Fortsätt till huvudinnehåll

Maamulka shirkadda miyaa igu aamini weydeen? "gacmaha ayuu dhabanada saaray! / 13-07-2010


Waxa uu fadhiyaa barandaha aqalkiisa, waa uu yaabbanyahay. Dhabanada ayuu gacmaha saaray, waanuu maqanyahay, balse, waa kan fadhiya ee kursiga quruxda badan ku fadhiya. Goor danbe ayuu ku war helay " Waar shaaha maxaad u cabbi weyday sawkan qaboobay!" oo ay xaaskiisa oo ag fadhida ku leedahay,----Yaa oo miyuu qaboobay, dee mid kale ii keen--- maxaan kuu
keennaa waa kii saddexaad ee aan kuu keeno'e. Maxaa kugu dhacay ee aad la fikiraysaa? Mar haddii maamule lagaa dhigay, maxaa kaa maqan ee kale, sawtaad weligaa odhan jirtay haddii maamulkaa Shirkadda la ii dhiibo, wax badan baa ii muuqda oo aan qaban lahaa, dabcan dee waa aad ka nasan lahayd hawshii badnayd, miyaanay sidaa ahayn xaaji, maxaad la fekeraysaa.


Warsame Gudaal, ma uu jawaabin ee waxa uu ku adkaystay in koob kale oo shaah ah loo keeno. Waana loo keenay. Markii uu laba jeer cantuugay buu yidhi: " Yaa--maxaad lahayd, ma anigaad ila hadlaysay?

    Warsame, waa oday madaxa la sii gelaya siddeetankii. Wax badan ugama hadhin siddeetanka, laakiin waa nin xoog ah oo geed adayg u dhashay. Tan iyo maalintii uu labaatan jirsaday waxa uu ahaa nin isagu is maamula oo dhaqaalihiisa la soo baxa. Waxa uu bilaabay yaraantiisiiba in uu wax barto, oo waxa uu waxbarashada ka gaadhay meel sare oo aan xilligaa cidiba higsan jirin. Waa dhallintii ku kacaantay wadaniyadda iyo dedaalka horumarka. Kolba heer la soo maro-ba waxa uu ka soo shaqeeyey shirkado farabadan oo uu qaar isagu aasaasay, qaar kalena uu shaqaale ka ahaa. Dhawr shirkadood ayuu maamulka sare ka hayey siddeetamaadkii, laakiin waxa uu markasta ku hamiyi jiray shirkadda ugu weyn in uu maamule ka noqdo. Waxa uu u arkayey in uu waxbadan ka bedeli karo. Marka la eego waaya-aragnimadiisa, aqoontiisa, raganimadiisa, geesinimadiisa, codkarnimadiisa iyo dad la tashigiisaba waxa lagu xaman jiray in ninkaasi noqon karo nin maamuli kara shirkadda la magac baxday "Daryeelka Danyarta iyo Danta guud."

    Sababo fara badan ayaa loo cuskadaa in uu Warsame Gudaal ku habboonyahay maamulaha Shirkaddaas. Dadka qaar baa yidhaahda---tan iyo maalintii uu dugsiga sare ka baxay, ilaa maanta oo laga joogo 50 sannadood, dan guud mooyaane dan gaar ah maba uu qaban, haddii uu qabtayna mar kasta danta guud buu ka horraysiin jiray tiisa gaarka ah. Sidaa darteed waa ruug caddaa haya xog farabadan, iyo qaabka loo maamulo Shirkadaha waaweyn. Dad kale oo badan ayaa aaminsan in uu mar horeba xaq u lahaa in shirkaddaa loo dhiibo. Waxaase jira qaar kale oo iyagu u arka in aanuu ku habboonayn maamulka Shirkadda "Daryeelka Danyarta iyo Danta guud". Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxa jiray rag iyo dumarba dad la halgamay oo dedaal dheeri aha la sameeyey sidii uu buurta figteeda u kori lahaa. Markastana waxa ay ku odhan jireen, " Annagu waxba kaama rabno, ee waxa aanu rabnaa isbeddel in lagu sameeyo shirkaddaas oo noqotay mid aan faa'iido soo saarayn"

    Maanta hadhqoodaarka uu fadhiyo waxa uu ku sugayaa rag ka mid ah raggii la halgamay laakiin mar kasta lahaa danta guud ayaanu kuula soconnaa. Shalay kuwo kale ayaa u yimi, dorraad gurigaba laguma kala bixin, tii ka horreysay waabuu ka baxsaday guriga. Tan iyo maalintii loo magacaabay maamulaha shirkadda, laba indhood isuma uu keenin. Indhihii yaryaraa ayaa sii yaraaday. Inkasta oo uu u dhashay geed adaygnimo oo soo jeedku aanuu waxba yeeli jirin, waxa aad mooddaa in da'dii iyo hawshan aanuu weligii qaban ay ku kulantay.

---Yaa garaacaya...waa ayo!
--- Ka fur waa niman aan sugayey'e.

Asalaamu calaykum...Wa calayku wasalaam. Soo fadhiista, yaa, oo intii aynu isku ogaynba waa ka badantihiine, dee shan kursi oo kale aan inoo keeno. Maya fadhi annagaa ayaa soo qaadanayna'e. Ilaa 20 nin ayaa daaradii soo fadhiistay. Waxa la socda afar nin oo ka mid ah raggii ugu dhodhowaa dhinaca Warsame xilligii loo qalqaalinayey sidii uu Shirkladda madax uga noqon lahaa. Hadalkii bay bilaabeen. " Dee wakhti badan ma hayside waxa aanu kuula soconnaa in aad hebel iyo hebel aad u magacwdo agaasimayaal" Nin kale ayaa hadalkii ka boobay oo yidhi: " Waxa ay ahayd in aanu ku nidhaahno afar agaasime iyo weliba ninka suuqgeynta alaabta shirkadda ee mar haddii aad soo koobtay maamulkii shirkadda, sida nagu maqaalo ah, dee waxba kugu dirqiyi mayno'e labadaas uun hadal ha ka keenin. Warsame Gudaal oo daal iyo diifi ka muuqato ayaa marka uu u hollado hadalba waxa hadalka qaata mid kale, isagoo isleh yaa kaa dhaqaajiya uun, bay marqudha wada yidhaahdeen, dee waa innoo sidaa. Nabadgelyo, nabaadiino, tusan, iyagoo sii gacanqaadaya odayga.

   Todoba maalmood oo la soo dhaafay waxa u yimi ilaa 70 kooxood oo la mid ah kuwa imminka ka agkacay. Waxa u hadhay ilaa soddoomeeyo kale. Dhibaatada odayga haysataa waxa weeye, in aanay jirinba cid la talinaysa, cid dantii guud ee ay ka hadli jireen ka hadlaysa, cid wanaag guud doonaysa baan jirinba. Dhammaantood waxa ay ka hadlayaan waa isku mid. Waana si shirkadda ay dhammaan uga mid noqdaan maamulkeeda. Oday Warsame, berigii hore arrimahani umaba muuqan. Maantase talo ayaa ku caddaatay. Ballamo badan buu qaaday, qaar waa buu illoobay, qaar kale waa uu xasuusanyahay, qaar waa lagu qasbay. Weli mabuu u shaqo tegin shirkadda madaxda looga dhigay ee durbaba intaasoo hawlood uu dhexdabbaashay. Weli kadinkeedaba ma uu istaagin. Hore looguma ogayn in uu gabyo--waa se uu tirinjiray maansada oo isaga ayuun baa dhegaysan jiray maantase waxa uu rabaa in lala maqlo maansadiisa gaaban.

Ma siddeetan guuraa
Da'daydii ku siqaysaa
Anigoo sebi ah
Subaxaan suntaday
Miyaan saaka joogaa
Sirtii iga daboolayd
Xalay miyaan ku sarakacay, 
Dadku hay saluugee
Danyar ma u sadburiyaa
Mise sararaweyntaan
Suubbaa salaax-iyo
Sunuudana u badiyaa
Kuwa soo socdaaliyo
Safka yurub ayaa badan
Tolow sidaan ka yeelaa
Waxba yaan sahwiyine
Allaan talada saaroo
Danytartana sidii hore
Ballanteenu waa samo.

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------
------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Qore: Sayid-Axmed Dhegey
gacanlibaax2001@yahoo.se
Sweden--13-07-2010

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.