidhi: -maalin maalmaha ka mid ah isaga oo Berbera dhex maraya oo gaadhi wata, ayey askartii faqashta joojiyeen waa dhamaadkii bishii Mey/88kii.

   Waxay u kaxaysteen xagii xeradooda wuxuu u sheegay inuu gaadhigu  GD (gaadiidka Dawladda) yahay waxaaney la ahayd inay doonayaan oo keliya cid xerada gaadh-siisa markii ay tegeen xaradii ayaa la yidhi bal yara sug horta waad tegi doon-taaye wuxuu yidhi, xerada abaabul xoog leh ayaa ka socdey, kolba meel ayaa la ii kaxaystaa aniguna  waxan ku fekerayey sidii aan gaadhiga ula baxsan lahaa aakhirkii sarkaal sare ayaa shidhka ii fadhiistey waxaana la ii sheegay inuu hawl qaran ku jiro wixii la yidhaah- dona  uu u hogaansamo. Habeenkii oodhan hawlahooda ayey ku qabsanayeen subax- nimadii ayaa xagii Airportka loola dhaqaaqey wuxuu yidhi keligay ma ahaa baabuurta is weyweydaaranaya ee xooga lagu wato kayguse waaba kii dawlada ee lafahayga ayaa aniga werwer igu haya oo gaadhiga maba ka werwersani—illayn maba lihiye. Markii aanu gaadhney Airportkii (Madaarkii) ayaa waxaa soo degtey dayaaradii oo sida ciidan Xamar laga soo raafey saraakiil wixii magaalada joogey iyo baabuur faro badan oo ciidan iyo kuwa shacabba. Ciidankii cusbaa ayaa la fayliyey oo loo qudba- deeyey waxa ka mid ahaa waxa loo sheegayey inay dalka ka difaacaan shuftada cidii ay shuftadu qabato nolosha ayey ku cunayaan. Janankii u qudbadaynayey markii uu dhammeeyey qudbaddii, ayaa la bilaabey in loo qaybiyo hub cusub oo saxaarado ku jirey.

     Mid ka mida dadkii la soo raafay ayaa damcay inuu su'aal weydiiyo Jananka: -”taliye suaal ayaan qabaa! waa maxay ayaa la yidhi? wuxuu yidhi anigu waxaan ahay shaqaale dawladeed masuuliyadii aan hayeyna maan wareejin bal markaa xaalkayga gaar u eeg. Wuxuu ku jaawaabey yaa kale'e su'aal qaba? Koow iyo toban kale ayaa farta taagey wuxuu yidhi xaggaa u baxa dabadeed askartii ilaaladiisa ahayd ayuu kii ugu dhawaa qoriga ka boobay oo rasaas ku cashariyey oo dhegta dhiigga u daray. Laba iyo taban  nin ilaa uu dhulka wada seexiyey oo dhiigoodii isku darsamey oo ilaa sibidhkii dayaarada hoosteeda uu daad noqdey anfariir ayaa lawada qaadey!!!!!!!. Ciidankii ayaa baabuurtii waaweyneyd ee shicibkeena la saaray anigana sarkaalka cii- dankan dagaal gelinlahaa ayaa shidhka ii fadhiistey ma gaadhibaan kaxayn karayaa qalbigaygaba waxaa sida ”ecco” ugu soo noqnoqonaya waxay indhahaygu arkayeen hadal waa la daayey waxaa loo kolanyeystey xagaa  wadada Hargeysa meel loo socdo ma naqaano fursad aan ku baxsado ayaan mar uun sugayaa. Markaanu abdaal marayno saacaduna 10kii subaxnimo ku dhawdahey ayaa waxaa naga hor yimi sarkaalkii cii- danka Mandheera haystey oo la soo jebiyey hiirtiina lagu waa beriistey wuxuu wataa dhawr gaadhi oo ay ku jirto iska-rogo ay waxoogaa dhaawac ahi saaran yihiin taliyahaa waxaa la odhan jirey Cabbaas, markuu noo waramey sida wax u dhaceen wuxuu soo jeediyey in Berbera lagu wada noqdo gurmad kan ka balaadhana loo baahan yahay oo dib si wanaagsan laysu soo abaabulo waxase ku gacan saydhey oo amardiido sameeyey taliyihii na watey, yidhina qasab Mandheera dib ayaan u qabsanayaa halkii laysku qab- sadey aakhirkii dhankii Mandheera ayaaanu u dhaqaaqney, Cabbaas iyo dhaawicii uu wateyna Abdaal kaga  tagney.

       Markaanu in yar soconey ayaa  gaadhigii aan wadey oo dhawr kale ka horeeyaan, mar qudhaata qarax weyni gilgiley baabuur weyn oo naga ho- reeyey oo ahaa 1924 ileyn baasuuke ayaa lagu dhuftey naxdintii ayuu gaadhigii wadadii rafka aheyd igala boodey geed aan dheerayn ayuu nala korey Ilaahay ayaa na badba- diyey oo cagihii meel isku siman ayuu la helay kantroolka gaadhigu wuu iga lunsanaa wuxuu noola jeestey dhinacaanu ka nimi.  Markiiba xagii beladu ka dhacdey ayaanu wada jaleecnay waxaan arkey dareewalkii gaadhiga  weyn oo sii ordaya dhinaca aydana u jihaystey markii Alleh ka nabad geliyey shakhsi ahaana waan u aqaaney ninkaa nafta la baxsadey. Annaga iyo baabuurtii kale ayaa firka-naxii xagii Abdaal dib ugu yaac- ney waxaanaa-nu ku gaadhney Cabbaas iyo hanbadii uu sii wadey oo aan weli bixin. Taliyihii na watey ayaa sheegay sidey wax u dhaceen kana dalbadey in loo gurmado dhaawacan danbe intayadii kalena xagii Mandheera weerarno. Cabbaas weli halkii hore ayuu ku dhegan yahay waxaana uu aad uga xanaaqsan yaha Gaashaanlahan yaree amar- ka diidaya. Sandaqado yaryar oo makhaayado ah iyo waabab ayaanu hortaagan nahay.

      Cabbaas si wanaagsan ayuu ii garanayaa inaan ina Cawil ahay waxaanuu doonayaa inuu i badbaadiyo wuu ii il jebinayaa sarkaalkii aan u afduubnaa ayaa xagaa dukaan yar oo aanu hor taagan nahay u dhaqaaqey  Cabbaas ayaa igu yidhi orodoo gal sandaqadaa kale intuu si kulul iila Hadley sidii baan yeelay anigoo nafiba iga dhacsan tahay soo noqoy sarkaalkii ileyn wuu dareensanaa nin uu soo jujuubey inuu jaanis raadinayo e cadho ayuu is maray markaasuu kolba meel isku qaadey oo waabihii iyo sandaqadii baadhid iyo goolaaftan ula dhaqaaqey meel yar oo daloosha ayaan ka eegayaa, waxaan is leeya- hay hadduu dhegta ku soo qabanayaa!! oo baastooladda uu la soo baxay ee uu wadhfi- nayo kugu casharinayaa!! Ilahay ayaa iga badbaadshey oo jiho qaldan buu baadhistiisii u dhaqaaqey Cabbaasna iska rogadii uu watey ayuu shidhka galey. Dabadeedna wuu ii gacan haadiyey sidii oo aan dhuumaalaysi ciyaarayo ayaan fudhu ka idhi sandaqadii oo halhaleel ugu holladey xagii iska rogada oo aan ogahay in shidhkeedu buuxo anigu se aan abaal ku qabo dushaa dhaawacu daadsan yahay. Markaan dusheeda u baxeyba sagxadii oo dhaawicii yaalo ayaan jug idhi ileyn jenbigu waa gaaban yahay oo i qarin maayo eh---Cabaasna amrey wadihii gaadhiga inuu xaga Berbera cidhibta ugu dhufto (u dhaqaaqo) ilaa aan ka fogaaneyney naftu weyga maqneyd Ilaah baa se iga badbaadshey.

 Siciid Cabdilaahi Xuseen (Xabashi) UK/Birminghamn
(Isniin, Disember 27, 2010)
------------------------------------------------------------------
Xigasho: Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii 2012..............Sayid-Axmed M. Yuusuf

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.