Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från juli, 2013

Maxamed Xirsi Guuleed "Qoraa helay dalkiisii dheh"

Maxamed Xirsi, buuggiisii labaad oo la yidhaa "Ragga toodii aragnaye, dumar talo ma laga dayey" ayaa igu hoggaamiyey in aan barto. Waxa aan bartay maktabad loo baahnaa, oo bulshada wax weyn ku soo kordhiyey. Waxa aan soo saaray wax yar ka dib buugga "Xorriyaddii lixdankii iyo xilligii ka horreeyey". Waxa aanu isku barannay, in aanu nahay isku bah. 

"Run sheeg ceeb sheeg noqoy" prof. Axmed Ismaaciil Samatar

Ramadaan Kariim, aflagaaddo ma fiicna, afxumona nabadna waa ay kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto. Waa halkudhegyo soomaaliyeed. U malayn maayo in Prof. Axmed I Samatar qof la mid ah soomaalida uu ku dhex jiro, haddii uu jirona waa fara ku tiris. Qofka banii'aadamka ahi, waa uu qaldamaa, waase in uu qirtaa qaladkiisa, oo dib u saxaa. 

" Warqadda fasaxa dal-galka (visa) markii aan ka qaadanaynay Safaaradda Itoobiya, London, waxa dareenkayagu ahaa mid xiiso gaar ah leh"...Qoraal dhaxal-gal ah oo uu diyaariyey Ibraahin Meygaag Samatar IHN (21-03-2005).....

Marka laga hadlayo bilowgii halganka lama odhan karo waa wax sida makhaayad ama dukaan la furayo waqti go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii ‘London’ lagaga dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u ahaa maraaxil dheer oo isdaba jooga oo marxalad waliba wejigeeda, waajibaadkeeda iyo duruufaheeda gaarka ah leedahay.

Markay kooxi orgootaba ma asooli karaynee, abaal baan ku qabnaaye, ammaan uun ma helnaa...1992kii...Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Cinwaaka kor ku xusan, waxa aan ka soo dheegay maansadii Ergo ee Maxamed Xaashi Dhamac IHN-tee uu ka tiriyey Badhtamaha magaalada Hargeysa 1992. Irfidaan geliyaa, iniin baan ku ridaa, oogso baan is idhaa waa layii arbacaa. Rag hadduu is afdhaafo, afkaa laysku gartaaye, is afwaajiya maaha. 

Geeridu waa xaqe, (Maktabad dhan baa gubatay) Taariikhyahan, Dhaqaaleyahan, Siyaasi, Aqoonyahan, dhaqanyaqaan …. ”IHN” Ibraahin Meygaag Samatar (1941-2011) W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf 02-02-2011

  Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Raxiim Aslaamu calaykum warraxmatullaahi wabarakaatuh Qoraalka hoosta ku qoran, waxa aan qoray markii uu geeriyooday marxuum Ibraahin Meygaag Samatar. Si uu qoraalkanina u galo kaydka dhegey.blogspot.se ayaan ugu talo galay. Haddana kollayba geerida si guud in la xusuusnaado markasta waa lagama maarmaan. Marxuum Ibraahin Meygaagna Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo aamiin. ---------------------------------------------------------------------------------------

Maalmuhu kala tilmaamane maalintii Malmö iyo kulankii Ururka Qoraaga Soomaaliland 01-04-2013... W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

01-04-2013, Isniin Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey) Stockholm/Sweden   Waxa ay ahayd maalin sabti ah, taariikhduna tahay 30-03-2013,fasax bay ahayd oo waa maalmihii nasashada, waxaase u sii dheeraa in maalintii jimcahana fasax la ahaa, welibana maalinta isniintana fasax la yahay. Fasaxyadaa is biirsaday baa sababay in xubno ka tirsan qorayaasha reer Stockholm gaar ahaan, xubno ka tirsan Ururka Qoraaga Somaliland, go'aansadeen in ay maalintaa u baxaan safar dheer oo ka bilaabmayey magaalada Stockholm ilaa Malmö. 

Falan-qaynta maansada:- Quruxda iyo farshaxannimada maansada IHN-tee, Ibraahin aw Saleebaan (Gadhle) "Maan fayaw ha ceebayn, ha marmarin waxaan jirin,"

Tuke sugula, haad soo serdamey, salamadhlaa duula Abeesada sakaarada liqdiyo soongurkiyo yeyda Maska sululuxleeyiyo abguri, surinka noo jiifta. W/C, IHN Ibraahin aw Saleebaan (Gadhle)

Maalin aan la Ilaawi karin: Socdaalkii Ururka Qoraaga Somaliland ee magaalada Örebro 28-12-2011. W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Maalintii Isniinta ee bisha Baldaaq ahayd 26ka ayaanu u socdaalnay magaalada Örebro oo ah magaalo aad u weyn. Markay saacaddu cagacagayneysay 11 kii gelinkii hore baanu ka baxnay magaalada Stockholm. Waxa ay ahayd maalin fasax ah oo dhammaan fasax laga ahaa shaqada iyo dugsiyadaba. Waxa aad noo xiise gelisay sidii uu ahaa jawiga ama hawada Stockholm oo ahayd mid diirran oo aan xilligaa looga baran in heerkulku intaa ahaado. Waxa la sugaa xilliga jiilaalka bishan oo kale in heerkulku hoos u dhaafo 20 digrii.

Faallo: "Hal aan ogaaday" waa buug cusub oo soo baxay 2012

Buugga la magacbaxay "Hal aan ogaaday" waa buug kooban, laakiin farriinta uu gudbinayaa waa mid ballaadhan. Waxa qoray Axmed-Keyse Cali Rooble oo horena u qoray buug la yidhaahdo "Hal kaga dayo". Qoraa Axmed-keyse waxa uu magacbixintan u adeegsaday qaab taxane buugaag ah oo aad magacyada ka dheehan karto. Buuggu waa mid jeldigiisu adagyahay oo aan si yar ku duugoobayn. Waxa ku sawiran jeldiga hore sawirka qoraaga. 

ALIF waa warside ka soo baxa Stockholm afar jeer sannadkii, waxa soo saara Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay Sweden

Tirsiga 2-aad, gu'ga 4-aad ee ALIF, ayaa soo baxay 16-07-2013, kana soo baxay magaalada Stockholm. Warsidahan waxa inta badan lagu soo bandhigaa qoraallo ku saabsan suugaanta, taariikhda, dhaqanka iyo aqoonta laamaheeda kala jaad-jaadka ah. Waxa soo saara Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay magaalada Stockholm ee carriga Sweden. 

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Siirada Rasuulka Q-1aad.....................W/Q, Axmed Ceelaabe

Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:  Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Is-xasuusin: Baaq ay direen reer Sweden ka dib geeridii IHN-tee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) 16-10-2012 Stockholm/Sweden

Sidii loo ballansanaa maalintii Axadda ee taariikhdu ku beegnayd, 14/10/2012 ayaa la isugu yimi Xaafadda Tensta, hoolka weyn ee loo yaqaan Tensta Träff. Waxa ka soo qaybgalay kulankaas dad badan oo ka kala yimi xaafadaha Stockholm. 

Rawaayaddii Xorriyo: "Dadka furihii kama uu lumin ee abwaan Sangub baa gorayo u heesay" W/Q, Sayid-Axmed Dhegey ....08-11-2011

Qoraalkan hoose waxa aan waxyar ka taabanayaa waraysigii uu Maxamuud C. Sangub siiyey Hadhwanaagnews isagoo Jabuuti jooga. Qofkii garaad lahaa wuu garanayaa dareenkii jiray xilligii ay soo baxday Rawaayaddii Xorriyo 1980-kii. Waxa ay ahayd horraantii siddeetankii, oo lagu jiray xaalad kala guur ah. Waxa dhammaaday dulqaadkii dadka, waxa gunta la soo taabtay weel madhan oo ahaa xukuumaddii uu horjoogaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.  

Maamulka shirkadda miyaa igu aamini weydeen? "gacmaha ayuu dhabanada saaray! / 13-07-2010

Waxa uu fadhiyaa barandaha aqalkiisa, waa uu yaabbanyahay. Dhabanada ayuu gacmaha saaray, waanuu maqanyahay, balse, waa kan fadhiya ee kursiga quruxda badan ku fadhiya. Goor danbe ayuu ku war helay " Waar shaaha maxaad u cabbi weyday sawkan qaboobay!" oo ay xaaskiisa oo ag fadhida ku leedahay,----Yaa oo miyuu qaboobay, dee mid kale ii keen--- maxaan kuu

Maxkamaddii wareegi jirtay, waxa lagu bedelay Maktabadda wareegta. W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf 06-07-2011

Nicmooyinka Ilaahay in loogu mahadnaqo waa lama dhaafaan. Jiilaalkii 1984kii, bay timi Maxkamaddii loo yaqaannay Maxkamadda Wareegta oo u shaqayn jirtay qawlaysatadii halligantay ee xukuumaddii Millateriga ahayd, magaalada Sheekh. Maxkamadda wareegta goobta ay timaado, waxa hubaal ahayd in xukunkeedu noqon jiray Dil. Sida magacaba ka muuqatay Maxkamaddu ma ay lahayn saldhig, ee waa ay wareegi jirtay. Dadka waxa ay ku xukumi jirtay geed hoostii. 

Halgankii iyo sooyaalkii Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad) "Tan iyo sitiinkii sawjar buu ahaa billad geesi soo helay, xilligii S-tana, summaddiisu ururkaba iyadaa ka sidatay."

Magaca Haybe Axmed Guure, waa hubaal in aan dad badani aanay garanayn, balse marka la yidhaahdo Haybe-Laambad, in badan baa garanaysa. Ilaahay ha u naxariistee Haybe-Laambad waxa uu lahaa taariikh dheer. Mar haddii uu ka qayb galay dagaalkii labaad ee dunida, oo uu ka mid ahaa guutadii ka dagaal gashay Barma, maxaad kalee odhan lahayd aan ka ahayn, xilli dheer iyo waayaragnimo ba waa uu lahaa. Xilligii maamulkii Ingiriiska, ayuu ka mid noqday ciidankii loo yaqaanay Somaliland Scouts, oo maamulkii Ingiriisku aasaasay, markii dib looga qabsaday Talyaaniga--- Somaliland 1941kii. Ciidankaas ayuu Haybe Axmed Guure ka mid noqday, dabcan isaga oo dhallinyaro ah. 

Xusuusqor: Dib u milicsiga maalmihii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland 05-1991kii...W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf

Waxa ay ahayd xaalad colaadeed. Marka colaadi jirto, waxa cidhiidhi gala wax kasta oo nooluhu u baahanyahay. Inkastoo muddo dheer lagu soo jiray colaad, maalmahaas waxa dhacay isbeddelo waaweyn. Bishii Jeeniweri ee 1991 dhammaadkeedii buu ka baxay Maxamed Siyaad Barre magaaladii Muqdisho ee xarunta u ahayd, muddada dheer ee labaatanka sannadood wax dheeraayeen.  Dhinaca kale SNM iyo taageerayaashoodii baa maalmahaa qabsaday magaalada Berbera oo ahayd goob muhiim ah. Burburkii iyo is kaba raacintii xukunkii kelitaliska ahaa baa ku beegmay bilawgii 1991kii. 

Qormo ka mid ahayd qoraallo taxane ahaa: Todobaadka iyo Somaliland

G uuleed:  "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Dan ahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan  gara bkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'san ba an , gaadh aan u  taagna hay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u

Xusuus qormo hore: "Oxford House iyo habeenkii qorayaasha 13/10/2008/London". W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf

Maalintii bishu ahayd 13, bishii tobnaad ee sannadka 2008 ayaan u diyaar-garoobay in aan ka qayb-galo kulan ka mid ahaa kulamadii socday muddadii todobaadka ahayd, oo ka socday Oxford House/London. Debbaal-deggaas oo loogu yeedhay (Debbaaldegga todobaadka soomaalida) waxa ka soo qaybgalay dad aad u tirobadan

Xogurursi: Qaadiyadii dalkeenna soomaray iyo qaabkay u shaqayn jireen.

Erayga gumaysi, iyo gobanimo doonkii, xornimadii lixdankii, ayaan ku soo barbaaray. Haa intaasiba waa sax marka la eego dhallintii kacaantay afartamaadkii, kontomaadkii. Laakiin dhallintii lixdamaadkii kacaantay, taa waa ay ka duwanaayeen, oo markiiba waa kii IHNtee Qaasim lahaa "Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye, dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye, Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karale". Dhallintii todobaatanaadkii kacdayna, dee waabay yaabanaayeen, oo afkii baa juuqda gabay. 

Sheeko gaaban: Maanta waa goblan!. W/Q, Saddam Xuseen Carab

Waa duq ilaa lixdan jir ah, waa ta halkan ka ooyaysa. Aad ayaa loogu buuqsan yahay guriga ay ku jirto. Waxa waayeheedu uurxumo iyo urugo ku reebayaa cid kasta oo aragta ama maqasha waxa helay ee heeray. Waxa ay ku barooranaysaa “Hoogay, oo ba’ay, hawo baaqsaday oo Hanad waayey”… Waa ay xabeebatay

Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii (Foosiya Axmed Maxamed (Hormood) 21/11/2010/.......Hargeysa/Somaliland)

  Dagaalkii 1988kii maalintii uu bilaabmay waxa aan joogay Burco. Dagaalku waxa uu dhacay maalintii jimcaha ee bishu ahayd 27kii MEY—aniguna waxa aan ka imi Xamar 15 MEY. Intii aanaan Xamar ka iman waxa halkaa lagu hayey, sheekadii heshiiskii dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle Maryam, oo hadalhayntu u bad- nayd—“ SNM waa ay u dhammaatay, mar haddii Itoobiya ay soo saarayso ciidankii SNM wax u yaallaa ma jiraan Itoobiya, dad badan oo markaa Xamar deggenaa ayaa u arkayey in dhibaatadii SNM ay halkaa ku dhammaanayso.

Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii: "Waxaan ahaa ardaydii ka baxaday dugsiga sare ee 26ka juun sanadkii 1983. ............. Kamaal Cabdilaahi Xuseen---/USA

FG: waxa aan ka soo xigtay buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii. Qaybta warbixinta iyo xusuusta dadkii goobjoogga ahaa.  - Anigoo ah Kamaal Cabdilaahi Xuseen hadaan dib u milicsado dagaalkii 1988 kii dhul- keena ka dahacay waajibka ama aan idhaahdo qasabkana la inagaga dhigay iyo siduu noloshayda u saameeyay, waa soo koobayaa ee akhris wacan. Waxaan ahaa ardaydii ka baxaday dugsiga sare ee 26ka juun sanadkii 1983, sanadkii 1985 ayaan waxaan ku jiray 35 arday oo wadanka oodhan imtixaankii jaamicada ugu sareeyay kuna guulaystay kuliyadii caafimaadka.

Buugga Milicsiga dagaalkii 1988- “Waxaan maqley dagaalka 27 may 88kii subaxii jimce.” ........ Siciid Cabdilaahi Xuseen/ UK

FG: qoraalkani, waxa aan ka soo xigtay buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii. Qaybta warbixinta iyo xasuusta dadkii goobjoogga ahaa. --------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------- Waxaan maqley dagaalka 27 may 88kii subaxii jimce. Waxaan joogey magaalo la yidhaahdo Cajmaan, dareenka dadkuna aad ayuu u kacsanaa subaxiiba waddanka Imaaraadka oo dhan shucuur aan la qiyaasi karin ayaa mar qudha. wada saaqdey ta- leefanada ayaa aamusi waayey. Waxa aan ku kallahey Makhaayadii warka lagu kala qaadan jirey oo aad moodo subax iideed farxada iyo raynreynta waxa lays weydaars-anayey wararka  dadkuna dadkan imika ee bustaha qoyani saaran yahay ee aan sax iyo qaladka kala garaneyn ma aheyne---waxay ahaayeen dad yu'uuntooda iyo qalbi- gooduba wanaagsan yahay.

Sheeko gaaban: “Alle Doori Baan Ahay”! W/Q, Maxamed Baashi Xaaji Xasan ...London/Uk

Jikaar iyo muran caalwaa’ ayuun buu awel hore ba saaxiibkii ku yuubayey ee wuu dareensanaa  inuu ka soo baydhay jidkaas ay naftiisu ku naalloon jirtey. Jid uu isku daawan jirey oo sida muraayadda qofnimadiisa uu uga dhex halacsan jirey. Jid uu isku daawayn jirey oo aan u qodax badnayn sida kan qardabooyinka badan ee ay waayadan dambe kashiisu barriinsatay ee uu garasho diidayo.

Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) "Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye." 1964

FG: Qoraalkan waxa aan qoray abwaanka oo nool. Markii qoraalkani uu ku baahay baraha Internetka, muddo aan ka badnayn bil ka dib ayuu geeriyooday Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim). Aad baan u naxay, markaan ku arkay Hadhwanaagnews tacsidii oo qoraalkaygu ku lifaaqanyahay. maalintaan qoray qoraalkan iyo maalintuu geeriyooday bil wax aan ka badnayn baa u dhaxaysay waa gu'gii 2006-dii.

Baalasha hore ee bilawga buugga Socdaalkii dheeraa---2007 W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf

HORDHAC Markay taariikhdu ahayd 27-05-1988 kii waxa ka bilaabmay magaalada Burco dagaal aad u xoogbadnaa. Dagaalkaasi wuxuu dhexmaray ciidankii daacadda u ahaa taliskii Maxamed Siyaad Barre iyo Ciidamadii SNM oo uu xilligaa hoggaamiye u ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo”. Dhawr-maalmood kaddib ayuu dagaalkaasi ka qarxay magaalo-madaxdii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo ahayd Hargeysa 31-05-1988. 

GABAY BAROORDIIQ AH: “Meygaag halyey buu ahaa loo hammuun qabaye” ...W/C, Cabdiraxmaan Muxummed Maxamuud (Cawlo) 02/2011/ UK

Gabaygan hoosta ku qoran waxa tiriyey Cabdiraxmaan Muxumed Maxamuud (Cawlo) oo deggen carriga Ingiriiska. Waxa uu tiriyey maalmihii la soo sheegay geerida marxuum Ibraahin Meygaag. Waxa uu gabaygani noqonayaa inta aan arkay kii ugu cuslaa ee markiiba laga tiriyey geeridii marxuumka. Abwaanka curiyey gabaygan oo aqoon u lahaa Ibraahin, waxa uu inna hogatusaalaynayaa qaababkii uu ku yiqiin marxuumka.

Buugga Gorfaynta Silsiladdii Deelley – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Hordhac: Silsiladda jiiftada ah ee Deelley wax ay ka mid ahayd suugaantii aan ku barbaaray. Iyada iyo maansooyin kale oo badan oo cajalado lagu duubay, oo siyaasad iyo qabyaalad u badnaa, oo qaarkood xilligaas la curiyay qaarkood na hiddaha laga soo nooleeyay, wax ay ahaayeen duufaan dadka soomaalida ku kacday. Guud ahaan wax ay ahayd maanso leh abaabul colaadeed oo ba’an. Xamar baan ku noolaa oo ahayd meesha ugu daran ee suugaanta jaadkaas ah laga faafiyo. 

Qoraal dhiirrigelin ah: SNM, SNM, SNM, haddii lagu celceliyo oo aan xikmadi ku jirin waxay noqon doontaa NSS, NSS, NSS?

Maalinta ku suntan shuhadada SNM oo ah 17 oktoobar, waxa inta badan ka hadla dad goobjoog ahaa iyo qaar kaloo badan, oo malaa maalintaas uun jeclaystay in ay shaashadaha tvga ka soo baxaan, ama la waraysto. Waxa laga joogaa 1984kii bishii Oktoobar, todoba iyo tobankeedii, soddon sannadood ku dhowaad. Ilaa maanta buug laga qoray dhacdadaa aynu ku celcelino ma jiro.