Fortsätt till huvudinnehåll

Qoraal dhiirrigelin ah: SNM, SNM, SNM, haddii lagu celceliyo oo aan xikmadi ku jirin waxay noqon doontaa NSS, NSS, NSS?

Maalinta ku suntan shuhadada SNM oo ah 17 oktoobar, waxa inta badan ka hadla dad goobjoog ahaa iyo qaar kaloo badan, oo malaa maalintaas uun jeclaystay in ay shaashadaha tvga ka soo baxaan, ama la waraysto. Waxa laga joogaa 1984kii bishii Oktoobar, todoba iyo tobankeedii, soddon sannadood ku dhowaad. Ilaa maanta buug laga qoray dhacdadaa aynu ku celcelino ma jiro. 



Waxa goob joog ah raggii maalintaa ku jiray dagaalka. Waxa aan ka xusi karaa taliyihii maalintaa la wareegay hoggaanka ciidanka, markii uu geeriyooda Maxamed Xaashi Lixle IHN,tee oo ahaa halyey, aad loo jeclaa, abaabulkiisa, dagaal-gelintiisa iyo dulqaadkiisii----taliyihii maalintaa la wareegay hoggaankii ciidanka, waxa uu joogaa Hargeysa---waa Muj. Cabdikariin Xaashi Cilmi

  Maalintaa waxa uu dagaalku ka dhacay meesha la yidhaa Burco-Duurray. Dagaalkaa iyo saamayntii uu dalka ku yeeshay waa la wada garanayaa. Intii garaadka lahad uun baase garanaysa. Haddaba sidee wax u dhaceen? Kolba qoraal yar oo dhicis ah ayeynu meelahaas ku aragnaa. Afartan sannadood ka hor, sidee xasuustu maanta tahay? Maxaa laga qoray? Waxba lagama qorin. Waxa maanta jooga, oo Ilaahay uu nolol ku soo gaadhsiiyey Ibraahin Cabdillaahi Xuseen oo ku magacdheer Dhegaweyne, oo maalmihii dgaalkaas Burco Duuray uu dhacay, waxyar ka dib soo galay weerarkii caan baxay ee Buuralayda Sheekh. Waxa kaloo aan halkan ka xusi karaa Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo dagaalkaas ku jiray, maanta labadooduba waa ay nool yihiin oo waxa ay joogaan Somaliland.

   Ilaahay ha u naxariistee dagaalkaa Burco-Duurray waxa ku shahiiday Maxamed Xaashi LIXLE, waxa kaloo ku shahiiday tiro badan oo ciidankii SNM ka tirsanaa iyo tiro kale oo aagga Awaare lagu laayey oo ahaa shacbigii deggenaa aaggaas. Dhacdo kasta oo adduunka soo marta waxbaa laga qoraa. Qof kastaana marka uu doonayo in uu arrinkaas wax ka ogaado ayuu ku noqdaa buugaagtaas. Buuggu ma dhinto.

   Waxa aynu caadaysannay, in lagu celceliyo SNM oo aan siday ahayd na xataa loo sheegin, taasoo dadka qaarna denbiilayaal ka dhigaysa. Wadaad baa laga sheegay haddii Bihi Bihi lagu celceliyo waxa ay noqotaa BUHU BUHU BUHU. Waar aan Bihi si fiican u nidhaahno oo aan naxli ku jirin. Aan qorno taariikhdaas, oo yaa qoraya? Adiga, aniga innaga ayaa qorayna. Axmed Siilaanyo, Cabdiraxmaan AwCali Faarax, Axmed Mire, Ibraahin Dhegaweyne, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin ayaa laga rabaa in ay wakhti geliyaan sidii ay taariikhdaas u qori lahaayeen. Prof Cabdisalaan, waxba qormo yar oo kooban lagaagama fadhiyo oo aad Internetka soo dhigto ee buug ama buugaag ayaa lagaa sugayaa. Hadraawi, maanta wakhti aad waayaragnimadaada u weelayso dadka ayaa la joogaa ee fadhigga ka kac. Rashiid Gadhweyne, waa lagaa sugayaa buuggii ama buugaagtii aad dhaxal ugu reebi lahayd dadka.

   Dadkani uma baahna Bihi Bihi Bihi in loogu celceliyo ee waxay rabaan wax ay diiwaan ka dhigtaan. Waxa ay rabaan in ay fahmaan sidii wax u dhaceen. Tv laga hadlo ama waraysi yar oo meelahaa la isla taagaa macno badan samayn maayo. Xil baa wada saaran intaa aan tilmaamay iyo qaar kaloo badan. Xasan Ciise Jaamac, waa laf-dhabar taariikhda iyo Sooyaalkii SNM—in badanna waad nasatay ma buug mise laba ayaad dadka u haysaa? Waxa habboon in aan hadal uun la hayne qalinka la qaato. Haddii kale SNM=NSS in la kala garanwaayana waxa halkaa dhigay waa dadkii ehelka u ahaa ee xogogaalka ahaa. Sooyaalka Somaliland baa u baahan in wax laga qoro, in si aqooni hagayso loo qoro, in aan dadka lagu kala kaxayn qalinka, ee sidii wax u dhacayeen la is dultaago. In hab ballaadhan wax loo eego, oo dadka loo faa’iideeyo ayaa habboon.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.