Fortsätt till huvudinnehåll

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u  wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha  cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay  ku beegnayd  xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 



Xilli ku beegan 1966 ayuu Xasan u wareegay dhanka geerashyada, isagoo ka shaqayn jiray geerashkii ay Xaaji Dool iyo Cabdi Giirshe wada lahaayeen. 1967, ayuu abwaan Xasan ku biiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya ee Kamaandoosta loo yiqiinay. Wakhti ku beegan 1970 ayuu si rasmi ah ugu biiray kooxdii baamboyda  iyo kooxdii Janan Daa’uud. Intii aanay Soomaaliya burburin abwaan Xasan-Ganey waxa uu ka mid ahaa abwaanada fankoodu siraadan yahay ee aadka loo jeclaa. Dadka fallanqeeya suugaanta abwaan Xasan-Geney waxa ay sheegaan in uu aad ugu xeeldheer yahay dhaqanka iyo deegaanka Soomaalida. Taasna waxa ka markhaati-kacaysa suugaantiisa dahabka ah ee ay dadku aadka ugu raaxaystaan. Abwaan Xasan-Ganey hadda waxa uu ku nool yahay magaalada Hargeysa.

Xigasho: Taariikh nololeedkan kooban waxa aan ka soo xigtay qoraal uu madaxa mareegta www.farshaxan.com, mudane Fu’aad  Sheekh Abuubakar ku baahiyay barta intarnatka ee  http://www.somaliland.org/blog/
Halkan ka akhri qoraalka uu mudane Fu’aad ka qoray abwaanka: http://www.somaliland.org/blog/2009/01/19/maxaad-ka-taqaan-abwaan-xasan-xaaji-cabdilaahi-xasan-ganay/

Heestii ugu horraysay ee uu abwaanku sameeyaa, waxa ay ahayd heesta tidhaa: Caashaqu shafkaygii hawl yaraan shuq ma u yidhi. Waxa qaaday Sacaada Alaale, oo ahayd xaaskii Ilaahay ha u naxariistee Axmed Nuur Jaango. Waxaana muusiga saaray Axmed Nuur Jaango.

Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sameeyay riwaayado badan, kuwaasi oo  raadad badan ku yeeshay  suugaanta iyo nolosha Soomaalida.  Walow aynaan hal qoraal iyo laba toona ku soo koobi karin taariikhda iyo suugaanta abwaan Xasan-Ganey, haddana waxa aan jeclaystay in aan idinla wadaago qaar ka mid ah riwaayadihii iyo heesihii uu abwaanku sameeyay.


Dab jacayl kari waa – 6 April 1974?
Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey)
Xiddigga: Axmed Cali Cigaal
Xiddigta: Aamina Cabdilaahi Xirsi

Fannaaniinta kale ee riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Shamis Abokor ( Guduudo Carwo )
Maxamed Cumar Huryo ( IHN )
Ismaaciil Cabdi ( Basbaas )
Xasan Aadan Samatar
Aamina Cabdillaahi
Sahra Axmed Jaamac
Maxamed Aadan Dacar
Maxamed Yuusuf
Cabdi Cali Bacalwaan
Cabdalla Raage Taraawiil
Qamar Cabdillaahi Harawo

Heesaha riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

                      • Laqanyada jacaylka-  Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali  Bacalwaan
                      • Ambabaxaye socodka inaan Eebbe igu qadin—Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
                      • Faraskaagii  laga badi-  Sahra Axmed Jaamac iyo  Cabdi Cali Bacalwaan
                      • Shafka kaalay igu qabo --  Axmed Cali Cigaal iyo Sahra Axmed Jaamac
                      • Caashaqu wadaad ma leh--  Aamina Cabdillaahi Xirsi
·         Aragtaye maxaad odhan, ma ishaad wax kaga jari: Cabdi Cali Bacalwaan



Weligeed adduunyada
Wakhtigaa qof saacida
Midna  waayahaa xidha
Labadaasi waxaan ahayn
Horaa looga waayoo
Waa nin iyo waagii
Aniguna wisiisiga
Waxaan wayda la hayaa
Iigu wacan waxyeellada
Wiishbay la sare tegay
Caashaqu wadaad ma leh
Waalalowna kuma hadho
Waan waana kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee

Webi bay la sare tegay
Waddadiina ka ambaday
Sida weel dalooshamay
Biyaha  looga wabiyaa
Waanadu i dhaaftaa
Culimada wanaagsani
Camma iyo watiiniyo
Wadduxaati oo idil
Hadday igu wareejaan
Walbahaarku ima dhigo
Caashaqu wadaad ma leh
Waalalowna kuma hadho
Waan waana kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee

Wahab baa igu yuurura
Waabayda igu maqan
Warrankaa halbowlaha
Waageerka halistiyo
Wadnahayga kala jaray
Intii aanan waalnayn
Imaydaan warraysane
Waaheen naftuu sido
Weli hadday iigu yeedhaan
Ma waxbuu u tarayaa

Caashaqu wadaad ma leh
Waalalowna kuma hadho
Waan waana kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee


1.      Jinni iyo jacayl – 1975
Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Xiddigga iyo xiddigta: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
Laxanka: Axmed Cali Cigaal, Siciid Maxamed Xarawo, Saalax Qaasin, Cabdi Cali Bacalwaan.
Muusikada: Hobolada Waaberi

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:
     • Bada guuxda een gudhin: Axmed  Cali Cigaal iyo Khadra
     • Geediga hayaankuba: Axmed Cali  Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
     • Halku dooxa Waaheen, bad waqooyi kaga daro: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige. Ama Wayl baa nin waa yidhi
·         Sida moodda galabtii: Sahra Axmed Jaamac
·         Wadar yahay gar daranaa, wiilku soo indho caddaa: Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali Bacalwaan.


Khadra Daahir Cige
Geediga hayaankuba
Goor gaaban adigoo
Guri waayay laga baxay
Iyo ood aad gurataaba
Iyo ood aad gurataaba
Gabalkiina kuu dhacay
Dhirta geed aan la jarin iyo 
Ogoow lama garaacaan
Go’i waaye inuu jiro
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sidaa geddaasiye
Mar in aynu  nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xusuusoo
I sii gacan walaalnimo

Axmed Cali Cigaal

Gudgudaha hillaacuba
Gu’  barwaaqo oo da’ay
Godlan yihiin daruuruhu
Iyo dirir aan gaagixin
Goglan tahay xareeduna
Dhulkaba meel  gawaanoo
Ogoow geedo soo bixin
Go’ i waaye inuu jiroo
Go’ i waaye inuu jiro
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida geddaasiye
Gasariir  ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Marna tahay gayaankey
Labadaaba garansani
Kuna guursan maayee
Taasaad niyadda gelin


Khadra Daahir Cige

Marti goorxun socotaba
Gurigaaga oo madhan
Adigoon gasiin hayn
Iyo gaabanow ari
Iyo gaabanow ari
Geeluna irmaaneyn
Dadkaba gobol aan la qadin iyo
Ogoow gibil ma daadshaha
Loo gowracaa jira
Ha gafine ujeeddadu
Waa sida geddaydoo
Mar haddaynu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu xiray
Garashada xusuusoo
I sii gacan walaalnimo


Axmed Cali Cigaal


Hadalkeenna googaa
Cadalee ha gelinene
Aniguba gantaallahu
Haddii ay ku gaareen
Haddii ay ku gaareen
Gacan baan ku siin lahaa
Galladdiyo nasiibkuna
Ogow gaadmo iyo orod
Midna laguma gaaree
Midna laguma gaaree
Gar Allee dadkuna qaar
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida geddaasuye
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Marna tahay gayaankey
Labadaaba garansani
Kuna guursan maayee
Taasaad niyada gelin






Galbeed waa la xorreeyey, Waarsaa gaagixisay— 1978?
Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Galbeedoo la xorreeyay iyo gaafkeenii isku hagaagay. Waxa uu abwaanku riwaayaddan sameeyay 1977, laakiinse dib ayay u yara  dhacday. Markii dagaalkii Soomaali Galbeed  iyo Itoobiya dhammaadayna, waxa uu abwaanku beddelay magaciii riwaayadda, waxaanu ka dhigay Galbeed waa la xorreeyey, Waarsaa gaagixisay, sidaas ayaanay riwaayaddani si rasmi ah u soo baxday sannadkii  1978.

Xiddigga: Xasan Aadan Samatar
Xiddigta: Sahra Axmed Jaamac

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

                      • Sayla guyaal badan : Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
                      • Maalmaha qalloocaa : Xasan Aadan Samatar
                      • Wuxuu noole daawado daa’uusku waa kow, isagana qab baa dilay, waxa loogu dawgalay nabar aan dawo lahayn: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
·         Gadhba gadhbaa la tusaa:
·         Masciideed: Amina Cabdillaahi Axmed iyo Barrow
·         Leeleelka caashaqa: Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Barrow


Xasan Aadan Samater:

  Sayloo guyaad badan
  Soo baxa kaliishii
  Seelseelna loo degay
  Sannad geelu badi dhalay
  Oo sidigtii Laalays
  Nirguhu aanay socod baran
  Reeraha sintoodiyo
  Kaymo saar leh loo dhigay
  Oo igadh mid yari sabo
  Maqaar lagu salaaxooy
  Saameeshay gaawaha
  Oo baarqab soohani
  Isagoo ah laba-sabar
  Soofeeyey micidoo
  Ka sanqadhiyey doobtii
  Salaaddiina roorsaday
  Ugabkii u saniyoo
  Surmo dheer la tiigsaday
  Saqdii dhexena roob helay
  Subixii bariisada
  Sideedaan jalleecada
  Saxansaxo udgoon badan
  Sanka kuula raacaa

  Sahra Axmed Jaamac:

  Sange subag idaad iyo
  Sumal baridii lagu shubay
  Ooy sabada ceelkiyo
  Sohdu tahay agtiisoo
  Loogu dhaansho sacabada
  Oo Sudiyo Howd sare
  Seddex guure daaqoo
  Weli aan sedyari arag
  Oo seeto iyo dabar
  Labadaba ka saahiday
  Oo salow dagaal iyo
  Cidi geyn  saraayaha
  Oo sararta naaxdiyo
  Timuhu ay isku seexdeen
  Oo seyn-gargortiyo
  Loo salaaxa guudkoo
  Saxarkii ku duuliyo
  Looga maydho  siigada
  Loo saaro kooraha
  Cigalkiina loo suray
  Sarajoogga iyo muuq
  Sankuneefle kaligaa
  Adaa suuraddiisa leh

  Xasan Aadan Samater:

  Sagal gaaxday roob subax
  Seermaweydo soo guday
  Waaguna ku sarakacay
  Sarajoog nin dhererkii
  Cadceedduna la siman tahay
  Nuurkuna sagootiyey
  Oo waqal sindadab iyo
  Guulaamo socotiyo
  Kala soocday dhibicii
  Oo midab sibaaqiyo
  cadaan wada siraatiyo
  madoow suul-dhalaal xiga
  Seddexdaa miduun yahay
  Qof suureeyey kala garan
  Oo beel Sanaagiyo
  Ku surmiday saraar godan
  Saadaalinaysoo
  bal halkuu ku simo iyo
  Sugayaan inuu helo
  Subixii bariisada
  Sidoodaan jalleecada
  Saxansaxo udgoon badan
  Sanka kuula raacaa

  Sahra Axmed Jaamac:

  Dhulku saacu wada gaadh
  Waanu kala sed roonyee
  Meel idaha seel u leh
  Riyahana salool u leh
  Oo geela saar u leh
  Oo dirir sagaariyo
  Sagaal gudcurkuna helay
  Saga xareedaan
  Biyuhuna sunsumayaan
  Oo saawasaawiyo
  Saxal cudur lahaynoo
  Salka looga degay nabad
  Oo saraarta dixidiyo
  Simantahay dareemadu
  Oo sebiga caanihii
  Lagu siiyey golihii
  Habluhuna sibraar iyo
  Dhiilo saabka loo tolay
  Sinta bidix ku qaadeen
  Subixii bariisada
  Sidoodaan jalleecada
  Saxansaxo udgoon badan
  Sanka kuula raacaa


Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga--- 1978, habeenkii sannadka cusub ee 1978-ku soo galayay.
Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)


Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

                      • Ma ogtahay curyaankaba, cago looma waayine: Xasan Aadan Samar iyo Xaliimo Khaliif Magool
                      • Goronyooy  gabal kuu dhac: Xasan  Aadan Samatar
                      • Waanigan jiciirtee jaaw nabad galyoo: Xaliimo Khaliif Magool
                      • Dadna adaa ugu qurux badan, dumarna waa adoo qudha: Xasan Aadan Samatar iyo Xaliimo Khaliif Magool

Xasan Aadan Samatar
Cishaduu Ilaahay
Cirka taagay udub li’
Ciiddana ka dhigay gogol
Wabiyada cartamayiyo
Cidhifyada bad kaga xidhay
Iyo buuraahaa culus
Cimrigeed adduunyada
Waxa jiraa col iyo nabad
Caydh iyo nin xoola leh
Iyo laba is caashaqay
Caawana kamay tegin
Caynkaynu ku ogeyn
Adna calafka kuu qoran
Cunaha  seegi maayee
Caashaqa ha baayicin

Xaliimo Khaliif  Cumar (Magool) IHN
Cadad kuu Ilaahay
caradeenna joojee
Aadan ciidda ka alkumay
Xaawana cadkiisiyo
Feedh calaanta laga dhigay
Cishadaa ma uunneyd
Caawana ma nooshahay
Caqlaa diiday hadalkuu 
Carrab dalab la’ sheegee
Ceeryaamo iyo boodh
Ciiro ha isku qarinine
Noloshayda caydh iyo
Cilmi guur aan ku fadhiyin
Ku caar caari maaye
Caashaqa iska ilow

Xasan Aadan Samatar
Xalay taba  caweyskii
Canabay daruuruuhu
Cimidh bay ahaayeen
Caawana lagu ma oga
Wakhtigii ku ciiliyo
Cisigiyo wanaaguna
Way is daba caraabaan
Waxaana kuu caddayn kara
Caamiyaha indhaha liyo
Ma ogtahay curyaankaba
Cago loo ma waayine
Caynkaa waxa loo yidhi
Kuwa cararayee ladan
Inay ku cibro qataan
Caashaqa ha baayicin

Xaliimo Khaliif ( Magool)
Bada caarid maalmaha
Cawa daranta fiidkiyo
Caddadaa walaalo ah
Cadceeddii timaadaana
Dadka ruux cadibanoo
Waayuhuu ku ciiriyo
Mid caruusa yaa jiro
Caad iga ma saarnee
Ee cilmiyada ilaahay
Anigoon aan caasiyin
Cabsi ha igu galinine
Adiga oo aan  cuud dhaqan
Caashaqan ku taabtaan
Cudur-daar u yeelee
Ceeb kale miyaan dhigay?


                     


Bidaari sibiqbay kugu gashaa – 1980?
Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)


Xiddigga: Xasan Aadan Samatar
Xiddigta:  Aamina Cabdillaahi Xirsi

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:


      • Gacantu raaxo daranaa: Aamina Cabdillaahi Xirsi
·         Gahaydhleh
·         Bidaari sibiqbay kugu gashaa: Xasan Aadan  Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
·         Eedaad
·         Mar bay xooluhu madhaan:  Maxamed Xasan Barrow iyo Shankaroon Axmed Sagal
·          Daan bari adoo yaal: Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Xasan Aadan Samatar



Heesta Gacantu raaxo daranaa:

Galaw taah gu’ madaxii
Goohyoo galaa yimid
Guuguule faal dhigay
Garan waa minkaw baxay
Isna baalashays goo

Anna gocashadiisii
Gef u dhacay ismoodsiis
Waa waxaan galgalashada
Anoo gam'ay gedood ciil
Garta ugu naqaayee

Kooras
Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta keebaan
gogoshiisi ku hurdaa
Go’a yay la huwaday 
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani

Baydka labbaad

Golcasta iyo sibir godan
Kala jeedi geeluba
Isna garay habeed gubi
Gondaha inuu ku leeyahay
Waanu galab cadceedsaday

Dhiigii guntamay iyo
Gujo maqan gunaad oge
Ana nabar i gaadhoo
Gaaroodis diidaa
Garka iga damqanayee

Kooras
Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta keebaan
gogoshiisi ku hurdaa
Go’a yay la huwaday 
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani



• Daan bari adoo yaal, cirkoo doollo ka onkaday:  Xasan Aadan Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi

Aamina Cabdillaahi Xirsi:

Daan bari adoo yaal 
Cirkoo doollo ka onkoday 
Beeshoo ah doog raac 
Adna awrtii dabar li’i
Intay kaaga dateen 
Labaddaadii aar dillay 
Dusha waxaad kararatana 
Kolay tahay dameer hayn
Reerkii kaa dul-guuriyo 
Dariskii wax kagu tara 
Markay dani ku haysaad 
Dadka kala ogaataa 
Anna maanta dabacsani 
Nabarka i damqanayana 
Daa’in iyo adaa jira 
Wax dawayn karaayee 
Adigiyo dadnimadaa.


Xasan Aadan Samatar:

Adaa Doollo iyo Hawd
Deegaanta taalliyo
Doogga u hawoodee
Ninkaan daaqsin maqaleed
Daruuraha ku hooriyo
Duleedkiisa ka cabbayn
Daraankiisi oo madhan
Xarragana iskaga tegey
Diiftiyo jacaylkiyo
Diihaalla kaa badan
Waayahana kaa daran
Danta ha ula cabanine
Adigoo aan igu digan
Anna aanan kugu dayan
Nabarrada damqanayaa
Waa dabar waqtigu sido
Deeqdii Allena maqan


Aamina Cabdillaahi Xirsi:

Duunyada oo ceel qabad
Daran cuna kaliishii
Doqon silic waraabshiyo
Adoon geesi daafaca 
Midna ceelalyo u diran
Xoolohoo daf soo yidhi
Darka kaagii oo tuban
Daan gaslaha waraabshiyo
Kii sii durduurshiyo
Doobkii wax kugu tara
Markay dani ku haysaad
Dadka kala ogaataa

Xasan Aadan Samatar:
Kol uu daad-mareenkiyo
Dacda nugulku kuu dhaco
Ama uu dadba u baxo
Oon lama dareertee
Ninka wabi diraaciyo
Durdur maro agtiisee
Biyo uu u doontiyo
Dunquruur ka quustee
Galaan beenyo dari karin
Duunyana warkeed nacay
Waayahana kaa daran
Danta hawla cabanine
Adigoo an igu digan
Anna aanan kugu dayan
Nabarada damqanayaa
Waa dabar wakhtigu sido
Deeqdii Allana maqan


Abwaan Xasan-Ganey, waxa kale uu oo sameeyay heesta tidhaa;
Cudurka kaa gala fardaha 
Haddii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayoo
Anoon weli kuu gedbixin
Geed dheer bay saaran tahay.


Ee ay qaaddo Khadra Daahir Cige. Abwaan Xasan-Ganey  mar  la waydiiyay in uu heestan isagu leeyahay iyo in uu leeyahay abwaan Kayd, waxa uu munaasibaddii Stockholm ka dhacday abwaanku dadweynaha u sheegay in uu isagu leeyahay heestan. Waxaanu intaas raaciyay in uu heestan ku daray riwaayad uu sameeyay abwaan Kayd taasi oo magaceeda la odhan jiray Nin Ilaahay wakiishay, nasiibkiisa ma waayo. Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sheegay in aanu wakhtigaasi sheegan karin heestan cadaadista dawladdii waagaas jirtay ku haysay awgeed, sidaasi daraadeedna uu u go’aansaday in uu raaciyo riwaayaddii abwaan Kayd.

Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah – 1983
Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Waxa hormood ka ahaa:
Cabdiqaadir Jubba,  Faadumo Haldhaa, Cadar Kaahin iyo Maxamed Cige Busi, Kinsi Xaaji Aadan iyo Maxamed Carraale.

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ah: "Hashaan maqasha iska celin, haraatinna kaanay dhalin, jiilaalkii bay hadhaa. Faadumo Haldhaa, Cadar Kaahin, Khadiija Hiiraan iyo Kinsi Xaaji Aadan ( IHN). Mar buu ku wanaajiyaa, wakhtigu kuu hiiliyaa, walaalkii kaa dhigtaa: Maxamed Carraale

Kinsi Xaaji Aadan ( IHN)

Taariikhdu wax bey hagtaa
Dadkuna wuu haybsadaa
Adduunkuna waa hayaan
Hirdooglaa lagu socdaa
Hoggaankuna waa casriga
Naftaadana lama hagrado
Qayrkaa  ka hadh waa habaar
Heeryadan aad sidatiyo
Heylahan waa laga ilbaxay
Salaanka aad halabsatide
Ma kuu gacan haadiyaa?
Haneedka ma kuu qabtaa?
Hobaanta ma kuu guraa?

Cadar Axmed

Habeenoy hebedka geel
Hashaan maqasha iska celin
Haraatina  kaaney dhalin
Markey hiigaan nirguhu
Jilaalkii bey hadhaa
Hambana waa la isku nacay
Higgaadana igu afgaro
Dharaar ba ninkaan ka helo
Habeenkii kuma dhexee
Hantidu wey ii dhan tahay
Xishood hodan baan ka ahay
Xayihii baan soo huwadey
Hablaha Soomaaliyeed

Khadiija Hiiraan

Hayaay waa loo dhintaa
Hagoogtaa waxa lahaa
Kuwii waa heermi jirey
Dharkaa hayruufayana
Sidaan sheekada ku heley
Haddii aanad meelna jirin
Ruuxii kuu hiiliyana
Inaad yeeshaa haboon
Haraaga nin laa tabee
Hurdaay reerkeenii guur
Horseed kuu baaqey iyo
Ku soo heley baan ahee
Ma kuu gacan haadiyaa?
Hoobaanta ma kuu guraa?

Faduma A. Cili  (Haldhaa)

Haldhaa baa la yidhaa
Heensihii baan wali sitaa
Hiddihii la wada yiqiin
Asluubtii hooyadey
Hormuud baan dhaqan u ahay
Inaan hin gashaan jeclahay
Huf iyo been kuma lugo’o
Hirkaa qaawinida dhalay
In lagu hoobtaan ogahay
Haboowdaye waxaan ku idhi
Hugaaga iyo kaan xidhnahay
Labada kee haybad wacan
Hilbona keenee asturan

Halkan waxa kale oo aad ka akhridaa suugaantii ku jirtay riwaayaddii
Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah – 1983:










Waqtigu wuu sunsumayaa
Midna waa la sugayaa
Soo jire ma noole'e
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan
Hadba kooda sarakaca
Waxa sahayda uga taga
Kii horee sagootiyey

Dad ka seexda mooyee
Sinjigii awow iyo 
Summaddaase noolaan
Maanatana sifaha jira
Sad bursiimo maahee
Garashada saboolki
Waxay sahansanaysaa
Waa saymo iyo hoog
Hiddeheenna suubbane 
Dhaqankeenna saxardiid
Murtidiyo sarbeebtiyo
Suugaanta teena ahi 
Wey salguuri doontaa
Maahmaahihii sula 
Sibiq bay u wada lumi
Saadaal la maqanaha
Siqiirkiinna aan dhalan 
Iyagana sadkoodii
Kuma simi karaysaan
Waanad seejineysaan



Sahan sheega tigaad iyo
Isagoon haysan tibaax

Tuhun reerka ku guuree
Saqbadhkii ku tiraaba
Hadhkii uu istabi waayiyo
Tabaqluu ka helaa
Adigoonan tabaadin


Baarqab qooqay tiftii
Gaanihii Tabsanaa 
Haddii aad u tu¨in waayood
Awrka tiir qabadsiisana
Madidii toban deeqda 
Jiilaalkii la toojoo 
Tabis baa la yidhaa
Toddobkaa todobkeedana 
Tolan maysid hadhuub
Tusaaluhu waxa weeye
Taluu reer ku dhaqmaa
Oo taluu reer ka dhintaa
Waqtigaa marna toosa
Marna yeesha tabaalo
Tu Allaaba timaad

Shaqadaad ka tagtaa
In loo toog hayo weeye
Haddii aad tacabtood
Garan weydo tashiilkana

Waxba kuuguma taal


Togba tooxda guntiisiyo
Taagtiisuu rogmadaa
Waqtigii hadba taagan baad 
Salaaddii tukataa
Jeeroo aad tolatood
Tu ka fiican helaysana 
Lama tuuro kabtaadoo 
Tincadday celisaa
Halkaanad taaban kareynna
Haddaad tiigso tidhaa
Isku taallo horaad iyo
Tagoog baad ka jabtaa 





 Hadii aanay u heesin
Oo hadaaqsiinin caruurta
Oo horaadkeeda jaqsiinnin
Hiduhu wuu lumi laa
Afkuna muu hirgaleenoo
Oday geed ka hadlaayiyo
Hoobal luuqda ku qaadiyo
Hal-abuur ma jireen.
Haddaanay heegan ahayna
Hanti maan dhaqaneenoo
Subag haamo ka buuxiyo
Caano maynu helleen
Hadii aanay u hiillina
Dadku hoy magaleene
Hooyo waa noloshiiye
Hareeraa isu tuurkiyo
Afkanaad ku hadlayso
Soddoh looga haboone



Qori baadil kugu ganay 
Haddii uu boqnaha tago
Samirkii ka bixin jiray
Waayahan ballaadhiyo
Taariikhdan baga tidhi
Halkay bayr ka leedahay
Bulshadayda weeyaan.
Beri horuu asaageed 
Cirka uu u beratamay
Iyana baadi weeyaan
Barashada tacliintiyo
Cilmaa lagu baqoolaye
Jahloow baalla´aantaa




Anaa reer hehel ka badan
Anaa reer hehel ka ba´an
Bunduqa loo iibsadiyo
Billaawaha loo listoow
Waxaad laysaa bahdaa
Balaayo markay dhacdana
Halkoodii kugu bannaan




Suugaanta kale  kale ee uu abwaanku sameeyay waxa ka mid ah:

1.      Allahayoow fogaydee: Khadra Daahir Cige
2.      Ninka booli cunay ee been kitaab, baabacada midig baalaha ku jaray: Marwo Cabdi
3.      Mujaahid allaystayoow: Sahra Cali Xasan iyo fannaaniintii SNM.
4.      Allayleh ilwaadeey:   Xasan Aadan Samatar iyo Faadumo Haldhaa


Dhanka Nebi-amaanka waxa uu abwaan Xasan-Ganey sameeyay:

1.      Yaa kheyral wajuudi: Xasan Aadan Samtar
2.      Rasuulkii bilnaayee: Xasan Aadan Samatar


Fiiro gaar ah: Intan uun  kuma eeka  suugaanta iyo taariikhda abwaan Xasan-Ganey, oo waa diiwaan miisaan weyn leh oo u baahan in buugaag badan laga qoro. Waxa aan  se  jeclaystay in aan wixii taariikh iyo suugaan  ah ee aan abwaanka ka hayo aan idinla wadaago. Waxaa jira suugaan badan  oo uu abwaanku curiyay sida, heeso, riwaayado, gabayo, maansooyin iyo waliba sheeko-suugaaneedyo xiiso badan. Nasiibdarro maan helin suugaantii abwaanka oo qoran, marka laga reebo buug lagu kaydiyay riwaayaddii Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo aan ka helay maktabadaha dalka Iswiidhan. Buuggan waxa qoray Jaamac Maxamuud Cumar ( Jaamac-Sweden), sannadkii 1993, waxaana  lagu daabacay waddanka Iswiidhan.. 

Qoraalkan kooban  waxa aan diyaariyay mar aanu abwaanka kulan-suugaaneed  ugu qabanay magaalada Stockholm,  ee waddanka Iswiidhan. Kulankan oo ay wada qabteen  labada urur ee kala ah Badda Cas iyo ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ka dhacay guriga ummadda ee Kista Träff, 26 bishii diisambar sannadkii 2014.

Haddii uu jiro qof qoraal ku haya suugaanta abwaanka, waxa aan jeclaan lahaa in uu faafiyo, si ay dadku u akhristaan iyo waliba si loogu fududeeyo cid kasta oo wax ka qoraysa suugaanta abwaanka. Waayo, haddii qoraalku ku jiro intarnatka way fududahay in ay cid kastaba helo. Waxaan kale oo aan ka codsanayaa ciddii wax qoraal ah ku haysa suugaanta abwaanka  in ay si gaar ah iigu soo diraan, iyada oo lagu soo hagaajinayo ciwaankayga hoosta ku qoran.

Wargelin: Mar aan abwaanka waydiiyay bal in uu buug ku kaydiyay suugaantiisa iyo in kale, waxa uu ii sheegay in hadda gacanta lagu hayo oo uu gebogebo ku dhaw yahay buug laga qoray abwaanka. Waxaanu abwaanku ii sheegay in uu buuggaasi gacanta ku hayo qoraaga weyn ee Cabdiraxmaan Faarax ( Guri-Barwaaqo), oo ah af-aqoon wax ka dhiga jaamacadda Hargeysa. Waxa aan rajaynayaa in buuggaasi dhawaan soo bixi doono.
                                                 
Xigasho:

 Mareegta Farshaxan, buugga Masiibadu adduunyada iyadaa u macallina iyo xog hadal ah oo uu abwaanku i siiyay intii uu Stockholm nala joogay iyo waliba xog wax ku ool ah oo aan ka helay rag dhawr ah oo suugaan-dhaadhi ah. Raggaasi waxa mudan in aan xuso; Axmed Xuseen Ismaaciil oo Sucuudiga jooga, Ilyaas Cabdi Carte oo ku nool dalka Taylan(Thailand), Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan  iyo  Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey )  oo ku nool waddanka Iswiidhan ( Sweden) iyo waliba Cabdillaahi Xasan Xaaji Cabdillaahi oo ku nool dalka Maraykanka.

Soo-diyaarintii Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ).
Warfidiyeen ka hawlgala  idaacadda caalamiga ah ee Iswiidhan ( Radio Sweden International ), ahna arday wax ka barta jaamacadda Stockholm ( Stockholm University)
Taariikhda: Axad, 4/janaayo/2015, Stockholm, Sweden.







Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.