Fortsätt till huvudinnehåll

Geeridu waa xaqe, (Maktabad dhan baa gubatay) Taariikhyahan, Dhaqaaleyahan, Siyaasi, Aqoonyahan, dhaqanyaqaan …. ”IHN” Ibraahin Meygaag Samatar (1941-2011) W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf 02-02-2011

 
Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Raxiim
Aslaamu calaykum warraxmatullaahi wabarakaatuh

Qoraalka hoosta ku qoran, waxa aan qoray markii uu geeriyooday marxuum Ibraahin Meygaag Samatar. Si uu qoraalkanina u galo kaydka dhegey.blogspot.se ayaan ugu talo galay. Haddana kollayba geerida si guud in la xusuusnaado markasta waa lagama maarmaan. Marxuum Ibraahin Meygaagna Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo aamiin.

---------------------------------------------------------------------------------------
-
                  


Innaalilaah Wa Innaa Ilayhi Raajicuun… Ilaahay Naxariistii Janno Ha geeyo, marxuum Ibraahin Meygaag Samatar. Aamiin. Ibraahin waxa uu ku geeriyooday dalka Jabaan oo uu ilaa siddeed sannadood deggenaa, kana ahaa macallin wax ka dhiga Jaamacad halkaa ku taalla. Geerida oo la wada ogyahay in aan qofna gefeyn—goor ay ahaataba ayaa haddana si u kala naxdin badan. 





Runtii aad baan u naxay markaan arkay qoraalkii ugu horreeyey ee la soo geliyey Hadhwanaagnews. Sababta ugu weyn ee aan hubo in ay dad badan ku noqotay naxdin waa maqalkiisa oo dadka ku yaraa intii danbe iyo laba waraysi oo todobaadkii hore uun laga qaaday oo midna BBC du qaadday midna Hadhwanaagnews. Labadaba waxa uu si qeexan u caddeeyey fikirkiisa siyaasadeed ee ku beegan Somaliland iyo xataa sida uu u arko Somaliya. Waxa aan marka hore halkan tacsi uga dirayaa Xaaskii iyo carruurtii uu ka baxay marxuumku. Marka xigtana dhammaan reer Meygaag Samatar. Marka sii xigtana dhammaanteen Ilaahay Samir iyo Iimaan ha innaga siiyo…Aamiin.

Badhtamihii 2004-tii baa iigu horraysay xidhiidh aan la sameeyo Ibraahin Meygaag Samatar, anigoo aad u raadinayey taariikh badan oo ilaa maanta qabyo ah. Maalin kastana ay ka gub-taan Maktabado dhan. Maantadaa aynu joognana waxa jira Maktabado nool oo haddii aanay reebin buugaagta ay xanbaarsanyihiin iyaguna guban doona goorteeda Ilaahay cayimay. Ibraahin, Ilaahay ha u naxariistee, markii aan la xidhiidhayba si fiican ayuu ii soo dhoweeyey. Waxa aan markii hore kula xidhiidhay farriin aan uga diray Email. Muddo ka dib telefoonka ayaan kula xidhiidhay, si kalsooniyi ku jirto ayuu ii siiyey telkiisa. Inkastoo aanaan Tilifoonka in badan kala hadal waxa xidhiidhkayagu uu noqday mid aanu ku kala qaadanno farriimaha Emailka. Anigoo u diyaariyey su’aalo dhawr ah oo aanu xilligaa ugu talogalnay dhawr siyaasi oo ka mid ahaa xogogaalkii SNM. Xilligaa waxa igu wehiliyey hawshaa dhawr qof oo kala joogay USA, UK, Kanada iyo Somaliland, balse qofka xidhiidhka la sameynayey Ibraahin aniga ayuu ahaa. Waxa aan u arkayey in ay muhiim tahay in taariikhda dadkan iyo dalka la qoro oo la weydiiyo inta lagu tuhmayo.

Halkaa marka aan marayo, aan xasuustayda dib u celiyo. Anigoo yar oo dugsiga dhexe dhigta ayaan maqli jiray Ibraahin Meygaag waa nin aqoon leh, waa ninka kala wada xukuumaddii Siyaad Barre---xataa heeso la qaadi jiray oo aan ka xasuusto mid ay qaadi jirtay Khadra Daahir baa la odhan jiray waxa looga jeedaa sida uu u tababaray Ibraahin Dawladdii siyaad iyo sida uu Siyaad uga abaalkadhacay ee uu u necbaystay dadkii aqoonta lahaa ee Ibraahin Ka midka ahaa---xaalku si kastaba ha ahaado’e waxa hubaal ahayd in Ibraahin iyo rag kaleba ay doonayeen in ay u shaqeeyaan Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo ay ka dhigaan mid hore u marta. Laakiin sida uu Ibraahinba qoraalkiisii qiimaha badnaa ku sheegay laguma sii jiri karayn, mar haddaan wax isbedel ah aanuu Siyaad Barre oggolayn.

Xidhiidhkii aan ku noqdo’e "IHN" Ibraahin si hagar la’aan ah ayuu iigu ballanqaaday in uu soo diyaarin doono qoraal u qoran si curis ahaan ah. Qoraalkaas waxa uu hakad galay dhawr jeer oo uu ii soo sheegay sidan:Tusaale ahaan intii uu qoraalka bilaabay.

I am in the middle of typing my response, slow as it is, you will recieve it soon.” ....Ibrahim

Mar kalena oo aan dib u weydiiyey halka uu marinayo qoraalkiiwaxa uu ii soo faahfaahiyey sababta uu jawaabta ula raagay. Taasoo aan mar kasta ka dhex arkayey qof ahaanta Ibraahin oo i siinay-say kalsooni aan ku qabo in uu qoraalkaa dhammaystiri doono. 

“Dear Sayid Ahmed:

 Raalli ahow. Sidaan hore kuugu sheegay waan helay sua'aalaha, haddii aanay kuwo kale ahayn. Maqaadiirta Allah!  Waatan mar ku idhi waxa iga jabay computer. Waxa xigtay lugtayda. Kuraanta. Sallaan baan ku simbiririxday. Laba biloodba sariir-jiif baan ahaa. Oday iyo xaalkii dheh. Haatan kacoo, xaftaan hayaa. Ii dulqaado jawaabta waad iga heli eh....................Ibrahim.

Ilaahay ha u naxariistee Ibraahin waxa uu ahaa ninka sidaa u qaddarinayey ee u ogaa muhiimadda ay lahayd su’aalihii aan weydiiyey. Xataa mar uu aad u mashquulay waxa uu ii sheegay in uu ku dhex jiro imtixaanaadkii sixitaankoodii. Waxa aan halkaa jecelahay in aan dareensiiyo dad badan oo wakhti haya oo taariikhbadan haya oon haddana laba sadar qoraynin ama aan dareensanayn-ba muhiimadda ay leedahay buugaagta uu xanbaar-sanyahay. Wixii qoran baa quruuma hadha ee muxuu hadal qiimo leeyahay?. Qoraalkaa uu iigu deeqay Ibraahin ee dhaxalgalka ah oo markii danbe galay Mareegaha ama baraha Internetka, waxa aan ku rajoweynahay in uu sannadkan ku soo baxo buug---kaasoo aan rajaynayo in aan ku ladho taariikhdii Marxuum Ibraahin Meygaag Samatar IHN-tee.

Waxyaabaha Ibraahin ka dhigay in uu ahaado qof la jecelyahay waxa ka mid ah: Aqoon diineed, mid maaddi, aftahannimo, dhawrsanaan uu inta badan ka dhawrsan jiray khilaafaadkii jiray, geesinimo uu u badheedhay in uu galo furintii dagaalku ka socday 1989kii. Waxa si gaar ah uga dhigay qof la jeclaa hadalkiisa oo aanuu gelin jirin mugdi, si qeexan oo cad ayuu fikirkiisa siyaasadeed u soo bandhigi jiray. Waxaana taa markhaati ka ah hadaladiisii ugu danbeeyey. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo…..aamiin aamiin.

Ugu danbayn Marxuum Ibraahin Meygaag Samatar oo ii soo koobay taariikh-nololeedkiisii. Waxa uu ku soo koobay sidan:

Jawaabo Gaaban: "Ku dhashay miyiga waqti dayreed oo markaa ku beegmaysa  Oct. ama Nov.1941 meel la yidhaa Qollad oo Awaare woxoogaa geesta woqooyi galbeed ka xigta. Dugsiga Quraanka waxan ka galay Hargeisa 1950kii. Sannad dabadiina waxan u wareegay Elemntary school Hargeisa, ka maanta loo yaqaan Sheekh Bashiir. Dugsiga dhexe, Camuud waxan u gudbay 1953, kana dhammeeyey 1957.
Dugsiga sare, oo Camuud ah waxan galay isla saanadkaa. 1959kii waxa loo raray dugsigii sare magaalada Sheekh, waxaanu ii dhammaday 1961. Sannadkaa laftiisa ayaan u soo baxay dalka USA. Jaamacadda aan galay waxa la yidhaa Yale University oo aan ka qaatay B.A. iyo M.A., cilma dhaqaalaha. Dabadeed markaa 15 sano shaqeynaayey ayaan haddana dib ugu noqday tacliintii 1981kii. Waxan ka qaatay Ph.D. cilmiga dhaqaalaha Jaamacadda University of Calfornia, Riverside 1985.



........................Ibrahim


--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------


Gacanlibaax200@yahoo.se
Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
02/02/2011-----Sweden/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.