Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från juni, 2014

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012

Tacsi ku socota Siciid Ismaaciil Maxamed "Airline" oo ay dirayaa xubnaha Ururka Qorayaasha Somaliland.

Dhammaan xubnaha ku jira ururka qorayaasha Soomaalilaan, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska reer Ismaaciil Maxamed ( Airline ), gaar ahaan walaalkood Siciid Ismaaciil Maxamed ( Airline ) oo ay maanta hooyadii Milgo Cabdillaahi Rooble ku geeriyootay waddanka Sucuudi Arabiya. Waxa aannu Ilaahay ka baryaynaa in uu u naxariisto marxuumadda, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday.

Hadhimo sharafeed Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan u sameeyey qoraaga, ahna agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar.

Shalay oo taariikhdu ahayd 21-06-2014, markay saacaddu ku beegnayd 13:30 ayaa sidii ballantu ahayd lagu kulmay hadhimo ay soo diyaariyeen Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan. Kulankaas oo lagu soo dhoweynayey agaasimaha madaxtooyada Somaliland, ahna xubin ka mid ah tiirarka Ururka Qorayaasha,  Xasan Cabdi Madar.

Bulshadii ”Islaweyn” burburkii ku dhacay, wax miyey ka barteen? Q-1aad W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

    Beribaa waxa jirey laba Beelood oo is barbar yaalley. Degmada ayaa u kala rognayd, balse isku dhaqan iyo diin ma ay ahayn. Kala af ayay ahaayeen. Labada Bulsho mid waxa la odhan jiray “Islaweyn” ta kalena waxa la odhan jiray “Dangarad”. Islaweyn waxa ay aad u dhaqan jireen Geela oo ay ku faani jireen. Sidaa darteed dadka qaar ayaaba u yaqaannay Bulshadii faanka badnayd ama Faanbadan.

Sheeko gaaban! : "Waaryaahe Kediye! kobtani miyaanay ahayn kobtaynu shalay ka guurrey?" W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Oday Kediye, waa nin dedaal badan. Had iyo jeer reerkiisa waxa uu u sahamiyaa, meesha ugu fiican. Reerka uu odayga u yahay, waa qoys ballaadhan, oo carruurtiisa iyo afadiisa, oo keliya maaha inta eeganaysa odaynimadiisa. Toban wiil ayuu la dhashay, oo isaga ka yar. Da'diisu waxa ay madaxa la gashay sagaashankii, waase xoog xaftaa haya. Xoolo cun buu ahaa, xaaraanna afkiisa muu gelin, waxaase uu ka werweraa had iyo jeer Ilmaadeeradii, oo aan kala aqoon xalaal iyo xaaraan. Geela ayey soo dhacaan, oo cunaan, oo caanahooda cabbaan. Waa geel ay ka soo dhaceen, dad

Qarankuu u hiiliyey goormuu qiimeyn? ...Abwaan, Cabdi Adan Xaad (Cabdiqays)

Waan kuu hogaansamay          kugu soo hamiyi jiray hadba kugu warwari jiray        oon hoos iyo guud hawlahaaga wadi jiray            hor Illaah walaahiye hamadii aan kuu qabay           hiladaydi toosnayd adaa haw ka yidhiyoo             hir lagaaga baaqe

Warsaxaafadeed: W02/UQS/06-2014 (Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan)

Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan Warsaxaafadeed: W02/UQS/06-2014   Shalay oo taariikhdu ahayd 0706214, maalin sabti ah, waxa qabsoomay shirweynihii Ururka Qorayaasha Soomaaliland laanta Iswidhan. Shirkan oo ka dhacay, xarunta Ururka ee ku taal xaafadda Telefonplan, ee magaalada Stockholm, waxa uu furmay 10:30 gelinkii hore.

Iyadoo arkaysa! W/Q Saddaam Xuseen Carab

Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.