Fortsätt till huvudinnehåll

Rawaayaddii Xorriyo: "Dadka furihii kama uu lumin ee abwaan Sangub baa gorayo u heesay" W/Q, Sayid-Axmed Dhegey ....08-11-2011

Qoraalkan hoose waxa aan waxyar ka taabanayaa waraysigii uu Maxamuud C. Sangub siiyey Hadhwanaagnews isagoo Jabuuti jooga. Qofkii garaad lahaa wuu garanayaa dareenkii jiray xilligii ay soo baxday Rawaayaddii Xorriyo 1980-kii. Waxa ay ahayd horraantii siddeetankii, oo lagu jiray xaalad kala guur ah. Waxa dhammaaday dulqaadkii dadka, waxa gunta la soo taabtay weel madhan oo ahaa xukuumaddii uu horjoogaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. 


Waa xilligii loo baahnaa isbeddel dhab ah oo loo midaysanyahay. Haddii maalmahaa loo midoobi lahaa iska tuuridda xukunkii markaa jiray, waxa hubaal ah in aanay dhaceen waxyaabihii dhacay 10kii sannadood ee ku xigay oo ahaa baaba' iyo burbur ku habsaday jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Xilligaa ay dhacaysay dabayshii quusta ee bulshadii dulmanayd, isla markaana la beerayey xumaantii qabyaaladda iyo isku dirka ayey ku soo beegantay rawaayaddii Xorriyo. 

   Dadku markiiba furihii Rawaayadda waa ay heleen oo waxa ay ahayd dhibkii haystay in ay ku cabbiraan dareenka rawaayaddaas. Xorriyooy immisaa ku qaba? Afar, ee uu Sangub maanta ku sharxayo gumaystayaashii, waxa aad isweydiisaa, ma ingiriisbaa joogay mise talyaani xilligaas dalka?. Yaa dadku ka cabanayeen? Waa wax cad oo sida cadceedda u muuqday, waxaanay ahayd dhibaatadii taagnayd afartii loo yaqaanay afarta siyaasadda ee uu madaxana u ahaa Maxamed Siyaad oo ku shan ahaa. Markasta Rawaayadda waxa laga dhex arkayey afartii siyaasadda iyo odaygii ku shanta ahaa ee khaatiyaanka laga taagnaa. Malaa Maxamuud Ciise Sangub taasi umay muuqane, sidani waa ka dhab oo waxa uu inoo sheegayey Talyaani, Ingiriis, Faransiis iyo Itoobiya oo uu lahaa aan ka dagaallanno. Waa yaab!


    Isweydiintu waxa ay tahay, ma furihii Rawaayadda ayaa ka lumay dadkii? Mise Abwaan M Ciise Sangub baa halkii laga sugayey in uu Geel u heeso, Gorayo u heesay? Waa hubaal in Sangub uu furuhu ka lumay isaga, balse dadku ay markiiba heleen furihii Rawaayadda. Waxa aan xassuustaa in laga sheekaynayey maalmihii ay Burco ka socotay in Albaabkii la jebiyey oo dadkii oo xad-dhaaf ahi ay xoog ku galeen Rawaayaddii. Hargeysa sidaa uu Sangub waraysiga ku sheegay waaba laga joojiyey habeenkii afar iyo tobnaad ee la dhigay. U FIIRSO, waa habeenkii 14-aad ee isku xigay ee Rawaayaddaas la dhigo, ayaa laga joojiyey oo laga mustaafuriyey Sangub iyo kooxdii Rwaayadda siddayba magaalada Hargeysa. Maxay kula tahay? Maxay dadku ku qamaameen? Maxay jeclaysanayeen? Ma Rawaayad iyo qosol bay u socdeen? Xaashaa Lillaah. Waxa ay bogsiinayeen boogihii bukay, waxa ay ka raadinayeen nafis iyo nasasho ay kaga nafisayeen cabúdhintii, car juuq dheh oo dadku ku jiray 10 sannadood oo aan madaxaba kor loo qaadin. Waxa laga soo gudbay xilligii loo quusgooyay cid kasta oo tirisa hees ama gabay ama maanso kaleba oo laga dhadhansado in ay dadka wax u sheegayso. Waa markii ay xadhiga ka soo baxeen Cabdi Aadan Xaad (Qays) iyo Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) waa xilligii loo quusgooyey qof kasta oo cabbiri lahaa garaadkiisa. Waxa la joojiyey fikirka xorta ah ee qofku ku sheegan karo waxa uu rabo, waxa uu u arko qalad, waxa uu saxa u arko iwm.


    Ma isweydiiyey Sangub, maxaa nimankaa abwaanada ah lagu xidhay ee isaga loo xidhi waayey? Ma isweydiiyey, maxay dadku ugu fasirteen wax aanuu u jeedin. Ma isweydiiyey maxaa Rawaayaddiisii kale ee Maadays Adduunyadu Dadkuna wuu Metelayaa oo uu si cad u balballaadhinayey Itoobiyaanka loogu fasirtay siyaasaddii markaa taagnayd? Waxa ka muuqatay waraysigii uu kaga jawaabayey arrimahaas Maxamuud C Sangub, in aanuu dareenkaaba qabin isagu. dabcan waa laga yaabaa in uu dareen kale qabay, laakiin isweydiintu waxa ay tahay yuu furuhu ka lumay? Ma Sangub mise bulshadii? Waxa aan si fudud u odhan karaa waxa uu furuhu ka lumay M C. Sangub. Waxa kale oo aan jecelahay in aan inyar ka soo qaato jawaabtii uu ka bixiyey Silsiladdii Deelleey. Waxa uu yidhi, dee deelleey Gaariyaa bilaabayoo, wax wanaag ah kama uu sheegin dawladdii--xumaan mooyee!! Haddii aad maansada  Gaarriye dhuuxdo, waxa uu lahaa waar maamulkii baa innaga qaldamay ee aan horta maamulka ka bilawno sixitaanka oo musuqmaasuqa aan joojinno. Waxa uu lahaa rag aan maalinna shaqo tegin baa maraakiib rartay, ee ma taasaa xaq ah. Dee wax aan saxno, ma qaladbay ahayd?


Maansadii uu ku bilaabay Deelleey Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa ka mid ahaa:


Taariikhda duuga leh
waxan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo Dawaaddaa
inaan fuliyo ii diray
Waxan uga dan lee yahay,
Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura

Qabiilkii Dorraad yiil


Isticmaarki baa dumay

Shalay daba-ka-naax iyo

Dibitaati baa waday

maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa.



Maansada lafteeda waxa la yidhaadaa "Dugsi maleh Qabyaaladi". Maxay kula tahay ee uu ka diday Maxamuud Ciise Sangub? Waxa uu inoo sheegay in ay ku jirtay Dablayaasha dhimanoow, oo uu ku weerarayey abwaanadii fanka ee Sangub ka midka ahaa---Gaarriye oo ku hadlaya magaca aqoonyahanada--waa sida uu Sangub inna leeyahay. Laakiin bal maansada oo dhammays tiran raadso oo u fiirso waxa uu ka hadlay Gaarriye iyo dhanka loola cararay. Waxa kale oo Sangub inoo sheegay horena aan doodihiisa uga maqlay, isagoo xoojinaya aragtida Maxamed Faarax Idaajaa, in maansadii loo tirinayey xukuumaddii Siyaad Barre ay qayb ka ahayd dumintii dalkii soomaaliyeed. Waxa aad isweydiisaa maansadii lagu ammaanayey Maxamed Siyaad Barre, xagee bay ka dhacday, maxay dalka u dhsi weyday, haddii maanso dumisay jamhuuriyaddii? Ku darsa'oo maansadii lagu ammaanayey xukuumaddi milleteriga ahayd waxa ay haysatay idaacadii Hargeysa iyo Muqdisho, waxa ay haysatay wargeyskii keli ahaa ee dalka ka soo baxayey (Xiddigta Oktoobar) maxay u dhisi weyday dalkii? Waa haddii maanso wax duminayso.



    Maanso wax ma dumiso ee dareenka dadka ayey tilmaantaa oo sheegtaa. Abwaanku waxa uu cabbiraa waxa dadkiisu doonayaan iyo waxa ay diidayaan. Taasaana muujinaysa in aanuu ahayn Sangub abwaankii bulshada metelayey. Taana isagaa inoo qiray oo yidhi: Xorriyo iyo Maadaysba dadku wax kale ayey u fasirteen! Wax kalena umay fasirane, wixii markaa jiray ee xanuunka ku hayey bay u fasirteen. Waxaana taa aan ku sii adkaynayaa maansadii uu M X Dhammac (Gaarriye) kaga hadlayey sida uu u arko gabayaaga, oo uu ku kala sheegay labo jaad oo midna bulshada danyarta la dhinac yahay, ka kalena uu dhanka boqorrada iyo madaxweynayaasha uu la jalo yahay. Qaybta uu ku tilmaamayey ka boqorrada la dhinaca ah oo aynu odhan karno Sangub baa ka mid ahaa waxa uu yidhi:




Waxa taasi baal taal
Iyadoo Bakooro leh ....(Maansadu)
Kolkay baydda furatee
Biyo-dhaca wax dheertahay
Ee Baqalka tiriyaa
Barakada Suldaankiyo
Badhaadheeye saaree
Baydan oo la yaabani
Ku tidhaahdo Bacalluul
Waan dhega barjoobee
Bes waxaad ku daysaa

Murtidaadu Booshaaq
Badhax iyo cindiidiyo
Sida Caanihii Baqay
Buqbuqood hadday tahay
Anna biirta maansada
Erayada baryoodka ah
Balo-laan ka qaadaa




Waxa hubaal ah murtida aan la jaanqaadayn dadkeedu waa badhax iyo cidiidiyo sida caanihii baqay---waana ta dhisi weyday jamhuuriyaddii ee maansadii mugga weynayd lagu ammaanayey xukuumaddii la Eeday, ee hadana ay ka xoog badnayd cajaladihii uu duubay Maxamed Mooge Liibaan Ilaahay ha u naxariistee. Maxay uga xoog waynayd? haa dee runta ayey uga dhawaayeen heesahaasi kuwii idaacadda ka bixi jiray ee ay ka mid ahayd " Horta Qabo Siyaadoo, bal cid kale ku soo dara, Guulwade Siyaad, Aaabihii garashada iwm. Maanso haddii ay wax dumisay, waa in ay waxna dhistaa. Laakiin hubaashu waa... ta wax dumisaa waa ta dhabta ah, ta wax dhistaana waa ta dhabta ah ee dadka dareenkooda muujinaysa. Haddii dadku iska dhex arki waayo dareenkoodana ka waayaan suugaanta markaa socota--waxa aan layaab lahayn in ay u saaraan oo ku cabbiraan dareenkooda suugaan aan iyaga u adeegayn sida taa uu qiray Maxamuud C. Sangub ee Xorriyo iyo Maadays ay ka midka ahaayeen.

    Xilligii aan dadku ku soo jeesan maamulkii milleteriga, waxa ka mid ahaa markii uu Sangub sameeyey Rawaayaddii Qabrigii Jacaylka oo la wada jeclaa, laakiin Rawaayaddaas loolama cararin dhanka siyaasadda--- haddi,i dadka qaar kaba uriyeen siyaasad, may badnayd oo xilligaas lagama quusan xukunkii Millteriga. Laakiin markan danbe ee Xorriyo iyo Maadays waxa ay la kulmeen xilli aad u adkaa, xilli u baahnaa in laga taxaddaro oo isbeddel lagu sameeyo maamulkii markaa jiray, oo haddii uu dadka iyo dalka dan ka lahaa uu oggolaan lahaa in uu si nabadgelyo ah u wareejiyo xukunka, illayn keligii dalka umuu dhalane.




Intaa aan ku dhaafo dareenkaygii iyo waraysigii Sangub uu siiyey Hadhwanaag ee uu kaga hadlay waxyaabo farabadan.




Ugu danbayn, waxa aan u arkaa in aan cidina wax ku yeelayn M C. Sangub haddii uu Hargeysa yimaaddo. Waa magaaladiisii, dad badan oo danbi toos ah iyo mid dadban ba ka galay Hargeysa iyo Burco maanta waxa ay madax ka yihiin Somaliland horena uga soo noqdeen. Ilaa kornayladii NSSta ahaa ee xukuumaddii milleteriga la soo safnaa ilaa intii dagaalku ka dhacayey Hargeysa iyo Burco, oo aan maalinna ka tegin ayaa madax ka noqday Somaliland. Uma arko wax loogu gooddiyo ama lagu eryado Abwaan Sangub oo dabcan garnaqsanaya oo weliba gabay ka tiriyey xaaladda uu ku suganyahay inay jiraan. Waxa uu dhextaal uga dhigay gabaygiisa Nabadgelyaan dooni.


Hargeysa iyo Burco dee gun maaha ee waa gob oo horeba waxa ay u soo xareeyeen kornayladii dalka baabi'iyey, NSStii Godka Xamar ka talinayey, kuwo jeelasha haystay, kuwo madax sare ahaa kuwo basaasiin ahaa ayey saamaxeen oo aan cidina wax u sheegan, maantana madax ka ah Somaliland. U malayn maayo In Sangub ummad dhani eryan doonto af iyo addin ba. Dadkani waa dadkii saamaxay wax badan, sidaa awgeed Abwaan Maxamuud Ciise Sangub waxa aan leeyahay magaaladaadii Hargeysa qunyar uun ka soo dhextoos oo jooji calaacalka iyo waa la i dilayaada. Cidina ku dili mayso cidina wax kuu sheegan mayso'e, jooji qaylada iyo dad kicinta adigaa caroog qaadanaya'e, berrito dayuuradda raac oo bal gegidii aad shaxda ku ciyaari jirtay yaan lagaa waayin.




Wa billaahi Tawfiiq.
Sayid-Axmed Dhegey
08-11-2011/ Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.