Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från januari, 2019

Sooyaalkii G/S, Yuusuf Cabdi Oday W/Q, Aadan Cadde

Alle ha u naxariistee waxa xalay caweyskii la ii soo sheegay geerida Gaashaanle sare Yuusuf Cabdi Oday. Kornaylka waxa aanu si shakhsi ah isu naqaannay muddo lix sano ah. Waxa maalin maalmaha kamid ah iskaaya baray saaxiibkay Cabdilaahi kayse Guure, waxana bilawgiiba aannu isla qaadannay in aan uruuriyo taariikhdiisii iyo wixii uu waayo u soo joogay. Lixdaa sano hadba meel ay noo maraysayba waanu kulmi jirnay waanu ii warrami jiray. Balse, inta aanan kormar idiinku samaynin sooyaalkiisii dheeraa, aan taabto dhawr sifo oo aan marxuumka ku bartay.

Shirweynaha Qalinleyda Gudaha Somaliland 24-01-2019 Hargeysa

Ogeysiis Ogeysiis Shirweynaha Qalinleyda Gudaha Somaliland waxa uu dhici doonaa taariikhda kor ku xusan, goobtuna waa taa kor ku qoran. Waxa aan isleeyahay waa loo baahnaa xilligan. Sannad walba buugaag ayaa soo baxda. Qorayaal da'yar baa ku soo biira qalinlayda. Xeer Ivo Nidaam ay raacaan bay u baahanyihiin. Haddii qoraa buugga uu qoray la qoonsado, waxa ay u noqon karaan kuwii ka talo bixin lahaa, oo loma baahdeen in ay garsooraan dad aan ehel u ahayn qoraalka.  Waxay noqon karaan diiwaankii kaydin lahaa buugaagtaa soo baxday Ivo Qorayaashii qoray. Waxay diiwaan u noqon karaan waxbadan oo qoraalka la xidhiidha. Waxaasoo dhan waxa sal u ah daacadnimo iyo dedaal dheeraad ah. Haddii kale indho kale ayey yeelanaysaa oo aan sii hanaqaadin. Hambalyo Ayaan leeyahay inta isxilqaantay ee hawshaa wadda. Sayid-Axmed Dhegey Sweden

Talo Waayeel W/Q: Axmed Iid Aadan, 2011

Waa nin oday ah. Waxa uu ku nool yahay mid ka mid ah dalalka Aasiya. Waxa uu muddo dheer oo gaadhaysa 30 sannadood u shaqaynayey xafiis booseed oo ku yaalla magaalada uu deggan yahay. Imika waa hawlgab, hase yeesho ee waxa caado u ahayd, weli na u ah, in uu maqaallo qoro oo uu mid ka mid ah tifaftirayaasha wargeys uu akhristo u gudbiyo. Maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu ninkan odayga ahi u baahday qalin uu wax ku qoro. Dabadeed wiil uu dhalay oo maalmahaa shaqo helay ayuu u sheegay in uu qalin u soo iibiyo marka uu shaqada ka soo baxo ee uu guriga ku soo socdo. Inankii ayaa aabbihii u keenay qalimaan ka badan intii loo diray, waxana dhex maray hadalladan:

Sirta noloshu waa ku qanacsanaanta hadba wixii aad haysato W/Q, Muse M. Ciise (Dalmar)

Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinayaa in uu helo nolol ka fiican ta uu haysto. Waxaana hubaal ah in aan laysku raacsanayn liibaanta adduunyada iyo halka u sarraysa ee uu qofku derejo iyo nolol ka gaadhi karo. Dad badan ayaa aaminsan in guusha noloshu tahay in aad heshid lacag badan. Waxa ay kuwaasi ku doodayaan in ay hayntu tahay furaha nolosha iyo ta qofka u goyn karta wax kasta oo uu jecelahay sida, caafimaad, farxad, jacayl, xasillooni, madadaalo, raaxo, awood iyo wixii la mid ah. Taa beddelkeeda waxa sidoo kale dad badani isku waafaqsan yihiin in nolosha macaankeeda ama libinteedu aanay ahaynba in aad adduun badan hesho balse ay tahay in aad haysato caafimaad, cunto, hoy, xorriyad iyo qaneeco kuu horseedda in aad iimaansato hadba waxa aad haysato, dariiq fiicanna aad u marto wixii korodhsiimo ah.