Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från september, 2016

Magazinka CARRUURTEENNA iyo Carwada Buugaagta ee Göteborg 22-25/09/2016

Shalay oo taariikhdu ahayd 22-09-2016 ayaa la furay Carwada Buugaagta ee Göteborg. Carwadan oo ah ta ugu weyn ee lagu qabto carriga Sweden, ayaa lagu qabtaa caasimadda labaad ee dalkan Sweden sannadkiiba mar. Waxa ay socondoontaa ilaa 25-09-2016 oo la soo gebagabayndoono. Goobta loogu talo galay luuqadaha kala jaadjaadka ah ee laga tirada badanyahay oo afsoomaaligu ku jiro ayaa goob looga yagleelay Magazinka Carruurteenna. Waxa goob ay wada fadhiisteen shirkadda OMHASAN ee oo uu aasaasay Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan.

Faallo: Buugga Go'aan iyo Gobanimo ee uu Qoray Cali Cabdi Coomay ee soo Baxay Sannadkan 2016ka

Buugga la magacbaxay GO'AAN IYO GOBANNIMO oo uu qoray Cali Cabdi Coomay, waxa uu gacantayda soo galay bishii Ogost horraanteedii ee gu'gan 2016ka. Waxa muquuno ahaan iigu soo diray qoraaga. Waxa uu buuggu ku suntanyahay IHN, Sheekh Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar, oo ilaa aasaaskii Golaha guurtida Somaliland ahaa guddoomiyaha golahaas. Sheekhu, waxa uu geeriyooday 2004.

Faallo: Buugga la magacbaxay "Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed" ee uu qoray Ambasadoor Cawil Cali Ducaale 2016

Waxa aan ka mid ahay inta aad u xiisaysa wax ka ogaanshaha taariikhda adduunka, gaar ahaan tan soomaalida. In aad warsugan ka heshaa dhacdooyinkii la soo dhaafay waxa ay wax badan ka tartaa, go'aan qaadashadaada ku beegan tan maanta joogta. Isla markaa waxa ay wax weyn ka tartaa timaadada, si aad uga digtoonaato qaldaadkii la soo maray. Shalay oo jimce ahaa taariikhduna ahayd 02 Sep 2016 ayaa loo ballansanaa soo bandhigidda buuggan aan faallaynayo, laguna daahfuri doonaa magaalada Hargeysa.  Buuggani waxa uu i soo gaadhay dhawr todobaad ka hor, waxaana ii soo diray saaxiibkay Mustafe Khayre oo aanu dhinacyo badan oo taariikhda ah, dareen wadaag ka nahay.