Fortsätt till huvudinnehåll

Maxamed Xirsi Guuleed "Qoraa helay dalkiisii dheh"

Maxamed Xirsi, buuggiisii labaad oo la yidhaa "Ragga toodii aragnaye, dumar talo ma laga dayey" ayaa igu hoggaamiyey in aan barto. Waxa aan bartay maktabad loo baahnaa, oo bulshada wax weyn ku soo kordhiyey. Waxa aan soo saaray wax yar ka dib buugga "Xorriyaddii lixdankii iyo xilligii ka horreeyey". Waxa aanu isku barannay, in aanu nahay isku bah. 



Tan iyo maalintaa waanu iska warhaynaa, welib nasiib wanaag Maxamed waxa uu u soo guuray Stockholm oo aan degenahay. Waxa aanu soo wada qabannay hawlo fara badan oo dhanka u hiilinta qalinka iyo afka soomaaligaba ah. Laakiin Maxamed kuma koobna keliya qalinka, ee waa Qoraa, gabayaa iyo weliba halka ugu muhiimnsan oo ah in uu yahay nin aqoon fiican u leh diinta Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay culimda waaweyn ee reer Stockholm.

Waxa aan maanta qalinka u qaatay, waxa aan arkay Maxamed Xirsi oo madal loo dhan yahay ka jeedinaya waxqabadkiisii dhanka qoraalka. Waxa aan garbihiisa ku arkay Cabdilaahi Cawad Cige oo ah qoraa, gabyaa, ay weliba gabay wadaag noqdeen Maxamed Xirsi xilli laga joogo dhawr iyo toban sannadood ka hor. Waxa iiga muuqday madasha quruxda badan odayaal caan ka ah dhulka soomaalidu degto oo dhan Siciid Gacmuudin iyo Siciid Saalax. 


Tiirarkii Carwada Caalamagiga ah ee Hargeysa ayaa iyaguna barbar taagnaa saaxiibkay Maxamed oo kala ah Jamac M Jama iyo Ayaan M Cashuur.

Badndhigga Habeenkii M X Guuleed oo ka dhacay Hargeysa 27-07-2013. Waxa i hortimi, isla doonashada intaa le'eg iyo sida uu ugu qalmayey, una mutaystay Maxamed Xirsi Guuleed. Waxa aan maqli jiray ama aynu hees ku maqallay, "Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, waana lama huraan". Dhawaan ayuu soo bandhigay buugaagtiisii, kuna soo bandhigay xarunta akhriska iyo kaydka ee Maxamed Mooge, Xaruntaas oo loogu magac daray halgamaagii caanka ahaa Maxamed Mooge Liibaan IHN.

Aad baan ugu hambalyeynayaa hawsha ay xaruntaasi qabatay, dedaal loo baahnaa bay sameeyeen. Waxa ay taageereen tiir ka mid ah tiirarka qorayaasha wax ku qora afsoomaaliga. Inkastoo afka carabigana uu wax ku qoro, waxa aan odhan karaa waa halyey u taagan afsoomaaliga. Ma ay fogayn markii uu aasaasay akadamiyada afka soomaaliga ee fadhiggiisu yahay Stockholm. 

  Waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururka Qoraaga Somaliland. Buugaagta uu qoray Maxamed waxa ugu danbeeyey "Aan Ooyee Albaabka ii xidha" oo ku saabsan ama ah ururinta maanso kala jaadjaad ah balse ku midaysan gumaysi la dirirkii soomaalida. Ugu danbayn, igama aha in aan faaniyo meelo madhan, balse qofka dedaalka muujiya, ee garabkaaga ah, ee dedaal danta guud ah ugu maqan ummadiisa, waa in la tilmaamaa, sheegaa, loo duceeyaa. La dhiirri geliyaa, wixii talo ah la siiyaa, si uu dedaalka u sii kordhiyo. Waxa aan ogahay in aanuu Maxamed waxaas oo buug ah, ee uu qoray oo toban kor u dhaafay, wax dhaqaale ah ka helin mid ka gala mooyaane. Isaga waxa wax u ah in ay dadkiisa gaadho, if iyo aakhirana wax badan baa ugu jira oo dhaqaale ka weyn.

Hambalyo, Maxamed Xirsi Guuleed Haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo. Hambalyo Xarunta akhriska iyo kaydka ee Maxamed Mooge.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."