Fortsätt till huvudinnehåll

Falan-qaynta maansada:- Quruxda iyo farshaxannimada maansada IHN-tee, Ibraahin aw Saleebaan (Gadhle) "Maan fayaw ha ceebayn, ha marmarin waxaan jirin,"

Tuke sugula, haad soo serdamey, salamadhlaa duula
Abeesada sakaarada liqdiyo soongurkiyo yeyda
Maska sululuxleeyiyo abguri, surinka noo jiifta.


W/C, IHN Ibraahin aw Saleebaan (Gadhle)






Ibraahin aw-Saleebaan oo ku magacdheeraa Ibraahin (Gadhle) waxa uu ahaa, maansayahan, qore inoo qoray rawaayado farabadan. Waxa uu ahaa nin maansadiisu ay ka mudh-baxday maansayahanno badan oo soomaaliyeed. Waxa aan odhan karaa aniga aragtidayda, maansadiisu waaba wada maahmaah. U fiirso: "Danayso adoo lahaa, marbaad dacar qooshataa, maxaa dayr cad geel hallaaboo, dibjiray uu cunay dugaagoo, ninkii lahaa daydayaa. Waxa ay ka mid ahayd heesaha yaabka leh ee dareenka maahmaahaysan kugu hoggaaminaya. Waxa uu inta badan Ibraahin, Ilaahay ha u naxariistee, ku caan ahaa kooxda murtida iyo medadaalada ee Jabuuti. Laakiin waxa u barbar socon jiray dareenkiisa qof ahaaneed, kolba arrinka uu jeclaysto in uu wax ka yidhaa. 

"Nin ku yidhi masaan nahay, mar la qaad tallaabada, la malayso mooyee, yaanuu midiidin kaa dhigan, midho aad la leedahay, yaanu ku cunin is-moodsiis."

Maansada Ibraahin Gadhle, waxa aynu odhan karnaa waa madaafiic, dhaxal u ah afsoomaaliga, waa maahmaahyo aan duugoobayn. Waxa u gaar ah ama qurxiya maansada Ibraahin IHN, waa tuducyada sida fudud aad u qabsan karto, ee haddana ka miisaan weyn kun erey. Qaybtan koowaad waxa aan inoo dooray maanso, aad odhan karto, gebigeeduba waa maahmaahyo nool, oo uu curiyey Ibraahin aw Saleebaan, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee...aamiin. 

Qaybtan 1-aad, waxa innagaga filan, maansadan oo aad dhuuxdo.


Midigtaadu yey noqon,
Mid tolkeed u muruq weyn,
Murjinkaagu yuu noqon,
Magli dila walaalkii,
Magacaagu yuu noqon,
Mid xumaan ka marag-kaca,
Sida macawisaa qaar,
Ninba maalin yuu xidhan.

Hadba kii muraadle ah,
Hawga dhigin maqaar-saar,
Mar waxaad dhandhamisiyo,
Mijin qaad ah haw dhiman,
Hana talin masiibiyo,
Wax makhluuqa kala dila.

Maskaxdaadu yay noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaax iyo,
Lagu furan masaabiir,
Waxaad shalayto mudatiyo,
Mahadhada xusuusnoow,
Halkii qorigu kaa muday,
Mar labaad lugtaadiyo,
Cagtu yaanay kula marin,

Maantiyo dantaadiyo,
Yaan mililku kaa lumin,
Maalmaa danbeeyiyo,
Waxa maqanna faallee.

Maalkaagu yuu noqon,
Musdanbeedka reerkiyo,
Makhsinkaad u hoyatiyo,
Masallaha Rasuulkiyo,
Ku Masaajid lagu gubo.

Muhmal laguma guuree,
Danni ma-hure haw dilin,
Maan fayow ha ceebayn,
Ha marmarin waxaan jirin,
Maamuuska sharaftana,
Ka ilaali meydhaan,
Miyirkiyo hubsiintuna,
Maro weeye la huwado.

Marantida haweenkana,
Hodan lagama maarmee,
Marba kii aroosiyo,
Ha maaweelin qayrkaa,
Adiguba marwada dumar,
Meher waad ku geydaa,
U Miinxiiska ruux kale,
Waxa kaaga magac-roon,
Ha laguu mashaxaradee,
Adigoo mid guursada.

Gool meesha lagu qalay,
Mud haddaan lagaa siin,
Mandharaari cunisteed,
Waxa kaaga magac roon,
Ma-dhaafaanka hilibkiyo,
Adoo meydhaq deydaya.

Maxfal la isu soo baxay,
Haddi anad muftiga noqon,
Mowliidka ka akhriya,
Maamuus la’aantii,
Waxa kaaga magac roon,
Machad laga aflaxayiyo,
Adigoo maqaam fura.

Geela maalintii raac,
Makhribkiyo habeenkana,
Aan kugu ag maalee,
Ha maggaabin caanaha,
Maaheyska kugu yidhi,
 Sii mililiciisaa,
Waxa kaaga magac roon,
Macaluusha gaajada,
Haba laga masoobee,
Adigoo markaha rida

........... .............. ................ IHN-tee Ibraahin aw Saleebaan (Gadhle)

FG: Haddii aad hayso gabayada ama maansada guud ee Ibraahin Gadhle IHN, oo qoraal ah, iigu soo dir mailka hoosta ku qoran:

Gacanlibaax2001@yahoo.se

Xigasho: Berberanews.com, fogaalarag.blogspot.se, Hoyga suugaanta.com

Diyaariye: Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
20-07-2013, Stockholm/Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.