Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från augusti, 2020

Cabdillaahi Suldan-Timacadde: Ninkii Sowdka Arka iyo Lahaa Sumadihiisii-ba

Cabdillaahi Suldan-Tima-cadde: Ninkii Sowdka Arka iyo Lahaa Sumadihiisii-ba  Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Nin qabyaalad beertoow wanaag kuuma soo baxo'e. Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado'e. Saddexdaa bayd waxay ka mid ahaayeen saddex maanso oo kala jaad ah oo uu Cabdilaahi Suldaan xilliyo kala fog uu tiriyey. Wuxuuna ka tiriyey duruufo kala jaad ah. Waxaa se innooga muuqata inuu carrabka ku adkaynayey dhibaatada qabyaaladdu leedahay. Anigoo soo koob koobaya maansadii ilaahay ha u naxariistee Cabdilahi Suldaan "Timacadde", waxaan ku bilaabayaa kumuu ahaa Cabdilaahi Suldaan. Waxa hubaal ah in dhammaan dadka soomaaliyeed intooda badani ay magaca garanayaan, inay in kaloo badani na codkiisa maqashay. Taariikhda Cabdilahi Suldaan Maxamed iyo maansooyin-kiisaba waxaan ka soo xigtay buugga dhowaan soo baxay ee la magac baxay "Diiwaanka Maansada" Cabdilahi Suldaan. Buuggaasoo uu qoray, qoraaga caanka ah, halgamaaga caanka ah

Wakhtiyaddii Dugsiga Sare Iyo Ciyaaraha (Sportska) – Fariinta Maanta Ee Dhalinyaradda W/Q Jamaal C. Xuseen

Muhiimmadda Taariikhda W/Q Maxamed Yuusuf

Ciid Mubaarik dhamaantiin! Idam Alle, Sannadka sannadkiisa farxad iyo caafimaad ku gaadha dhamaantiin. Taariikhdu waa waxa ummadaha aduunka is dhaafiyay, waa waxa ay reer galbeedku ku guulaysteen ee ay maskaxda aduunyada ku hantiyeen, waa waxa caruurta isku ayniga ah is dhaafiyay, waa waxa taariikhdiinii, iyo tii xadaaradii islaamka masaxay ee caruurteenu Michelangelo iyo John Adams u yaqaanaan balse ayna aqoon u lahayn taariikhdoodii, taariikhdii islaamka sida,casrigii RASUULKA (SCW) (1-11H) (622-632CD), tii KHULAFADA (11-40H) (632-661CD) iyo geeridii Rasuulka (SCW) ka dib, tii UMAWIYIINTA (41-132H) (661-750CD) iyo tii CABBAASIYIINTA (132-656H) (750-1258CD), tii MAMAALIIKTA (648-922H) (1250-1517CD), iyo tii CUSMAANIYIINTA (1517-1924CD) toona.