Hadhimo sharafeed Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan u sameeyey qoraaga, ahna agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar.
Shalay oo taariikhdu ahayd 21-06-2014, markay saacaddu ku beegnayd 13:30 ayaa sidii ballantu ahayd lagu kulmay hadhimo ay soo diyaariyeen Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan. Kulankaas oo lagu soo dhoweynayey agaasimaha madaxtooyada Somaliland, ahna xubin ka mid ah tiirarka Ururka Qorayaasha, Xasan Cabdi Madar.
Ilaa bilawgii ururka Xasan waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee si gaar ah iyo si guudba wax badan ugu soo kordhiyey ururka. Xasan waxa uu qoray buugaag farabadan, waxaana ka mid ah: "Sirta guurka", "Barbaarsame", Hiil iyo Nabaadiino. Qoraalada gaarka ah ee xikmaddu ku lingaxan-tahay aad bay u badan yihiin. Sannadihii ugu danbeeyeyna waxa uu hayey xilka agaasinka madaxtooyada Somaliland oo uu ilaa imminka hawsheeda mas'uulnimo hayo.

Cumar Xaaji Bile Adan oo ka soo shaqeeyey safaarado badan oo ay ka mid ahayd tii Shiinaha, Tansaaniya iyo Biljimka ayaa goobta fadhiyey. Jaamac Maxamuud Cumar (Foodyacay) oo ku caan ah Jaamac Iswidhan, waxa uu ka soo shaqeeyey muddo dheer safaaradda soomaalida ee Iswidhan. Dhan kastana guubaabo, qoraalka ah ayaa la isla qaatay. Maxamed Xaaji Ismaaciil, ayaa erey muhiim ah dooddii ku soo afmeeray, oo yidhi: Qofka wax qora, inta badan waa qof ay u fududdahay oo xiiseeya wax-qoraalka, ee dadku wax ma wada qoraan. Waase laga qoraa, qofka wax badan haya ee lagu tuhmayo. Waxa isna erey kooban oo guubaabo ahaa ka yidhi Axmed Yuusuf Abokor. Waxana lagu soo gunaanaday warbixintii agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar, oo markii danbena la weydiiyey dhawr su'aalood oo uu si faahfaahsan uga jawaabay. Waxaana farriintiisa guud ahayd, oo uu odayaashana gaadhsiiyey farriin ah, in reer Iswidhan laga sugayo deeqdii ay ugu baaqeen dawga Ceerigaabo.
Ururka Qorayaasha Somaliland, waxa uu farriin guud iyo mid gaar ah ba u gudbiyaa, in xukuumaddu xoogga saarto diiwaanka-qaranka. Dal aan lahayn diiwaan, waa dal aan jirin. Hay'adda diiwaanka qaranku waa ta ugu muhiimsan, marka laga hadlayo dal iyo qaranimadiisa, jiritaankiisa ka awoow ka awoow. Dhaqan, suugaan iyo taariikhba waa hay'ad koobsan lahayd waxkasta oo dhaxal u ah dalka iyo dadkaba. Ilaa maalinkaa maanta ah, ma jirto diiwaan qaranku leeyahay oo magacaa huwan. Waa farriin ururku hawada u marinayo xukuumadda, siina fari doona agaasimaha madaxtooyada Xasan Cabdi Madar.
22-06-2014, Axad /Stockholm/Iswidhan
Kommentarer
Skicka en kommentar