Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från september, 2014

Bandhigga buugaagta ee magaalada Borlänge (04-10-2014, Sabti)

Magaalada Borlänge, oo ay deggenyihiin dad badan oo soomaaliyeed. Gaar ahaan qoysas dhawaan soo degey dalka Sweden, ayaa loogu talo galay bandhig balaadhan oo buugaagta ku qoran afsoomaaliga ah. Waxa si gaar ah maalintaa looga hadli doonaa saddex buug oo cusub, oo dhawaan soo baxay, kuna qoran afsoomaali. Waxa ay buugaagtaasi kala yihiin, Cilmi Boodheri Caashaqiisii, oo uu qoray Maxamed Xirsi Guuleed, Bisaddii Anbatay! oo ah buug carruureed uu qoray Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) iyo Cawa-dhalad oo uu qoray Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Ma aha markii ugu horreysay ee bandhiggan oo kale lagu qabto Borlänge, ee waa markii saddexaad.