Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från december, 2014

Kulan-suugaaneedkii Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) Iyo Soomaalida Iswiidhan. Goobta: Kista Träff Taariikhda: 2014-12-26 Saacadda: 15:30 – 19:30

Shalay oo ay taariih ahayd 26 bishan diisambar, sannadkan 2014, waxa magaalada Stockholm ee caasimadda Iswiidhan lagu qabtay, kulan-suugaaneed weyn oo kulmiyay abwaanka Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) iyo bulshada Soomaalida ah ee dalkani ku dhaqan. Munaasibaddan oo ahayd mid ay si heersare ah isaga kaashadeen ururka Badda Cas iyo Ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay.  

Ururka Waxbarashada Alkawnayn oo Cashosharaf ku soo dhoweeyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey)

Shalay duhurnimadii ayuu ka soo anbabaxay magaalada Eskilstuna Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi oo maalmahanba ku sugnaa carriga Iswidhan. Waxa uu soo gaadhay Stockholm goor ay saacaddu cagacagaynaysay 14:00 (Labadii maalinimo). Jidku baraf muu lahayn, balse qabaw waxoogaa ah baa jiray. Dabcan xilligan jiilaalka qabawgu waxa uu gaadhaa derejada soddon oo taban (-30). Xilligan oo kale barafku waxa uu tuulmaa jidadka iyo

Abwaan, Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan (Xasan-Ganey) iyo Stockholm

Maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 26/12/2014, marka ay saacaddu tahay 15:30, waxa ka dhici doona Xaafadda Kista ee dhinaca waqooyi ee magaalada Stockholm kulan aad u ballaadhan. Waxa kulankaa lagu soo bandhigayaa suugaanta iyo sooyaalkii abwaanka caanka ah Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan, oo ku magaca dheer Xasan-Ganey. Muddo ku siman 40 sannadood ayuu abwaanku ka mid ahaa hormoodka fanka iyo suugaanta soomaalida. Waxa uu hal-abuuray Rawaayado caan ka ahaa deegaanka soomaalidu degto oo dhan sida "Dab Jacayl Karin waa" iyo Bidaari Sibiq bay kugu gashaa". Waxa aan la illoobi karin Rawaayaddii "Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah" oo ahayd horraantii siddeetamaadkii. Abwaan Xasan-Ganey, waxa uu maalintaa kula wadaagi doonaa suugaantiisa iyo sooyaalkiisii ilaa bilawgii.